SACUUDIGA OO SHURUUD KU XIRAY CIMRADDA.
(TURKIGA)-Hayadda ugu sareeyso dhinaca arrimaha diinta dalka Turkiga ayaa sheegtay maanta oo Axad ah(8/8/2021)-ka ineey jiraan sodon iyo seddex dawladood eeyna ka mid tahay Turkiga in loo diiday in dadkooda soo gutaan cumaradda sannadkaan sabab la xiriirto shuruudaha lagu xiray dadka soo cumraysanaayo sannadkaan,shuurdaha Sacuudiga ku xiray ayaa waxaa ka mida ineey talaalan yihiin soona qaateen talaalada eey aqoonsan tahay boqortooyadda Sacuudiga ee kala ah Pfizer-BioNTech(laba mar),Astrazeneca(laba mar) iyo Johson johson(hal mar). Dawladaha uu xusay wargayska ayaa waxaa ka mida Maraykanka,Imaaraatka Carabta iyo Iraan.XIGASHO ANADOLU.
WEERAR LAGU DILAY ASKAR OO KA DHACAY….
Sida eey sheegeen saraakiil reer Ciraaq ah kuna sugan magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad waxaa waqooyiga magaaladda Baqdaad lagu dilay askar ka tirsan ciidamadda xooga ee dalka Ciraaq dilkaas ayaa waxaa lagu tuhunsan yahay ineey geesteen dagaalyahano ka tirsan ururka Daacish. Weerarka lagu dilay ciidamadda reer Ciraaq ayaa waxa uu ka dhacay goob lagu baaro baabuurta kuna taalo degmada Tarmiyah ee gobolka Salaaxadiin sidaas waxaa walaakaladda wararka Anadol ee Turkiga u sheegay Dhamme Heeytam Aljabri. XIGASHO ANADOL.
SACUUDIGA OO XUKUN KU RIDAY DAD KALA GEDISAN.
(RIYAAD)-Maxkamadda qaado dembiyadda ee dalka boqortooyadda Sacuudiga Carabiya ayaa maanta oo Axad ah(8/8/2021)-ka waxa eey xukun dhan shan iyo toban sano ku riday wakiilkii hore ee ururka Xamaas u fadhiyey Sacuudiga Maxamed Alkhudari,sababta Alkhudari loo xukumay ayaa ah inuu kaalmeeyn jiray ururadda ka jiro gudaha Falastiin sida uu sheegay Cabdulmajiid Alkhudari oo ah walaakiis,waxaa kaloo uu Cabdulmajiid u sheegay walkaaladda wararka ee Turkiga Anadolu in xukunka ku dhacay walaakiis maxkamadu ka dhintay nus,sidoo kale waxaa isna xukun ku dhacay HaanI Alkhudari ee uu dhalay Alkhudari ayaa lagu xukumay seddex sano oo xabsi ah. Arrinta dadkaan la xukumay maanta ayaa ah mid soo bilaabatay sannadkii 2019-kii waxaane dalka Boqortooyadda Sacuudiga lagu qabtay dad gaaraayo 69-qofood una kala dhashay Urdun iyo Falastiin dadkaan ayey dawladda Sacuudiga ku eedeeysay ineey taageraan ururadda ka dagaalamo gudaha Falastiin,hadaba waxaan halkaan idiinku soo gudbihaa magacyada qaar ka mida dadkii la xukumay iyo intii sano ee lagu xukumay. (1)-Maxamed Fataax(6)-bilood. (2)-Muxsin abu Xuseen iyo Ayman Caqaada min(4)-sano. (3)-Saalax Maxamed Faqi(50)-sano. (4)-Maxamed Al Kurdi(6)-sano. (5)-Baasim Alkurdi(7)-sano. (6)-Ayman Alcaryaan(19)-sano. (7)-Cali Maxamed Abana’a(20)-sano. (8)-Maxamed Alcaabid(22)-sano. XIGASHO WAKAALADO.
WALAALAHA MUSLIMIINTA MA AHA ARGAGIXISO.
Maxkamad ku taalo dalka Usteeriya ayaa xukuntay asbuucaan in walaalah Muslimiinta loo aqoonsaneeyn ineey yihiin argagixiso ku sugan dalka Usteeriya.Weerar dabagal ah eey sameeyeen ciidamadda booliska Usteeriya sannadkii la soo dhaafay ayaa lagu qaaday dhaqdhaqaaqa muslimiinta iyo goobaha waxbarashadooda ayadoo loogu marmarsiyoonaayo la dagaalanka argagixisada waxaane la cadeeyey in hawgalkaas ahaay midaan sharci ahayn.XIGASHO WAKAALADAHA.
YAMANIYIIN LAGA SOO TARXIILAAYO SACUUDIGA.
War si hoosa loo helay ayaa sheegaayo in dawladda Sacuudiga ka codsatay shirkadaha ka hawla galay dalka gaar ahaan kuwooda ku sugan goboladda koonfureed ineey ka kaaftoomaan shaqaalaha Yamaniyiinta kuna sugan degaankaas,arrintaan ayaa waxa eey kor u qaadaysaa cabsida ah in si dhasi ah loo tarxiili doono dhammaan shaqaalaha laga maarmo kuwaasoo garaayo boqolaal kun oo Yamaniyiin ah kuna sugan mandhiqadaan,goobaha la sheegay in Yamaniyiinta laga soo saari doono ayaa ah Jeysaan,CAsiir,Albaha iyo Najraan.Shaqaalaha Yamaniyiinta ayaa loo qorsheeyey in laga saaro shaqooyinka dalkana lga saaro muddo afar bilood ah.XIGASHO MEMO.
CIIDAMADDA URDUN OO QABTAY DAROOGO.
Dawladda Urdun ayaa sheegtay ineey gacanta ku dhigtay maandooriye aad u fara badan kaasoo la isku dayey in si suuqa madaw ah lagu soo geliyo dalka Urdun ayadoo la soo marsiinaayo dhinaca dhulka gaar ahaan xuduudka u dhexeeyo dalalka Urdun iyo Suuriya ka dib markii la furay xuduudka eeyna ka soo wareegtay saacada kooban.Sida uu sheegay agaasimaha amniga guud ee dalka Urdun maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay waa laga war haayey maandooriyaha loo soo wado dalka Urdun.XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR
WAKIIL CUSUB OO LOO MAGACAABAY YAMAN.
Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay Antonio Guterres ayaa maanta oo Jimca ah 6/8/2021-ka waxa uu Yaman u magacaabay wakiil cusub una dhashay dalka Sweden lana yiraahdo Hans Grundberg go’aankan ayaa yimid ka dib markii uu dib u dhacay muddo asbuuc ah eeyna u sabab ahayd dawladda Shiinaha oo aan saxiixin magacaabidiisa.Golaha ayaa isku raacay in Hans uu bedelo Martin Griffiths kaasoo Yaman waan ka dhex weday muddo dhan seddex sanadood. XIGASHI MIDDLE EAST MONITOR.
BAARLAMAANKA YURUB OO CAMBAAREEYEY XUKUMADA DILKA AH KANA JIRA SACUUDIGA.
Dalka boqortooyadda Sacuudiga waxaa jiro dil lagu fuliyo dad ka soo jeedo dadka laga tira badan yahay ee shiicadda ah,Mustafa Haashim Darwiish waxa uu ahaay wiil ka soo jeedo shiicadda laga tiradda badan yahay ee dalka boqortooyadda Sacuudiga,Mustafa ayaa waxa uu ka qeyb qaatay banaanbax looga soo horjeedo boqortooyadda isagoo jiro todob iyo toban(17) sano waxaane la xiray sannadkii 2015-kii,bishii hore ee Juun-2021-ka ayaa Mustafa lagu fuliyey dil eey ku xukuntay maxkamadda sare ee Sacuudiga. Caballah Alhowayti waa wiil dhallinyara ah una dhashay Sacuudiga waxaane la xiray isagoo jira 14-sano waxaane lagu xukumay dil isagoo 17-jir in kastoo aan weli dilkaas la fulinin waxaane jirto in baarlamaanka yurub iyo dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka ineey si ba’an uga soo horjeedaan in la fuliyo dilka Cabdallah. ISHA WARKA MIDDLE EAST EYE.
CIIDAMADDA INGIRIISKA OO SI SIR AH U TABABARA KUWA SACUUDIGA EE DALKA YAMAN.
Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Yaman waxaa soo badanaayey faragelin dawladaha shisheeye ku hayaan dalkaas tusaale ahaan Xuutiyiinta ayaa waxaa taageero dalka Iraan,dawladda tabarta daran ee ka dhisan Yaman caalamkuna aqoonsan yahay ayaa waxaa taageero wadamadda Sacuudiga iyo Imaaraatka,waxaase hadda soo baxay warar sheegaayo in ciidamadda dalka Ingiriiska tababar siiyaan ciidamadda boqrtooyadda Sacuudiga ee ku sugan dalka Yaman gaar ahaan caasimadda gobolka Mehra ee Algaydh,waxaane arrintaan horay wax uga qoray wargays ka soo baxa dalkaas yaman. ISHA WARKA MEMO.
IMAARAATKA IYO SACUUDIGA MAXAA KALA HAYSTA?
Marka laga hadlaayo wadamadda gacanka carabta ee kala ah”Sacuudiga,Imaaraatka,Qadar,Baxrayn,Kuweeyt iyo Cumaan” waxaa ugu tun weyn oo isla markiiba afka soo qabahaa Sacuudiga iyo Imaaraatka waayo waxa eey si aada isugu dayaan ineey la jaan qaadaan siyaasadda caalamka tusaale ahaan madaxweynihii hore ee Maraykanka Trump labadda dhaxal suge ee Sacuudiga(MBS) iyo Imaaraatka(MBZ) waxa eey si aan hagar lahayn ula shaqeeyeen dawladdi Trump waxa eeyna Imaaraatka gaartay ineey aqoonsato jirtaanka Israa’iil waxaane dalkeeda ka furan safaarad Israa’iil leedahay uuna joogo safiir halka Sacuudiga eey ogolaatay oo kaliyaha in la isticmaalo hawadeeda,hadaba wargayska Middle East Eye cadadkiisa soo baxay maanta ayaa wax ka qoray khilaafka hadda ka dhextaagan labadaas dal ee deriska ah. ISHA WARKA MEE.
MARAYKANKA OO SALDHIGIISII MILATERI KA RARAY QADAR UNA RARAY..
Dawladda Maraykanka ayaa go’aansatay ineey xirto saldhigeeda ciiidan eey ku leedahay dalka Qadar waxaane saldhigaan loo wareejiyey dalka boqortooyadda Urdun,arrintaan ayaa muuqato mid la xiriirto xurgufta u dhexeeyso dalalka Maraykanka iyo dalka Iraan,dhinaca kalane waxa dhici karta in dawladda Maraykanka eeysan ku kalsooneeyn amniga goobaha ciidamadeeda kaga sugan yihiin oo eey dhici karto in Iraan si sahlan u soo weerarto balse sheekadda ayaa ah midaan aaney ka maqnayn arrimo amni. ISHA WARKA STARS AND STRPS.
YAMANIYIIN XOOG LOOGA SOO SAARAY SACUUDIGA OO…
Dalka Boqortooyadda Sacuudiga waxaa ku nool dad fara badan oo halkaas u xoogsi tegay dadkaas ayaa waxaa ka mida dad ka soo jeedo dalkaas Yaman waxaane hadda yamaniyiinta soo wajahday arrin aad u culus ka dib markii dadkii loo shaqeynaayey una dhashay Sacuudiga lagu soo rogay ineey bixiyaan lacago fara badan haddii shaqaalahooda yihiin kuwa aan u dhalan Sacuudiga,sheekadaan ayaa ku saabsan nin u dhashay dalkaas Yaman una adkaysan waayey nolosha waqtigaan ka jirta dalka Boqortooyadda Sacuudiga,ninkaan Yamaniga ah ayuu wargayska Middle East Eye(MEE) magaciisa ku soo koobay NABIIL,waxa uuna Nabiil hadda ku nool yahay Dalka Jabuuti kuna yahay qaxooti ka shaqeeysta. ISHA WARKA MEE.
HOOYO SUURIYAAN AH OO KU GUULAYSATAY….
Hooyo Suuriyaan ah haysatana laba caruur ah ayaa waxaa loo ogolaaday in la siiyo deganaasho dalka Denmark ah ka dib markii maxmkamad u ogolaatay dalabkeedii,Denmark ayaa waxa eey ka mid tahay dalalka ku andacoodo ineey nabad tahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq iyo degaanadda ku hareeraysan. Hooyo Kairout ayaa dalka Denmark soo gaartay sannadkii 2015-kii ka dib markii eey ka soo tahriibtay dalka Turkiga soona raacday doon balaastika ah,caruurta hooyo Kairout ayaa kala ah Louseen oo 15-jir ah iyo Qusay oo 13-jir ah. ISHA WARKA ANADOLU.
SACUUDIGA OO MAMNUUCAY INEEY DALKIISA SOO GALAAN….
Dalka boqortooyadda Sacuudiga ayaa waxa uu soo rogay xanibaad dhinaca safarka ah,dalalka uu Sacuudiga ku soo rogay xanibaada safarka ayaa kala ah Imaaraatka Carabta gaar ahaan magaaladda DUBAI,Vietnam iyo Itoobiya,dhammaan dadka ka imaanaayo amaba u safraayo dalalkaas waxaa la saaray xanibaad sida eey sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha boqortooyadda sacuudiga. ISHA WARKA.
HOOYO SUURIYAAN AH KANA HADASHAY JIRDILKA KA JIRO XABSIYADDA…
Hooyo u dhalatay dalkaas Suuriya(Umu Xasan) ayaa waxa eey ka sheekaysay dhibaatadda ka jirta xabsiga eey maamusho dawladda uu hogaamiyo Bashaar Al asad,hooyadaan ayaa waxaa la xiray sannadkii 2016-kii ayadoo uur leh,waxaane hooyadu si aad u qoto dheer uga hadashay jirdilka ka jiro xabsiyadda Asad ee arxan la’aanta ah.XIGASHO YENI SAFAK.
SACUUDIGA OO LAGU XIRAY 12-QOFOOD OO…
Sida uu qoray wargayska Middle East Monitor(MEMO) boqortooyadda sacuudiga ayaa jeelka u taxaabtay laba iyo toban shaqaale oo tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ka dib markii lagu helay ineey iibinayaan talaalka caabuqa covid-19 oo been abuur ah waxaane arrintaan soo ogaaday kenayne banaanka gudiga la dagaalanka musuqa ee loo yaqaano NAZAHA,shaqaalaha ayaa ka sameeyey waxooga lacag ah talaalkaan beenta ah.XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR.
AABE IYO GEBERTIISA HAL GOOB ISKULA GEERIYOODAY DAGAALKA DALKA YAMAN.
Sida eey qortay wakaaladda wararka Assiciated Press(AP) waxaa gobolka Ma’arib ee dalka yaman iskula geeriyoodag Aabe Daahir Maxamed iyo gebertiisa Layaan Daahir Maxamed oo seddex sano jir ahayd,aabe Daahir ayaa waxa uu adeeg suuqa uga doonay xaaskiisa si eey ugu sameeyso qadada nasiib darase saaruukh eey soo tuureen xuutiyiinta ayaa waxa uu ku haleelay kaalin batrool ee ku taalo gobolka Ma’arib.XIGASHO AP.
MAXKAMAD SACUUDIGA KU TAAL OO DIL KU XUKUNTAY…
Taliyihii hore ee ciidamadda isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa waxa eey maxakamad ku xukuntay dil toogasho ah,waxaa sidaan qoray machad ku yaalo magaaladda Washinton DC waxna ka qoro arrimaha Gacanka,xukunkaan eey sameeysay maxkamada oo ahaay mid aan la shaacin ayaa waxaa laga soo xigtay ehelka sarkaalka la xukumay. Sarlaakla dilka lagu xukumay waxaa la yiraahdaa Fahad Bin Turki Bin Cabdulcasiis ahaayne dhaxal suge ilma adeerna la ah dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa lagu tuhmay inuu damacsanaay inuu sameeyo afgembi uu xukunka kaga tuuraayo boqorka Sacuudiga boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed.XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR.
ERGAYGA MARAYKANKA U QAABILSAN YAMAN OO AFKA FURTAY.
Tan iyo markii uu dagaalka ka bilawday dalkaas Yaman sannadkii 2015-kii waxa uu dalkaas ku sii siqaayey inuu hoos u dhac ku yimaado wax soo saarkii uu lahaay dalka Yaman waxaane qasab noqtay in hayadaha samafalka caalamiga ah gacan ka geystaan kaalmaynta shacabka la tabaaleysdan nafaqa daridda,qaar ka mida hayadahaas ayaa waxa eey hadda ka deyrinaayaan in dalka Yaman eey ka dhici doonto dhibato bani’aadanimo tan ugu xun haddii aaneey wadamadda bixiyo deeqaha la soo gaarin kaalmo deg deg ah. Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalkaas Yaman Timothy Lenderking ayaa beesha caalamka iyo dawladaha awooda leh ee degan gobolka ineey si deg deg ah uga jawaabaan dhibaatadda haysato shacabka Yaman isla markaasne bixiyaan deeq la gaarsiiyo shacabka Yaman haddii kale ayuu yiri Mr.Lenderking waxaa Yaman ka dhacayso dhibaato bani’aadanimo tii ugu xumayd.XIGASHO MIDDLE EAST EYE.
300-TAHRIIBAYAAL OO LAGA CABSI QABO INEEY….
Sida uu qoray wargayska taagero dawladda Turkiga ee la yiraahdo DAILY SABAH ayaa maanta waxa uu qoray in tahriibayaal gaaraayo ilaa seddex boqol kana soo amba baxay wadamadda geeska afrika laga cabsi qabo ineey la degtay doontii siday ka hor inta eeysan soo gaarin dalka Yaman si eey halkaas uga sii gudbaan wadamada hodanka ku ah saliida ee loo yaqaano Gacanka Carabta,doonta ayaa la sheegay ineey saarnaayeen dad fara badan mana la sheegin jinsiyadahooda iyo dalka eey doonta ka soo baxday.David Gressly oo ah madax UN-ka ee dhinaca bani’aadanimadda ayaa xusay in ka badan seddex boqol tahriibayaal kana soo baxay Afrikada Bari ineey ku dhinteen xeebaha dalka ayagoo safar u ahaay iney garaaan gacanka carabta. XIGAASHO DAILY SABAH.