Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUUDAAN OO KA DIGTAY CALOOSHOOD U SHQQEYSTAYAASHA KA IMAANAYO LIIBIYA.

Mariam-Al-Mahdi.jpeg

Dalka Liibiya waxaa ku sugan ciidamo fara badan oo ah calooshoo u shqeystayaal kana kala yimid caalamka daafihiisa,ciidamadaan ayaa ah kuwa la kala safan dawladda caalamku aqoonsan yahay ee liibiya iyo Gen.Xaftar oo raba inuu isagana dalka xukumo dagaalne kaga soo horjeedo dawladda Liibiya.Wasiiradda arrimaha dibadda Suudan Maryam Al-Mahdi ayaa sheegtay in dalka Suudaan eey soo food saari doonto qatar haddii lagu soo celiyo calooshood u shaqeystayaasha ka dagaalamay dalka Liibiya,hadalka wasiiradda ayaa ku soo beegmay waqti eey labada wasiir arrimo dibadeed(Suudaan iyo Liibiya) Maryam iyo Njla eey ka qeygelaayeen shirka wasiiradda arrimaha dibadda ee jaamicadda carabta ee lagu qabtay Dooxa ee dalka Qadar kaasoo loga hadlaayey arrinta biya xireenka Itoobiya eey ka taagan tahay mushkilad mustaqbalka sababi karta dagaal inuu dhex maro dalalka Masar iyo suudaan oo dhinac ah iyo Itoobiya oo dhinac ah haddii aan la helin xal deg deg ah,dawladda Itoobiya ayaa ka hortimid baaqii ka soo baxay shirkii go;aha wasiiradda arrimaha dibadda ee Jaamicadda Carbta,arrintaan ayaa u muuqato mid eey ku hardamayaan labadda urur ee kala ah Jaamkicadda Carabta iyo kan Midawga Afrika kuna kala yaalo Qaahiro iyo Addis ababa sideey u kala horeeyaan.XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SALDHIG CIIDAN OO SI SIRA LOOGA DHISAAYEY YEMEN OO…

998d701220e366a41f89294a4bcf79a3.jpeg

Wakaaladda warar ee Associated Press(AP) ayaa waxa eey soo bandhigtay sawir muujinaayo in jasiiradda Yamantu leedahay ee MAYUUN una dhaw marin muhiimka ah ee BAAB AL_MANADA inuu ka socdo dhismo saldhig ciidan ka dib markii la arkay jidka eey ku ordaan diyaaradaha oo dhererkiisu dhan yahay 1.85-kiilomitir,AP ayaa xustay in garoonkaas eey ku soo degi karaan kana duuli karaan diyaadaha qaado waxyaabaha culus,arrintaan ayaa waxa eey ka caraysiisay isbahaysiga uu hogaamiyo sacuudiga ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta eey taageerto iraan waxa eeyna sheegeen in saldhigaasi yahay mid iyagu iska leeyihiin balse ma eeysan sheegin cidda dhiseeyso saldhiga iyo sababta loo dhisaayo saldhiga,dhinaca kalane wasiirka arrimaha dibadda dalka Yaman oo la hadlay wabaahinta gudaha Yaman ayaa sheegay in yaman dhulkeeda eeysan cidna kula heshiin waxa socdaane eeysan waxba kala socon,hadalkaan ayaa muujinaayo in dalalka Imaaraatka iyo Sacuudiga ka sameeynayaan gudaha dalka Yaman waxyaabo aysan ogayn dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yaman uuna higaamiyo C/rabu masuur Haadi.XIGASHO AP.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SIDEE AYAA LAGU OGAADAY INQILAABKII LALA DAMACSANAAY BOQORKA URDUN?

gettyimages-50898927-2048x2048.jpeg

Bishii maarso ee sannadkaan waxaa dalka Urdun ka dhacday arrin aan horay uga dhicin dalkaas taas ahayd in xabsi guri la geliyo Amiir Xamza kana mida qoyska boqortooyadda Urdun ka dib markii lagu tuhmay inuu wado inqilaab dalka lagula wareegaayo,arrintaan ayaa soo jiidatay dhammaan indhaha caalamka gaar ahaan wadamadda eey ka jiraan xukunka boqortooyadda sida sacuudiga oo arrintaan il gaara ku haayey,laakinse hadda ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo in sirta inqilaabka eey kashifeen sirdoon aan Urduniyiin ahayn kuna sugan Urdun waa sida uu maanta qoray wargayska ARABICPOST laguna daabaco luqadda Carabiga.XIGASHO ARABICPOST.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIL BAABUUR OO EEY KU DHINTEEN HOGAMIYEYAAL AL-QAACIDDA-YAMAN.

21-05-21-350590263.jpeg

Sida uu qoray wargayska Alsahafah-24 kana soo baxo dalkaas yaman waxaa shil baabuur oo ka dhacay gobolka Shabwa ku geeriyooday hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda Alqaacidda ee ka hawlgasha dalka Yaman gaar ahaan goboladda Abyan iyo shabwa oo dhacaan bariga Yaman,shilka ayaa waxa uu dhacay habeenkii Arbacada xilli dambe oo eey guureeyhaayeen. Hogaamiyeyaasha ku dhintay shilkaas ayaa kala ahaay Naasir AlKazimi oo ahaay madaxa amniga iyo sirdoonka kooxda Alqaacidda ee labada Gobol Shabwa iyo Abyan halka Saalax oo la dhashay Naasir uu Alqaacidda gacanka carabta u qaabilsanaay ciidamadda.XIGASHO ALSAHAFAH-24.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QADAR OO KU FAANTAY INEEY DHEXDHEXAADISAY SOOMAALIYA IYO KENYA.

37081.jpeg

Sida uu qoraya wargayska ALKHALEJONLINE ee ka soo baxa dalka Ingiriiska balse eey maalgeliso dawladda Qadar ayaa qoray in dawladda Qadar dhexdhexaadisay dalalka Soomaliya iyo Kenya sidaas darteedna eey Soomaaliya ku dhawaaqday maanta oo khamiis ah(6/5/21) ineey soo celisay xiriirkii eey la lahayd dalka Kenya,wargayska ayaa is weydiiyey su’aalahaan kooban isagana jawaabay:

1- Goormee ayuu go’ay xiriirka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya?

-Bartamihii bishii Diseembar ee sannadkii hore 2020-ka.

2-Waa maxay sababta uu u go’ay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya?

-Waa jawaab la xiriirta xadgudubka siyaasadeed ee dawladda Kenya ee soo noqnoqday iyo faragelinta jiritaanka Soomaaliya eey ku hayso Kenya.

Waxa nasiib darro ah in wargayska uusan soo hadal qaadin sababta dawladda Qadar ku kaliftay ineey waqtigaan dhexdhexadiso labadaan dal anagoo og in dawladda uu hogaamiyo Farmaajo ee uu dhammaday waqti xileedkeedii ineeysan lahayn awood dastuuri ah oo eey ku maareeyso arrimaha qaarkood sida dacwadda badda eey si aada u danaynayso Qadar in xal laga gaaro si eey ugu fududaato danaheeada ku saabsan shirkada talyaaniga ah eey maalgeliso. XIGASHO ALKHALEEJONLINE.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QOYS FALASTIIN U DHASHAY UU KA SOO HARAY AABIHII QOYSKA.

photo-1548424190-a2c9ac440def.jpeg

Sida eey sheegtay safaaradda Falastiin ee dalka Boqortooyada Sacuudiga sideed falastiiniyiin ah oo intooda badan yihiin Dumar iyo Caruur ayaa ku geeriyooday dab ka kacay dhismo eey deganaayeen oo ku yaalo magaaladda Jiddah galbeedka Boqortooyada sacuudiga,dadka ku dhintay dabkaas ayaa ah hooyo Baduur Axmed iyo caruurteeda kala ah Nagam,Taaliin,Basnat,Kanaan,Hataan,Naadir Cayuush,Riisa C/xakiimi iyo geberrteed Gaada Islaam Daxlaan.

Tirada Falastiiniyiinta ku nool dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu shr=eegay ineey u dhexeeyso 400—500-kun falastiini,waxaane magaaladda Jiddah ee uu ka dhacay dhibkaan kaligeed ku nool Falastiiniyiin tiradooda lagu qiyasay inta u dhexeeyso 270—300-kun Falastiini. XIGASHO ARABICPOST.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATKA CARABTA OO DHAQDHAQAAQ KA BILAABAY BADDA CAS.

uae_army_wiki.jpeg

Marka laga hadlaayo dagaalka dalka Yaman waxaa isla markii caqligaaga ku soo dhacaayo dawladaha qeybta ka ah dagaalkaas,tan iyo markii uu bilawday kacdoonkii carabta sannadkii 2011-kii dalka yaman ayaa ka mida ahaay dalalkii uu saameeyey kacdoonkaas waxaane xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalka yaman Cali C/lla Saalax waxaane xukunka dalka uu gacanta u galay koox gacan saar la leh dalka Iraan lana yiraahdo Ansaara laah(Xuutiyiin) kooxdaan ayeysan u suuragelin ineey wada qabsadaan dalka Yaman oo dhan waxa eyna ku soo koobmeen ineey ka taliyaan goboladii la isku dhihi jiray Yamanta Waqooyi,si hadaba dalka Iiraan uusan u noqon mid raad ku yeesho siyaasadda wadamadda la deriska ah Sacuudiga sida Yaman ayaa waxaa dalka sacuudiga lagaga dhawaaqay isbahaysi ka soo horjeedo Xuutiyiinta uuna hogaaminaayo Sacuudiga,isbahaysigaan ayaa waxaa xubin ka ah dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna ka hawlgalay goboladda koonfurta Yaman waxa uuna saldhig ka dhigtay magaaladda Cadan. Hadaba Imaaraatka Carabta ayaan ku ekaan inuu saldhig ka sameysto dalka Yaman oo kaliyah ee waxa uu saldhigyo ciidan ka sameeystay magaalooyinka Casab(Eritereeya) Barbara(somaliland) sakdhigyadaan ayaa waxaa ugu caansan kan Casab waxa uuna ka dejiyey diyaaradaha dagaalka iyo kuwa wax basaaso ee DRONS waxa uuna qaar ka mida diyaaradahaas u diray imaaraatka dalka Liibiya si eey u taageeraan jineraalka hawlgabka ah ee reer Liibiya GEN.Xaftar,maxaa hadda is bedelay?

Dalka Imaaraatka Carabta ayaa soo xiray dhammaan xerooyinkii ciidan uu ku lahaay Casab iyo Berbera waxa uuna u soo wareejiyey Jasiiradda Suqatra iyo magaaladda Mokha si uu halkaas ugala socdo dhaqdhaqaaqa hubka loo tahriibiyo Xuutiyiinta oo sida la sheegay loo soo marsiiyo maamul goboleedka soomaliyeed ee Puntland gaar ahaan dekadda weyN ee BOOSAASO,hadaba waxaa arrintaan wax ka qoray machad ku yaalo dalka Talyaaniga lana yiraahdo ITALIAN INSTITUTE FOR INTERNATIONAL POLITICAL STUDIES.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARAATLA CARABTA OO CUNSURIYAD KULA KACAY GABAR SOMALI-BRITISH AH.

7829378586_22de609d5d_k-1.jpeg

Ma aha inaad la yaabtid marka aad maqashid qof soomaaliya ka soo jeedo watana jinsiyad kale ayaa lagu cunsuriyeeyay dal carbeed,waa iska caadi ah marka aad joogtid dal carbeed in lagugu cunsuriyeeyo midabkaada iyo aqoonta alle ku siiyey,dalalka carbeed qaarkood ayaaba kala aqoon kala duwanashaha u dhexeeyo soomaalida, Itoobiyaanka iyo Eritereeyaanka,Suudaaniyinta waa u carab oo afka carabiga ayey ku wada hadlaan haddii uu kaa madaw yahay xataa oo lama caayo lamana cunsuriyeeyo sida soomaalida oo kale,hadaba waxaa maalin ka hor dhacday in geber somali-british ah shaqo ka heshay dalka Imaaraatka carabta waxaane gudaha dalkaas Imaaraatka looga diyaarihaayey dal ku galkii Imaaraatka markii uu dal ku galkii soo gaaray waaxdii shqaalaha ajnabiga ayaa la yiri Samiya waa soomaaliyad sidaas darteed waa in la joojiyaa fiisaheeda(Dal kugal),arrintaan ayaa waxaa qoray wargayska Middle East Monitor(MEMO).

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DUMAR IYO CARUUR KU HAFTAY XEEBAHA LIIBIYA.

GettyImages-1229599362-e1617276940818.jpg

Dalka Liibiya waxa uu ka mid yahay wadamadda Yurub looga tahriibo ayadoo la sii maraayo badda Miditereeniyaanka iskuna xirta dalalka Talyaaniga iyo Liibiya,maalintii Talaadada ahayd ayaa la soo weriyey in dad ku hafteen biyaha u dhexeeyo Liibiya iyo Talyaaniga inta la ogyahayne waxaa shilkaas ku geriyootay laba dumara iyo seddex caruur ah.Doonta oo ka baxday dalka Liibiya ayaa waxaa saarnaay dad aad u fara badan waxaane la soo badbaaiyey 77- qofood sida eey shegtay afhayeenka IOM ee dalkaas Liibiya Safa waxaane gacanta lagu soo dhigay ayagoo nool dad gaaraay 400-qofood waxaane dib loogu celiyey dalka Liibiya waxa eeyna hadda ku xiran xabsiga buux dhaafay eeyna ka buuxaan dad u badan muhaajiriin afrikaan ah.Hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhawr jeer ka hadlay xabsiga buux dhaafay eeyna lidato xaladiisa caafimaad basle cid ka maqashay ma jirto,waxaane kaloo laga soo sheegayaa xabsigaas ineey ka jirto jirdil loo geeysto maxaabiista kuwooda wax dalbada amaba ka cawda nolol xumidda meshaas ka jirta gaar ahaan si aada looga cabaaday ilaladda xabsigaas.XIGASHO MEMO

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASUUL SARE OO SUUDAAN U DHASHAY OO LAGU LA’AYAHAY IMAARAATKA.

GettyImages-1193605829.jpg

Waxaa isa soo taraayo wararka sheegaayo in la la’ayahay masuul sare oo ka mid ahaay wafdi ka socday dalka Suudaan oo dalka Imaaraatka Carabta u tegay ineey kaga qeybgalaan shir eey soo qabanaabisya Imaaraat kuna saabsanaay sidii heshiis loo dhex dhigi lahaay dalalka Suudaan iyo Itoobiya ee isku haayo laba arrimood oo kala ah”Biyaha Niilka iyo Xuduudka).

Dr.Moaz Tango waa masuulka ilaa iyo hadda aan laheyn halka uu jaan iyo cirib dhigay kana mid ahaay wafdigii ka socday dawladda Suudaan eey ogaaminaysay wasiiradda arrimaha dibadda Maryam Al Saadiq,waxaane wafdigaas la socday wasiirka gaashaandhiga S/G-Yaaasiin Ibraahim,wasiirka cadaaladda Nuuradiin Cabdulbaari iyo ku xigeenka Sirdoonka Suudaan Axmed Ibraahim Mufadal,dhammaan masuuliyiinta ayaa dalka Suudaan dib ugu laabtay halka la la’ayahay Dr.Tango,ehelka Tango waxa eey qabaan in la xiray loona haysto inuu galay dembiyo waqtigii Albashiir laakinse fikir kaas ka duwan waxa qaba xukuumadda Suudaan fikirkaaso ah in Imaaraatka iyo Itoobiya dhabar jebin ku sameeyeen dalka Suudaan isla markaasne arrintaani tahay shirqool eey ku heshiiyeen dalalka Itoobiya iyo Imaaraatka.XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAXOOTI KU LE’EDAY DALKA YAMAN.

image1170x530cropped.jpg

Dalka yaman waxa uu ka mid yahay wadamadda carbeed eey ku sugan yihiin qaxooti kala duwan haba ugu sii badnaadaane qaxootiga ka yimaado wadamadda deriska la ah dalka Yaman sida Soomaaliya,Eritereeya iyo Ethiopia. Qaxootigaan ayaa intooda badan u soo tahriiba dalka Yaman soona mara dalalka soomaaliya iyo Jabuuti soona mara dhinaca badda,waxa eeyna inta badan tahriibka dhinaca badda ah kala kulmaan dhimasho waa mare in doonta la degto lana waayo kuligood iyo in dadka wax tahriibiyaa eey si qasab ah uga daadiyaan doonta ayaga oo ka cabsanaayo in ciidamadda Yamanta qabtaan.Magaaloyinka laga soo dejiyo qaxootiga ka yimid afrika ayaa kala ah Biir Cali iyo Cadan waxaane halkaas kaalmo bani’aadanimo ugu fidiyo hayadda UNHCR oo dejiso hooy ka samaysan teendhooyin,balse qaxootigaas ka yimid afrika ujeedkooda ma aha ineey ku sii sugnaadaan dalka Yaman oo waxa eey raadiyaan mukhalasiin tahriib ku geliya dalka Sacuudiga si eey halkaas uga helaan nolol ka gedisan tii eey ku haysteen dalalkooda,waxaane mararka qaar dhacda in lagu qabto xuduudka u dhexeeyo Yaman iyo Sacuudiga dabadeedna loo tarxiilo dalkooda ka dib markii in muddo ah lagu haayo xabsi loogu talagalay dadka la tarxiilaayo. Hadda oo Yaman uu ka jiro dagaal u dhexeeyo Xuutiyiinta oo garab ka helaayo dalka iiraan iyo dawladda la aqoonsan yahay oo garab ka heleyso xulafadda uu hogaamiyo Sacuudiga ayeysan suuragal ahayn in wax walba sidii hore noqdaan waxaane horey u jirtay in cid walba oo tahriib ku timaado dalka Yaman in la siin jiray warqad aqoonsi ah kuna mari kartay halkeey doonto laakinse taasi hadda ma jirto oo dalka ayaaba kala xiran lana kala haystaa. Qaxootiga soo gaara caasimadda Sanca ayaa inta badan waxaa lagu xiraa halka loo yaqaano waaxda socdaalka(Jwaasaadka) si loogu celiyo dalalkooda amaba loogu helo dal kale oo qaxooti ahaan u qaabilaayo,nasiib darase waxaa asbuucaan horaantisii dhacday in dab qabsaday halkii lagu haayey qaxootiga ee magaaladda Sanca waxaane dabkaas ku dhintay 170-qofood waxaane ku dhaawacmay dad ka badan laba boqol qofood,qaxootiga eey ku dhacday musiibadaas ayaa u badnaay kuwa ka soo jeedo dalka Itoobiya waxa eeyna hayadda IOM caalamka ka dalbatay in lala soo gaaro kaalmo deg deg ah oo eey wax ugu qabato dadkaan dhibaataysan,qaar ka mida qaxootigaas kana badbaaday dabka iyo kuwa kale oo haysta aqoonsiga hayadda qaxoortiga UNHCR ayaa waxa eey ku banaanbexeen iridda hore ee xafiiska hayadda UNHCR ee magaalada Sanca waxa eeyna dalbadeen wax loo qabto mana la yaqaano waxa ka soo bixi doonomcodsiga qaxootiga.

HALKAAN KA DAAWO BANAANBAXA QAXOOTIGA.

Waxaa diyariyey/ Abkeey-Muqdisho.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAHRIIBAYAAL LAGU DAADIYEY BADDA.

merlin_175652208_53b8e635-0bbe-4dba-9d06-0584fb884009-superJumbo.jpg

Marka aad maqashid amaba aad aragtid erayga TAHRIIB waxaa isla markii maskaxdaada ku soo dhacaayo MAGEFE oo shaqsi si aad ah uga caan ah dalka Liibiya,laakinse marka laga hadlaayo wadamadda afrikadda bari iyo tahriibka waxaad si fudud u xusuusanaysa soomaliya gaar ahaan gobolka bari ee maamulka Puntland halkaasoo ahaay hooyga tahriibayaasha ka yimid Itoobiya u ahaay marin eey ugu gudbaan dalka Yaman ka dibne Sacuudiga,sheekadii hadda waa mid isbedeshay oo waxa eey u soo wareegtay dalka Jabuuti gaar ahaan magaala xeebeedka Ubukh,halkaas ayaa hadda ah halka dadka u safraayo khaliijka laga tahriibiyo.Dadka wax tahriibiyo ayaa waxa eey doon ka tuureen dad gaaraayo sideetan(80) qofood waxa eeyna arrintaan ka dhacday badda u dhexeyso badda afrikada bari iyo tan carabta maalintii Arbacada 3-3-2021-ka,waxaane la rumaysan yahay in labaatan(20) qofood oo ka mida sideetan(80) qofood ee lagu tuuray doonida ineey ku hafteen biyihii badda oo eeysan nooleeyn,dhacadaan ayaa ah midii seddexaad wax ka yar muddo lix bilood ah sida eey sheegtay hayadda qaramadda midoobay u qaabilsan la socodka muhaajiriinta(IOM).XIGASHO NEW YORK TIMES.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAMAN UU KOR U KACAY QIIMAHA BURKA.

GettyImages-484542330.jpg

Dalka Yaman waxa uu ka mid yahay dalalka carabta uu ka dhacay kacdoonka sannadkii 2011-kii,waxaane ka bilawday dagaalo u dhexeeyo xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdurabu Mansuur Haadi iyo kooxda Xuutiyiinta eey taageerto dawladda Iraan,dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ah isbahaysi uu hogaminaayo Sacuudiga oo raba ineey xukuumadda Cabdurabu ku soo celiyaan xukunka taasoo weli u suuratageli la’a isbahaysiga.Kooxda Xuutiyiinta ayaa haysata inta badan waqooyiga dalka Yaman eeyna ku jirto caasimadda Sanca waxaane hadda laga soo sheegayaa degaanadda eey maamulaan Xuutiyiinta dhibaato sicir barar ah kuna timid BURKA,burka ayaa la soo sheegay inuu ka ahaay degaanadda Xuutiyuunta maamulaan halkii loor 13,000-Riyaalka yamanta ah una dhiganta $ 51.93 waxa uuna hadda noqday halkii loor oo bur ah 15,000-Riyaalka yamanta ah una dhiganta $ 59.92,dhinaca kalane waraka ayaa sheegaayo in isbedel ku yimid misanka muufadda ka hor inta aanuu burka qiimihiisu kor u kicin,miisaanka ayaa ahaay 27-garaam hadda waxa uu noqday 20-garaam oo waxaa dhuntay todobo garaam halkii muufo,inta taqaano yaman marka laga hadlaayo nolosha dadka reer Yaman waa mid aad ugu xiran isticmaalka Burka waxa eeyna ka samaystaan waxyaabo fara badan oo kuma koobna kaliyah muufadda.

Magaaladda Cadan ee dalka Yaman ahne caasimadda ku meel gaarka ah ayaa waxaa saakay ka dhacay qarax lala eegtay kolonyo baabuur ah eey iska lahaayeen saraakiil ka tirsan golaha ku meel gaarka ah ee reer koonfureetka,qaraxa ayaa ahaay miino meel fog laga hago oo lagu dhex riday haanta qashinka oo tiilay meel eey maraayeen kolonyadda baabuurta ah waxaane xigay is rasaaseeyn dhexmartay rag hubaysan iyo ciidmaddii la socotay kolonyadda, S/guuto Muxsin Al-wali oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee golaha ku meel gaarka reer koofurka kolonyadiisa ayey ahayd tan la weeraray balse isaga lama socon waqtiga weerarku dhacaay,weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhawac fara badan. XIGASHO WKAALADAHA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAMAN EEY SOO WAJAHDAY GAAJO TAN UGU XUN ADDUUNKA.

10ipj-2-730x438.jpg

Dagaalka ka jiro dalka Yaman ayaa waxa uu Yaman ka soo riday meel sare,waxaane Yaman soo wajahay gaajo tan ugu xun adduunka,muddo toban sana ah haddii aysan deeq bixiyeyaasha gaar ahaan wadamadda gacanka carabta ee la deriska ah Yaman oo si deeqsinima ah wax u siiyey Yaman sammadkaan. Q/midoobay xafiiskeeda samafalka ayaa caalamka ka dalbaday lacag lagu kaalmeeyo dadka reer Yaman dhaqaalaha loo baahan yahay ayuu xafiisku ku sheegay imuu dhan yahay $ 3.85-bilyan,waxa uuna xafiiska samafalka ee qaramadda midoobay ka digay in dalka Yaman eey jirto dhibaato bin’aadanimo oo aad u xun hadaan la helin dhaqaalahaasne in dhibaatadda sii kordhi doonto. XIGASHO WAKAALADAHA.

RIIX HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SAFAARADDA IMAARAATKA EE ADDIS ABABA OO KA..

thumbs_b_c_c549eb670235b86550595562b4940a8f.jpg

Sida lagu qoray bogga wararka ee Tv-ga Aljazeera qeybtiisa English-ka maanta oo Arbaca ah(3/2/2021) waxaa magaaladda addi ababa lagu qabtay dad gaaraayo shan iyo toban qofood oo diyaarinaayey shirqool la damacsanaay in wax loogu geysto safaaradda dalka Imaaraatka carabta ee dalka Itoobiya,kooxdaan abaabulan ayaa la sheegay in eey lahayeen hogaamiye lagu magacaabo Axmed Ismaaciil kaasoo lagu qabtay dalka Sweden ka dib markii eey iskaashadeen isrdoonka Itoobiya,kan yurub iyo kan afrika.XIGASHO ALJAZEERA.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAASABOORKA OO LA SIMAN KAN YAMANTA.

yemen-passport.jpg

Sida uu maanta qoray HENLEY PAASAPORT INDEX wadamadda Soomaaliya iyo Yaman baasabooradooda ayaa waxaa Visa-la’aan lagu geli karaa sodon iyo seddex(33) dal in kastoo aan la magacaabin kuwa eey yihiin dalalkaas,dhinaca kalane war bixintan la soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in dalal badan oo adduunka ah ayaa baasabooradooda waxaa lagu geli karaa boqol dal wax ka badan tusaale ahaan dalka Japan oo qiimayntaan kaalinta koobaad(1-aad) ka galay adduunka oo dhan ayaa baasboorkiisa lagu karaa 191-dal ayadoo aan loo qaadan wax Visa-ah,kaalinta labaad(2-aad) waxaa galay Sigapore-190-dal,kaalinta seddexaad(3-aad) waxaa wada galay Jarmalka iyo kuuriyuadda koonfureed waxaane lagu geli karaa 189-dal. Haddii aan qiimayntaas dib u fiiriyey waxaa ii soo baxday in dalalka dhaca geeska afrika deriskana la ah soomaaliya sida Kenya waxaa baasboorkeeda lagu geli karaa fiisa la’aan 72-dal,Jabuuti-47-dal iyo Itoobiya-44-dal. XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR.

HALKAAN KA AKHRISO

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAMAN OO NOQOTAY CAASIMADDA…

10ipj-2-730x438.jpg

Dalka Yaman oo deris la ah dalka soomaaliya ayaa waxa ka jirto dhibaato bani’aadan tan ugu xun gaar ahaan goobaha eey xukumaan Xuutiyiinta,dagaalka u dhexeeyo dawladda caalamku aqoonsan yahay iyo xuutiyiinta ka sokoow waxaa dalka fara ba’an ku haayo cuduro eey ka mid yihiin shubanka iyo koroona,dhulka eey maamulaan xuutiyiinta ayaa u badan dhulkii horay loo dhihi jiray yamanta waqooyi eeyna ku jirto caasimadda Sanca,dekadaha dalka yaman ayaa ah kuwa ku kala yaalo goboladda Ticis,Xudayda iyo Cadan waane meelaha dalka wax looga soo dejiyo waxaane hadda si rasmi ah u shaqeeyo dekadda Cadan kaliyah,hadaba wargayska Al-quds al-carabi ayaa wax qoray arrimaha dalkaas. XIGASHO ALQUDS.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIIBIYA OO WELI XASUUSATA KAALINTA IMAARAATKA EE XASUUQII….

thumbs_b_c_349a07923c1046fb67c59a67863651d7.jpg

Dalka Liibiya oo ka mida wadamadda carabta eey ka jiraan dhibaatooyin amni oo aad baaxad weyn,Liibiya waa dal qani ku ah bartroolka waxaane arrimihiisa isku haayo dawladdo kale oo eey ka mid yiihiin Turkiga,Masar,Imaaraatka,ruushka iyo faransiiska waxa la siku haayana wax kale ma aha waa khayraatka dalkaas dhex ceegaaga oo kooxiba ayada isu rabto si eey danahooda u gaaraane waxa eey adeegsadaan dabadhilifyo u dhashay Liibiya oo u shaqeeyo tusaale ahaan Gen.Xaftar waa sarkaal hawlgab ah eeyna gadaal ka taagan yihiin Imaaraatka iyo Masar waxa uuna dagaal ku yahay dawladda ku meel gaarka ah ee dalkas ka arimiso,dawladaas ayaa waxa eey gacansaar la leedahay dalalka Turkiga iyo Qadar. Hadaba muddo hadda sanadd laga jeego ayaa waxa dalkaas ka dhacay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaan DRONS-ka waxaane weerarkaas lala beegsaday kuliyadda ciidamadda booliska dalkaas liibiya,tuhunka ciddda qaaday weerarka ayaa loo badinaayaa Imaaraatka oo taageero Gen.Xaftar,hadaba wargayska caanka ah ee ANADOLU ee dalka Turkig ayaa wax ka qoray dhacadaas xanuunka badan waxa uuna cinwaan uga dhigay liibiya weli weey xusuusata kaalina Imaaraatka ee xasuuqii iskoolka.XIGASHO ANADOLU.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TURKIGA WAA GURIGAYGA LABAAD…

resized_2d194-cf26a1ab1513_ar_picture_20201227_23319716_23319725.jpg

Dalka soomaaliya ayaa hadda waxa eey ka jirtaa xukuumad eey u harsan tahay wax ka yar laba bilood mana la ahaayo ilaa hadda jidkii lagu heli lahaay xukuumadii bedeli lahayd waayo waxaa dib u dhac uu ku yimid soo xulitaanka xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka soomaaliya oo gudigii doorashadda heer federaal ayaaba dooda ka taagan tahay. Wasiirka cadaaladda ee xukuumadda hadda jirta Md-C/qaadir Maxamed nuur(Jaamac) horayne uga tirsanaay kooxda alshabaab ayaa waxa uu booqasho ku tegay dalka uu wax ku bartay ee Turkiga waxa uuna Turkiga ku tilmaamay inuu yahay Gurigiisa labaad. XIGASHO YENISAFAK.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

Suudaan iyo sanaddka 2020-ka.

102020616387525.jpg

Dalka suudaan waxa uu ka mid yahay wadamadda eey ka dheceen kacdoonada looga soo horjeedo xukuumadaha,dalkaan ayaa waxaa in muddo ah soo xukumaayey madaxweeyne Cumar xasan Albashiir oo xukunka ku qabsaday afgembi,waxaane dalka ka jiray xisbiyo aan sidaas u caga badneeyn eeyna yar tahay awoodooda,hadaba sanaddkaan 2020-ka waxaa ka dhacay suudaan kacdoon sababay in xukunka laga tuuro Cumar Albashiir loona taxaabo xabsiga oo waa xukun suge hadda,wargayska carab-21 ee ka soo baxa dalka ingiriiska laguna daabaco afka carabiga ayaa daabacay cinwaan ah” SUUDAAN WAXA EEY KACDOON KU BILAWDAY SANADDKA 2020-KA WAXA EEYNA KU DHAMMAYSATAY IS CASILAAD”. XIGASHO ARABIC21.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More