YAMANIYIIN XOOG LOOGA TARXIILAY SACUUDIGA.
Dalka Yaman waxa uu ka mid yahay wadamadda eey dadkiisa ka xoogsadaan dalalka Gacan Carbeed gaar ahaan dalka Boqortooyadda Sacuudiga oo eey ku sugan yihiin tiradda ugu badan oo shaqaale Yamaniyiin ah,waxaa dhawaanahaan ka socday Boqortooyadda Sacuudiga in la joojiyey cusboonaysiinta sharciga shaqaalaha xirfadlyaasha ah kana yimid Yaman gaar ahaan kuwood ku sugan goboladda deriska la ah Yaman arrintaan ayaa hadda marayso in qaar ka mida xirfadlayaashaas xoog loogu celiyey dalka Yaman,waa arrin leh xanuunkeeda in aqoonyahan lagu dhex tuuro dal uu ka socdo dagaal eey qeyb ka tahay Boqortooyadda Sacuudiga lana aqoon halka uu ku dhamman doono.XIGASHO MEMO.
DALKA IMAARAATKA OO BILAABAY ISLA XISAABTAN.
Dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegay shalay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud loo ogol yahay inuu baaro kari Wasaaradaha dalka Imaaraatka Carabta iyo masuuliyiinta sare ee lagu tuhmaayo ineey sameeyeen khalad,arrintaan ayaa looga dan leeyahay si kor loogu qaado isla xisaabtanka dalka Imaaraatka Carabta.Xeer ilaalinta ayaa sameeyn karta baaritaan marka eey soo gaarto eedeeyn loo jeedinaayo masuuliyiin sare kana mida xukuumadda Imaaraatka Carabta.XIGASHO MEMO.
MADAXWEYNAHA MASAR IYO AMIIRKA QADAR OO KU KULMAY BAQDAAD.
Madaxweynaha Masar Sisi iyo amiirka dalka Qadar Tamim ayaa maanta oo sabti waxa eey kuwada kulmeen magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq sidaas waxaa maanta oo sabti ah(28/8/20210)-ka sheegtay madaxtooyadda dalka Masar.Dalalka Masar,Sacuudiga,Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn ayaa xiriirka u jaray dalka Qadar sannadkii 2017-kii ayagoo Qadar ku eedeeyey ineey taakuleeyso araggixisada eedayntaasoo Qadar dafirtay.Kulanka maanta ka furmay Baqdaad ayaa waxaa kaloo ka qeybgelaayo hogaamiyeyaal dalal kale oo mandiqada ah iyo madaxweynaha Faransiiska Macron.Shirkaan maanta ka furmay Baqdaad ayaa waxaa soo qabanqaabisay dawladda Ciraaq ujeedada shirka ayey dawladda Ciraaq ku sheegtay inuu yahay mid wanaag lagu dhexdhigaayo wadamadda deriska ah eey ka dhexeeyso xurguf siyaasdeed sida wadamadda Sacuudiga iyo Iraan oo iyaguna ka qeybgelaayo shirka Baqdaad. “Kuligeeyn waan wada naqaan waxa nagu waajib ah inaan hoos u dhigin ilaaladeeyna waayo kooxda Daacish weli waa mid handadad inagu hayso waana aqaan sida loola dagaalamo kooxdaan argagixisada ah oo waa mudnaanta koobaad ee dawladeeyda”sidaas waxaa yiri madaxweynaha Faransiiska Macron ka dib markii uu magaaldda Baqdaad kula kulmay raysal wasaaraha Ciraaq Mustafa al-kaadim.XIGASHO MEE
OBASANJO OO LOO MAGACAABAY….
Madaxweynihii hore ee dalka Nayjeeriya ayuu Midawga Afrika u magacaabay inuu noqdo wakiilka Geeska Afrika. Madaxa Midawga Afrika Moussa Faki ayaa maanta oo Jimca ah(27/8/2021)-ka sheegay in Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Olusegun Obasanjo waxyaabaha uu Midawga Afrika ka rabo Obasanjo ayaa ah”Inuu saaro soona jito dhammaan jilayasha siyaasadeed lana sameeyo xiriir kuwa shirkada ku ah ee ku sugan Geeska Afrika isagoo wajahaayo nabad iyo deganasho adag ee ka jirto gobolka Geeska Afrika”.Obasanjo ayaa madaxweyne loogu doortay si dimuqaraadi ah isla markaasne hogaaminaayey dalka Nayjeeriya muddo dhan sideed sano oo isku xigta ka hor inta uusan xafiiska ku wareejin madaxweynihii ku xilKA kaga dambeeyey Cumar Yuradu.XIGASHO ANADOLU.
KOONFURTA SUUDAAN OO GARAB ISTAAGTAY ABYI AXMED.
Madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva kiir ayaa maalintii khamiista waxa uu cod ku taageeray dawladda Itoobiya dagaalka eey kula jirto Tigray,Salva kiir ayaa sheegay in arrimaha dalka deriska kala ah dalkiisa bariga ee Itoobiya in lagu haayo faragelin shisheeye loona daayo arrimahiisa,hadalkaan ayaa yimid ka dib markii uu raysal wasaaraha Itoobiya Abyi Axmed uu booqday dalka koonfurta Suudaan,waxaane la filaa in golaha amaanka fadhi ka yeesho arrinta Itoobiya ee sida aadka ah u cakiran waqtigaan.XIGASHO ANADOLU.
XIRIIRKA ALJEERIYA IYO MAROOKO OO GO’AY.
Dalalka Aljeeriya iyo Marooko oo ah laba dal oo deris ah ayaa maalintii Talaadad ahayd ee ina soo dhaaftay kala go’ay xiriirkoodii siyaasadeed sidaasne waxaa sheegtay Aljeeriya,ma aha markaan oo kaliyah in labadaan dal isku dhacaan kalana qaataan safaaradaha,hadaba si aan wax badan uga ogaano taariikhda colaadeed ee u dhexeeyso labadaan dal(Aljeeriya iyo Marooko) ayaan halkaan waxaan idin kugu soo gudbihaa taariikh kooban kuna saabsan calaaqaadka labadaan dal ee deriska ah hadana uu kala go’ay xiriirkooda.XIGASHO ARAB21.
IMAARAATKA IYO QADAR AYAA U EG KUWA HESHIIYEY.
Wargayska maalinla ah ee MIDDLE EAST EYE ayaa maanta oo Jimca ah(27/8/2021)-ka waxa uu wax ka qoray xiriirka soo hagaagaayo ee u dhexeeyo dalalka Imaaraatka Carabta iyo Qadar kaasoo gaaray heerkii ugu xumaay,wargayska ayaa qoraalkiisa waxa uu cinwaan uga dhigay “IMAARAATKA IYO QADAR AYAA SI WAAQICI AH OO CUSUB U BEDELAY DAGAALKII QABOOBAAY EE U DHEXEEYEY”. Booqashadda uu gobolka ku maraayo la taliyaha amniga ee Imaaraatka carabta Tahnuun Bin Zayid ayaa noqotay mid raad ku reebtay xiriirka u dhxeeyo isaga iyo walaalkiis ahne ninka xukuma Dubai Maxamed Bin Zayid ka dib markii uu booqasho aan la fileeyn uu ku tegay caasimadda dalka Qadar ee Dooxa lana kulmay amiirka dalka Qadar Tamiimi,booqsahadaan ayaa ah mid macna u leh madaxda sare ee dalka Imaaraatka Carabta tan iyo markii eey labada dal isku xumaadeen waane waqtigii uu socday kacdoonka ka jiro dalalka Carabta. XIGASHO MEE.
SACUUDIGA OO SHAQAALEYEY XILDHIBAAN HORE OO MARAYKAN AH.
Ed Royce ayaa iska diiwaan geliyey wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga si uu Sacuudiga ugu fududeeyo ineey la kulmaan masuuliyiinta dawladda Maraykanka. Xildhibaankaan hore ee Maraykanka Ed Royce kana tirsanaay xisbiga Jamhuuriga dalka Maraykanka ee iska diiwaan geliyey wasaaradda arrimaha Sacuudiga ayey hawshiisa noqon dootaa sidii uu horay ugu riixi lahaay xiriirka labada dal Sacuudiga iyo Maraykanka. Shaqaalahaan ajnabiga ah ayaa iska diiwaan geliyey wasaaradda cadalaadda Maraykanka is uu u cadeeyo inuu wakiil u yahay Sacuudiga waxa uuna gudaha dalka Maraykanka uga shaqeeyn doonaa shirkadda magaceedu yahay BROWNSTEIN HYATT FARBER SCHRECK,LLC,isdiiwaan gelintaan Royce ayaa waxa eey u sahli doontaa inuu si sahlan ula kulmo masuuliyiinta dawladda Maraykanka amaba kula xiriiro emayl,telefoon,Royce ayaa ahaay madaxa arrimaha dibadda ee koongareeska Maraykanka.XIGASHO MEE.
URDUN OO QABILAYSO 2,500 QAXOOTI REER AFGAANISTAAN AH.
Boqortooyadda Urdun ayaa maanta oo Isniin ah(23/8/2021)-ka shaaca ka qaaday ineey dalka Maraykanka ka ogolaatay in dalkeeda yimaadiin qaxooti reer Afgaanistaan ah kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 2,500-qofood sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyadda Urdun Dayfallah Al-faa’iz ayaa yiri”go’aanka Urdun ku qaabilayso qaxooti reer Afgaanistaan ah ayaa ah mid bani’aadanimo waxa eeyna halkaan joogi doonaan inta dawladda Maraykanka u qaadeyso dalkeeda halkaas eey u degi doonaan si rasmi ah.”XIGASHO MEMO.
CAYAARTOOYDA FEERKA DALKA YAMAN OO LOO DIIDAY….
Dalka Imaaraatka Carabta oo u diiday inuu siiyo dal ku gal(VISA) xulka qaranka ee Feerka ee dalka Yaman si eey uga qeybgalaan tartanka labaad ee Feerka ee qaaradda Aasiya sida eey sheegtay warbaahinta caalamka. Shacbaan Al-Cumari oo ah tababaraha kooxda Feerka ee dalka Yaman ayaa xaqiijiyey in dalka Imaaraatka Carabta uu diiday inuu siiyo dal ku gal kooxda cayaarta Feerka ee dalka Yaman si eey uga qeybgalaan tartanka labaad ee horyaal Feerka,tababaraha Yaman oo sii wato hadalkiisa ayaa yiri”Kooxdeeyna ka qeybgelayso Feerka waxa eey ku xayiran yihiin magaaladda Qaahiro ee dalka Masar muddo dhan afar berri,halka eey inagu culus tahay joogidda halkaan(QAAHIRO) waxaane u sabab ah dalka Imaaraatka carabta oo inoo diiday dal ku galkii”.Horyaalka Feerka ee Qaaradda Aasiya ayaa ah mid ka dhacaayo dalka Imaaraatka carabta magaaladda Dubai inta u dhexeeyso labaatan ilaa soddonka bishaan agoosto(10-20/8/2021)-ka.XIGASHO MEMO.
SHEEKH CAAN KA AH SACUUDIGA CARUURTIISA OO LA XUKUMAY.
Boqortooyadda Sacuudiga ayaa xukun ku riday seddex wiil oo uu dhalay sheeka caanka ah ee Safar,wiilshaan ayaa midkiiba lagu xukumay min afar sano oo xarig ah warkaan ayaa lagu baafiyey bogga Twitter-ka eey ku leeyihii kuwa ka hadlo dadka ku xiran Sacuudiga ee loo yaqaano Ra’ayiga kuwa xiran shalay oo Isniin ah(16/8/2021)-ka. Sheekh safa iyo walaalkiis iyo seddex wiil uu dhalay ayaa la wada xiray bishii todobaad ee sannadkii-2018-kii sabbata loo xiray ayaa lagu sheegay ineey khadka internet-ka ku baafiyeen buuga uu qoray sheeka kaasoo duraayey maamulka boqortooyadda Sacuudiga. MEMO.
LIX WIIL OO SACUUDIYIIN AH OO DHIBAATEEYEY HAWEENEY DALXIIS AH.
Lix wiil oo dhallinyara reer Sacuudi ah ayaa wajahaayo eedeeyn la xiriita ineey dhibaateeyeen haweeneey ajnabi ah dalxiisna u timid dalka Sacuudiga,arrintaan ayaa u muuqato mid leh tixgelin gaar ah u leh Sacuudiga waayo Sacuudiga waxa uu doonayaa inuu horumariyo dalxiiskiisa.Sida uu qoray wargayska laga leeyahay Sacuudiga ee Saudi Gazette eedeeynta lidka ku ah Sacuudiyiinta hareereeyey baaburka eey wadatay haweeida ajnabiyadda ah ee dalxiiska u timid Sacuudiga ka dibne dhibaateeyey waxa eey mudan doonaan ciqaab adag. XIGASHO MEMO.
DIYAARADAHA IMAARAATKA OO JOOJIYEY DUULIMAADKII KAABUUL.
Shirkadda diyaaradaha Imaaraatka Carabta(EMARITES) ayaa sheegtay in si ku meel gaar ah loo joojiyey duulimaadkii aadi lahaay caasimadda Afgaanistaan ee Kaabuul maanta oo Axad ah ka dib markii si ku meel gaar ah loo xiray garoonka diyaaradaha Kaabuul,dhinaca kalane shirkada laga leeyahay dalka Imaaraatka ee FLYDUBAI ayaa ayadana sheegtay maanta ineey gebi ahaan joojisay duulimaadyadeeda u amba bixi lahaay dalka Afgaanistaan.XIGASHO WAKAALADAHA.
SACUUDIGA OO DIL KU XUKUMA CARUURTA KA YAR 18-SANO.
Boqortooyadda Sacuudi Carabiya waxa eey sheegtay ineey wax ka bedeli doonto nidaamkeeda cdaaladda laakinse boqortooyadda waxa eey xukun dil ah ku ridaa caruurta uu cimrigoodu ka yar yahay sideed iyo toban sano marka eey galaan dembi dil ah sida dhac hubaysan oo sababi kara dhimasho iyo ineey dilaan sarkaal ka tirsan ciidamadda amaanka boqortooyadda sida booliska,Boqortooyadda ayaa waxa eey balan qaad u sameeysay dawladaha eey saaxibka la tahay ee reer galbeedka sida Maraykanka. XIGASHO NEW YORK TIMES.
SUUDAAN OO SOO RIDAY DIYAARAD DRONES-AH EE DALKA ITOOBIYA.
Ila wareedyo ku dhaw ciidamadda dalka Suudaan ayaa shalay oo Jimca ahayd(13/8/2021)-ka xaqiijiyey in ciidamadda dalka Suudaan soo rideen diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya taasoo nuuceedu yahay diyaardaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano(DRONES),diyaaradaan la soo riday ayaa waxa lagu sheegay ineey wax basaaseysay waqtiga la soo ridaayey ayadoo ku jirta hawadda dalka Suudaan gaar ahaan halka loo yaqaano Al-fashq ee ku taalo xuduudka labada dal waxaane Alfashq ka taagan muran aan weli loo helin xal waara,dhacdaan ayaan weli waxaan ka hadlin dawladaha Suudaan iyo Itoobiya. XIGASHO MEMO.
HARAAGII JIRKII ASKERI REER URDUN AH 54-SANO KA HOR DHINTAY OO LA HELAY.
Haraagii askeri reer Urdun ah jirane konton iyo afar sano(54),garaarsan qorigiisa dagaalka iyo minididiisii ayaa laga helay meel laga qodaayey god korontada la marsiiyo una dhaw buuraha Qudus maalintii khamiista,sidoo kale waxaa godka laga helay qalfooftii askeriga,sanduuq rasaas ah iyo xoogaay bambooyin ah,qalfoofta la helay ee askeriga ayaa ah mid ku dhintay dagaalkii dhexmaray Carabta iyo Isra’iil ee loo yaqaan dagaalkii lixda beri sannadkii 1967-dii,arrinta askerigaan ayaa waxaa baahiyey channelka-12-aad ee wararka,goobta laga helay qalfoofta askeriga Urdunka ah ayaa waxaa halmar ku dhintay sodon iyo lix askeri(36) oo reer israa’iil ah iyo todobaatan iyo koow askeri oo Urdun ah dagaalkan ayaa dhacay bishii Juun-1967-dii waane konton iyo afar sano ka hor.Dagaalka ka dhacay Qudus ayaa waxa lagu dilay 182-askeri oo reer Israa’iil ah.XIGASHO MEE.
SACUUDIGA OO XUKUMAY MASUULIYIIN SAMEEYSAY MUSUQ.
Maxkam ku taalo dalka boqortooyadda Sacuud Carabiya ayaa soo saartay xukun adag oo lagu qaadaayo sideed qofood oo sameeyey musuqmaasuq kala gedisan,dadkaas ayaa waxaa ka mid ah gudoomiye gobol iyo qaali maxkamadeed,faahfaahinta xukunkooda ayaa lagu soo qaatay wargaysyadda carabta.Dadka la xukumay ayaa waxaa ka mida dad caan ah sida qaaliga maxkamadda waxaane lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeeyey inuu qaatay Laaluush waxaane lagu ganaaxay seddex boqol oo kun oo riyaalka sacuudiga ah una dhiganta sideetan kun oo doolarka Maraykanka ah($80,000).Gudoomiyaha gobolka ayaa isna ku eedeysan Laaluush iyo ku takrifal awoodeed,waxaane lagu xukumay gudoomiyaha seddex sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan labaatan iyo shan kun oo riyaalka sacuudiga ah una dhiganto lix kun iyo lix boqol oo doolarka Maraykanka ah(6,600). XIGASHO MEMO.
YEMANIYIIN XIRFADLEYAAL AH LAGANA SOO SAARAY SACUUDIGA.
Waa sannadkii 2012-kii,Maxamed oo Yamani ah waxa uu halgamaayey sidii uu shaqo uga heli lahaay Jaamicadda Sanca,Maxamed waa barre sare(Professor) kuna takhasusay Luqadda Ingiriiska waxa uuna si adag uga shaqeeynaayey waxbarashadda gaarka ah laakinse helidda shaqo waqti buuxa ah(Full Time) oo Jaamicadda ah waxa eey Maxamed la noqotay midaan suuragal ahayn,sidaas darteed Maxamed waxa uu go’aansaday inuu aado dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya si uu shaqo uga raadsado.XIGASHO MEE.
MARAYKANKA OO YAMAN UGU DEEQAY LACAG DHAN…
Dalka Maraykanka ayaa ugu yaboohay dalka Yaman lacag dhan boqol iyo lixdan iyo shan kun($165) Milyan oo doolar sidaasne waxaa sheegay wakiilka dalka Maraykanka u qaabilsan dalka Yaman Tim Lenderking maanta oo Isniin ah(9/8/2021)-ka. Wakiilka ayaa intaas waxa uu ku daray inuu rajaynaayo in arrintaan uu sameeyey Maraykanka ineey dhiirgelin doonto deeq bixiyeyaash si eey u kaalmeeyaan dalka Yaman oo eey wax kasta gabaabsi ka yihiin.”Anaga waxa aan bixinaynaa juhdi aan ku taageereyno sidaan uga hortegi lahayn in gaajo ka dhacdo dalka Yaman” sidaas waxaa wakaaladda reuters u sheegay wakiilka Marayakanka ee dalka Yaman Tim Lenderking. XIGASHO MEMO.
DUMAR LOO MAGACAABAY XILAL.
Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxa uu laba dumar ah u magacaabay xilal dhinaca maamulka ah waxa eeyna kormeerayaal ka noqon doonaan labada Masjid ee Maka iyo Madiina. Alanoud iyo Fadumo waxaa loo magacaabay ineey kaaliyeyaal u noqdaan madaxa labada Masjid(Maka iyo Madiina) Sheekha C/raxmaan Alsudeysi,labadaan dumar ee loo magacaabay xilalka ayaa haysta shahaadad Daktoorka. Sida eey sheegeen masuuliyiin reer Sacuudi ah shaqaaleynta dhinaca Dumarka ah ee Sacuudiga ayaa kor u kacday waxa eeyna gaartay 33% sannadkii 2020-kii halka eey ahayd 20% sannadkii 2018-kii. XIGASHO ANADOLU.