Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAXOOTI SUURIYAAN AH OO KA HADLAY DHIBKA KA JIRO XUDUUDA BELARUS IYO POLAND.

(BIALYSTOCK,POLAND):Marka laga hadlaayo qaxootiga ku qulqulaayo qaaradda Yurub waxaa isla markiiba maskaxdayna ku soo dhacaayo qaxootiga ka imaanaayo dalka Suuriya ee uu aafeeyey dagaalka mudada dheer ka socday waxaane arkaysaa qaxootiga u dhashay Suuriya ineey meel kasta gaareen xataa dalka Soomaaliya waa eey ku sugan yihiin,hadaba qoraalkaan ayaan kaga hadlaa qaxootiga reer suuriya una qaxay dhinaca Yurub.

Bushra Al-mucalimi ka dib markii eey u adkeysaneeysay dagaalka dalka Suuriya ee socday muddo dhan tobanka sano ayey Bushra iyo laba gabdhood oo la dhashay waxa eey fursad u heleen ineey isaga cararaan dalkooda Suuriya,Bushra walaakeed oo dhawr sano ka hor isaga cararay dalka Suuriya hadana ku sugan dalka Biljim ayaa waxa uu walaalihiis u keediyey lacag eey dalka Suuriya kaga soo safri karaan waxaane jiray war lagu baahiyey baraha internet-ka oo sheegaayey inuu jiro jid cusub oo lagu tegi karo qaaradda Yurub kaaso ah kan lasii maraayo dalka Belarus,Bushra iyo gabdhaha la dhashay waxa eey ka sheekeeyeen cadaabta eey kala kulmeen xuduuda u dhexeeyso dalalka Poland iyo Belarus.XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DILKII MAXAMED AL-DURRAH WAXAA KA SOO WAREEGTAY 21-SANO.

Muhammad-al-Durrah-e1569835995504.jpeg

(FALASTIIN): Maanta oo kale kuna beegan 30/9/2000-ka waxaa dhulka reer Falastiin ka dhacay dil reerbay taariikh kaaso loo geestay wiil yar oo reer Falastiin ah lana yiraahdo MAXAMED AL-DURRAH,dilkaan ayaa ahaay mid laga wada fiirsanaayey telefishanadda caalamka oo dhan.XIGASHOMEMO

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAACISH IYO SIRDOONKA SUUDAAN OO FARA SAARAY.

482478_tih_frMSmvb4z3G-kSm4akyuCrrC3NMK.jpeg

(KHARTUUM):Hayadda Sirdoonka dalka Suudaan ee marka la soo gaabiyo loo qoro(GIS) waxa eey is fara saareen dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish kuwaasoo ku sugnaay dhismayaasha 18-aad iyo 14-aad ee degaanka JABRA iyo dhismaha 14-aad ee degaanka Alazhar kaaso dhaca koonfurta magaaladda caasimadda ah ee Khartuum.

Hawlagalkaan eey sameeyeen ciidamada sirdoonka dalka Suudaan ayaa lagu soo qabtay kow iyo toban dagaalyahan oo Daacish ah dhamaantoodna ah dad aan u dhalan dalka Suudaan,hawlgalkaan waxaa dhinaca xukuumadda Suudaan uga dhintay shan sarkaal waxaane uga dhaawacmay hal sarkaal,waxaane goobta isaga baxsaday afar dagaalyahan oo Daacish ah dhammaantoodna ah ajaanib. XIGASHO SUNA.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUUMADDA SUUDAAN IYO CIIDAMADDA OO KHILAAF SOO KALA DHEXGALAY.

20210208_2_46775106_62336344.jpeg

(SUDAAN):Dhawr todobaad ka hor dalka Suudaan waxaa ka dhacay afgembi dhicisoobay kaasoo eey sameeyeen qeybo ka mida ciidamadda dalkaas Sudaan,afgembiga dhicisoobay ayaa waxaa ka dhashay shaki u dhexeeyo xukuumadda isku dhafka ah ee dalkaas Sudaan waxaane hadda soo baxaayo warar sheegaayo in ciidamadda dalkaas Sudaan iyo golaha dawladnimada Sudaan ineey baabi’iyeen kulan eey ku balansanaayeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Sudaan kuwooda rayidka ah waxaane sidaas sheegay warbaahinta dalkaas Sudaan,waxaa intaas dheer in ilaaladii golaha wsiiradda xukuumadda Sudaan kuwood rayidka ah dib loogu celiyey ciidamadda. Waxayaabaha ka soo kordhay dalka Sudaan ayaa u eg kuwa salka ku haayo arrinta maxkamadaynta madaxweynihii hore ee Sudaan Al-Bashiir kaaso la sheegay in loo gacan gelin doono maxkamadda qaada dembiyadda dagaalka(ICC)-da.XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXAMED DAXLAAN OO LOO DIIDAY….

2016_12_15-Mohammed-Dahlan-15493524_679076542272605_3797316299857197761_o.jpeg

(QAHIRA):Siyaasiga reer Falastiin ee la yiraahdo Maxamed Daxlaan kaaso laga saaray ururka reer Falastin ee Al-Fatax ayaa loo diiday inuu u soo wareejisto xafiiskiisa magaaladda Qaahiro ee dalka Masar xafiiskaas ayaa horay waxa uu uga furnaay dalka Imaaratka Carabta gaar ahaan magaaladda Abu Dabai. Ilo ku dhaw Daxlaan ayaa sheegay in shirka uu ka dhici doono magaaladda Abu Dabai ka hor inta eeysan dhicin doorashadda reer Falastiin taaso hadda dib uga dhacday waqtigeedii. Ku dhawaad sodon qofood oo taageero u ah Daxlaan ayaa la filaa ineey ka kala yimaadaan dalalka Masar,Libnaan,Gaza iyo qaaradd yurub si eey uga qeybgalaan shirkaas ka dhacaayo Abu Dabai. XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA YAMAN OO LAGA DAYRINAAYO XAALADIISA CUNTO.

146866.jpeg

(YAMEN):Waxaa aad looga dayrinaayaa xaaladda bani’aadanimo ee dalka Yaman,hayadda Cuntada adduunka(WFP) ayaa sheegatay in gudaha dalka Yaman eey gaajo ku soo wajihi doonto dad gaarayo 16-milyan oo qofood haddii aan la helin lacagihii deeqaha ahaay ee loogu yaboobahay bishii Maarso-2021-ka,dalalka Maraykanka,Sacuudiga,Imaaraatka Carabta iyo Jarmalka oo ah kuwa ugu badan ee deeqaha siiyo WFP-da ayaa sheegay ineey bixin doonaa lacag kale oo loogu talagalay dalka Yaman, waxayna WFP sheegtay 3.2-milyan oo Yamaniyiin ah gaajo soo wajihi doonto bisha Oktoobar-2021-ka halka bisha Diseembar-2021-ka tirada gaari doonto 5-milyan.XIGASHO MEMO.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO CUNAQABATAYN SAARAY GANACSATO KUWEYT AH.

20210729_2_49389912_67435010.jpeg

(KUWEYT):Sida uu qoray wargayska Middle East Monitor(MEMO), Maraykanka ayaa waxa uu cunaqabatayn saaray laba nin oo u dhalatay dalka Kuweyt,labadaan nin ayuu Maraykanka ku eedeeyey ineey taageero dhaqaale siiyaan kooxda Hisbulaahi kana dhisan dalka Libnaan taaso Maraykanku u aqoonsan yahay Argagixiso iyo kooxda kale oo ah Ilaaladda Kacaanka ee ka jirto dalak Iraan.Ganacsatadaan uu Maraykanku saaray cunaqabtaynta ayaa ka ganacsado Dahabka,Qalabka Korontada iyo Xawaaladaha waa sida uu sheegay xoghayah arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken.XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XOGHAYAHA QARAMADA MIDOOBAY GUTERRES OO CAMBAAREEYEY…

yemen.png

(UN):Xoghayaha qaramadda mIdoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyey dilkii toogashadda ahaay ee lagu fuliyey sagaal qofood oo Yamaniyiin ah kuwaasoo eey Xuutiyiinta ku eedeeyeen ineey ka dambeeyeen dilkii eey dileen diyaaradaha isbahaysiga ee uu hogaamiyo Sacuudiga masuul sare oo ka tirsan Xuutiyiinta msuulkaas oo lagu magacaabi jiray Saalax Al-Samad,dilka Saalax Al-samad ayaa waxa uu dhacay sannadkii 2018-kii waxa uuna ka dhacay magaaladda Xudayda ee dhacda Galbeed dalka Yaman dhinacana ku hayso badda Cas.”Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay Gutteres ayaa si aad ah uga xumaaday dilkii eey Xuutiyiinta dileen sagaal qofood oo uu ka mid ahaay wiil dhallinyara ah kaaso la xiray isagoo ka yar da’ada dadka lagu xiro”sidaas waxa qoraal ku sheegay afhayeenka Guterres Mr.stephene.XIGASH MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SAGAAL RAG AH OO LOO TOOGTAY HAL SHAQSI DARTIIS DALKA YAMAN.

djdsj.jpeg

YAMAN-SANCA: Xabsiga dhexe ee ku yaalo caasimadda dalka Yaman ayaa shalay waxaa lagu dhex toogtay sagaal qofood oo wada rag,dadkaan la toogtay ayaa waxaa ka mid ahaay wiil soo jiitay indhaha dadkii daawnaayey markii lagu fulinaayey dilka toogashada ah,sababta ragaan sagalka ah loo toogtay ayey kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dalka Iraan ku sheegeen ineey sabab u ahaayeen dilkii nin ayaga ka tirsanaay balse u dhigma inuu yahay madaxweyne ninkaas ayaa waxaa dilay diyaaradaha isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga.

Saalax Al-Samad ayaa waxaa la dilay bishii Abriil-2018-kii waxaane Saalax lagu dilay magaala xeebeedka Xudayda ee dhacda galbeedka dalka Yaman,dadkaan dilka lagu fuliyey shalay ma eeysan heli wax difaaca oo waa la iska toogtay ayagoo aan la marsiin jidkii sharciga ahaay.XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXWEYNIHII ALJEERIYA OO GEERIYOODAY.

Abdelaziz-Bouteflika_2_Getty-Images.jpeg

Dalka Aljeeriya waxaa shalay oo Jimca ahayd(17/9/2021)-KA ku geeriyooday madaxweynihii dalkaas Cabdulcasiis Butafliqa kaaso da’adiisu ahayd sideetan iyo afar sano,hadaba halkaan waxa aan idiinku soo gudbihaa warbixin kooban oo laga diyaariyey taariikhda madaxweyne AUN_Cabdulcasiis Butafliqa.XIGASHO AFRICAN INSIDER.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA BAXRAYN OO WAX KA BEDESHAY HABKEEY ULA DHAQMAYSO MAXAABIISTA.

GettyImages-110118818-1.jpeg

Dalka Baxrayn ayaa xabsiga ka sii daayey sodon maxbuus waxaane sii dayntooda lagu xiray shuruud,maxaabiistaan la sii daayey todobo iyo labaatan ka mida ayaa ah kuwo u xirnaay arrimo siyaasadeed,sharciga cusub ee dalka Baxrayn ayaa maxaabiista u ogolaanaayo ineey banaanka joogaan lagulana xiro qalab casri ah inta lagu xiri lahaay guryahooda(House Arrest).Dalka Baxrayn shacabkiisa ayaa kala haysto mad-habaha(Suni iyo Shiico) waana laga tiro badan yahay Baxreeniyiinta haysato Mad-habta shiicadda waan ayaga kuwa inta badan la dhigo xabsiyadda dalka Baxrayn.XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAGAALADDA CADAN OO LAGU SOO ROGAY XAALAD DEG DEG AH.

2021-09-16-Aidarous-Al-Zoubeidi.jpeg

Marka laga hadlaayo xaaladda dalka Yaman waxaa isla markiiba maskaxdayna ku soo dhacaayo in dalkaasi ahaay laba dal oo midoobay(Waqooyi iyo Koonfur) waxa eeyna midoobeen laba iyo labaatankii Meey sannadkii 1990-kii waxa eeyna qaateen magaca ah Jamhuuriyadda Yaman. Dagaalkii ka qarxay dalkaas sannadkii 2013-kii ayaa waxa ka dhalatay inuu dalka kala xirmo una kala go’o koonfur iyo waqooyi waxaane arrintaas gadaal ka riixaayey dalka Imaraatka Carabta oo saldhig ka dhigtay Koonfurta Yaman markii dagaalka ey soo galeen xulafadda uu hogaaminaayey sacuudiga.Imaaraatka Carabta ayaa waxa uu Koonfurta Yaman ka sameeystay saldhigyo ciidan waxa uuna bilaabay inuu tababar siiyo ciidamo reer koonfureed ah kuwaso saldhigyo ka dhigtay magaalooyinka waaweyn.Dhawr maalin ka hor ayaa magaaladda Cadan oo hadda ah Caasimadda ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Yaman ayaa waxaa ka dhacay mudaaharaadyo wato rabshado waxaane dhacday in hogaamiyaha gooni u goosatadda reer koonfureedka Cayduruus Al-zubaydi inuu TV-ga ka sheegay in magaaladda Cadan lagu soo rogay xaalad deg deg ah,sababta keentay mudaaharaadka ayaa lgu sheegay ineey tahay nolosha oo ku adkaatay dadka reer Cadan. XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SANNADKA 2026-DA IYO IMAARAATKA OO SHAQO ABUUR U SAMAYN DOONO…

GettyImages-1233243958-1.jpeg

War eey soo saaratay dawladda Imaaraatka Carabta Midoobay maanta oo Axad ah(12/9/2021)-ka ayey ku sheegtay in shirkadaha gaarka loo leeyahay kana jiro dalkaas laga shaqaaleyn doono dad u dhashay Imaaraatka boqolkiiba toban(10%) sannadka 2026-da,dawladda Imaaraatka ayaa inta waxa eey ku dartay ineey abuuri doonto shirkado gaar loo leeyahay eeyna ku bixi doonto lacag lagu sheegay ineey dhan tahay afartan iyo laba milyan oo dirham una dhiganta($ 6.53)-milyan,tiradda shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa waxa eey shaqo abuur u sameeyn doonaan dad lagu qiyaasay todobaatan iyo shan kun(75,000)-qofood una dhashay dalka Imaaraatka Carabta.MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAA’IIL OO SOO QABATAY QAAR KA MIDA MAXAABIISTII BAXSATAY.

5100.jpeg

Maalmo ka hor ayaa waxaa xabsi ku yaalo dalka Israa’iil ka baxsaday maxaabiis u dhalatay Falastiin kuwaasoo qaarkood eey ku xukunaayeen xabsi daa’in ah qaar kalane eey ku xukunaayeen xabsi dheer,ragaan ka baxsaday xabsiga sida aadka ah loo ilaaliyo ayaa la sheegaya ineey ka kala tirsan yihiin Jihaad Al-islaami iyo Al-fatax. Wargayska Haaretz kana soo baxo Israa’iil ayaa asheegay in raga la qabtay eey ka mid yihiin Maxamed Ardeh iyo Yacquub Kadiri oo xubno ka ah Jihaad Al-islaami ayaa ku xukuman xabsi daa’in ah.XIGASHO GUARDIAN.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SWEDEN OO LAGU XIRAY GABDHO KA YIMID SUURIYA.

Picture-Device-Independent-Bitmap-1-1130x580.jpeg

Dawladda Sweden ayaa xirtay laba dumar ah una dhalatay dalka Sweden,dumarkaan ayaa lagu tuhmaa ineey ku kaceen dembiyo dagaal oo ka dhacay dalka Suuriya,sidaas waxaa sheegay dembi ogayaasha Sweden shalay oo Talaado ahayd(7/9/2021)-ka.Warqad ka soo baxday xeer ilaalinta Sweden ayaa lagu sheegay in seddex dumar ah oo ka yimid dhulka eey maamusho Daacish ayaa ka soo degay garoonka caalamig ah ee magaaladda Stochlom waana la wada waraystay mid ka mida ayaa waraysiga ka dib la sii daaeyey.XIGASHO AP.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOGAAMIYIHII DAACISH EE LIIBIYA OO GACANTA LAGU DHIGAY.

thumbs_b_c_1392c46048cdfd3806f02d3a33dfd0f7.jpeg

Ciidamadda la dagaalanka argagixisadda ee dalka Liibiya ayaa gacanta ku dhigay hogaamiyaha Daacish ee dalka Liibiya Mubaarak Alkhamri,ninkaan ayey ciidamadu ku soo qabteen hawlgal gaar ah eey ka sameeyeen magaaldda Bani Waliid ee ku taalo galbeedka dalka Liibiya,isla hawlgalkaas ayey ciidamadu ku qabteen laba dagaalyahan oo katirsan Daacish kuwaasoo aan la sheegin magacyadooda,dalka liibiya ayaa ah meel hooy u ah kooxo badan oo hubaysan kalana fikir duwan iyo calooshood u shaqeystayaal laga soo kiraystay dalka Ruushka.XIGASHO ANADOLU.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAHRIIBAYAAL KU DHINTAY INTA U DHEXEEYSO…

5202028111941386.jpeg

Masuuliyiinta dalka Liibiya ayaa qabatay shaqsigii lagu tuhmaayey inuu masuul ka yahay doon waday Tahriibayaal aan sharci ahayn doonta degtay ayaa loo yaqiin’TUULADII TALABAAN EE MASAR”ciidamadda sirdoonka dalka Liibiya kuwood ku sugan galbeedka dalka ayaa ku guulaystay ineey gacanta ku soo dhigaan nikii masuulka ka ahaay in doontu degto kuna degto meel u dhaw xeebta magaaladda ZUWAARA. Doonta degtay ayaa waxaa saarnaay ugu yaraan 70-qofood oo tahriibayaal ah intooda badane waxa eey u dhasheen dalka Masar,dadka ku dhintay doonta degtay ayaa garaayo 11-qofood waxaane la afduubay 50-qofood oo kale waxaane la geliyey safar dhinaca badda ah(Tahriib) eey ku aadayaan dalka Liibiya.XIGASHO ARABI 21.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISBAHAYSIGA UU HOGAAMIYO SACUUDIGA OO LA DACWEYEY.

000_B55KF-min.jpeg

Dagaalka dalka Yaman ka socdo ayaa noqday mid soo jiitay indhaha caalamka gaar ahaan wadamadda horumaray oo ugu taba rucay dhaqaale aad u fara badan shacabka Yaman si looga badbaadiyo caabuqa koroona,gaajadda iyo dagalka xaalufiyey wax soo saarkii dalka Yaman,boqolaal qofood kana badbaaday colaada yaman ayaa codsaday in sibahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga laga dacweeyo maxkamadda qaada dembiyadda dagaalka iyo ku xadgudubka xuqquda bani’aadanka ICC-da,dadka gudbiyey dacwadda ka dhank ah isbahaysiga ayaa cadeeymo u gudbiyey garyaqaano la shaqeeyo ICC-da kuna sugan dalka Ingiriiska,wadamadda Urdun,suudaan,Senigaal iyo Meldives ayey sheegeen iney qeyb ka haayeen isbahaysiga uu hogaaminaayey Sacuudiga.XIGASHO MIDDLE EAST EYE(MEE).

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAWEEN SACUUDI OO HESHAY LACAG DHAN $533-KUN.

Flag-Saudi-Arabia.jpeg

Isbitaal ku yaalo magaaladda barakaysan ee Makkah dalka Boqortooyadda Sacuudiga ayaa sodon sano ka hor waxaa ka dhacday arrin yaab leh arrintaaso ah in caruur isbitaalka ku dhalatay eey u kala bedelmeen labadii qoys ee kala dhashay oo mid walba waxa uu qaatay cunug uusan dhalin,kalkaalisadii caafimaad ee sameysay arrintaan ayaa hawshaan eey qabatay ku qadatay lacag dhan $533-kun oo doolarka Maraykanka ah,sheekadaan ayaa waxaa wax ka qoray wargayska Middle East monitor(MEMO).XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXII OLOMBIGA EE DALKA KUWEYT OO DACWAD UGA FURANTAY GENEVA.

GettyImages-493410572-scaled-e1630398183439.jpeg

Shalay oo Isniin ahayd(30/8/2021)-ka ayaa waxaa maxkamad uga bilaabatay magaaladda Geneva ee dalka Switzerland madaxii hore ee gudiga Olymbiga dalka Kuweyt Axmed Al-fahad Al-sabaax,Axmed ayaa ku eedeysan inuu been abuuray Afgemni.Wakaaladda Faransiiska(AFP) ayaa ku soo warantay in Axmed ka hor maxkamad intuusan gelin la arkay isagoo la socdo seddex garyaqaaan ee difaci lahayd iyo kaaliyihiisii hore,garyaqaano fadhigoodu yahay Geneva kana kala yimid wadamadda Bulgaariya iyo Ukreyn ayaa ka mida garyaqaanadda Axmed.XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More