Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GARYAQAAN DALBADAY IN CUNAQABATAYN LA SAARO BOOLISKA….

police.jpg

Dalka Uganda waxa uu ka mid yahay wadamadda uu ka taliyo kaligii taliye aan u nixin shacabkiisa waxaane hadda dalkaas ku soo fool leh doorasho loo ekeeysiinaayo ineey tahay mid dimuqaraadi ah dadka oo dhane u daahfuran,laakinse dhinaca amniga tartamayaasha xilka madaxweynaha dalka Uganda ayey soo foodsaartay dhibaatooyin aad culus oo ma awoodaan in taageerayaashood sameeyan isu soo bax eey ku taagerayaan,dhibaatadda loo geeysanayaao banaanbaxayaasha waa mid eey ka siman yihiin kali talisyadda ka jira qaaradda afrika waqtigaan waxa eeyna adeegsadan ciidamddii qaranku lahaay looguna talagalay ineey difaacaan shacabka laga qaado canshuurta ayaga loo siiyo mushaar ahaan.XIAGSHO THE EAST AFRICAN.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ITOOBIYA OO MASUULIYIIN U XIRTAY XASUUQII KA DHACAY….

thumbs_b_c_6cb5cbf33cce3ec3958575f847c19311.jpg

Dalka Itoobiya waxaa wada degan qoowmiyado fara badan si aad ahne u kala gedisan balse ka wada tirsan maamul ahaan xukuumadda dhexe ee Itoobiya,waxaa maalmo ka hor dhacday in dad hubaysan eey dad ku laayeen gobolka Benshangul-Gumaz tirada dadka la dilay ayaa lagu sheegay ineey dhantahay boqol qofood,hadaba dawladda Itoobiya ayaa waxa eey shan qofood kana kala tirsan federaalka iyo gobolka wax ka dheceen,dadkaan ayaa lala xiriirinayaa dilkii ka dhacay gobolkaas lamana oga ineey yihiin dadkii ka dambeeyey iyo in kale.XASHO ANADOLU.

HALKAAN KA KAKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SOOMAALIYA OO LOOGA CABSI QABO INUU KA DHACO MAR KALE..

EpRAtKeWMAA-WEZ.jpeg

Asbuuc ayaa hadda laga joogaa markii uu magaaladda Muqdisho gaar ahaan dhinaceeda waqooyi uu ka dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo dawladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo,mudaharaadkan ayaa salka ku haayo doorashooyinka dalka gaar ahaan gudiga eey magacawday dawladdda oo lagu tuhmaayo ineeysan ka madaxbanaaneeyn faragelin uga timaado madaxweynaha si taas looga gudbana musharixiinta xilka madaxweynah dalka ayaa ka soo horjeestay arrintaas waxa eeyna sameeysteen gole eey ku midaysan yihiin,hadab banaanbaxaas ayaa waxaa wax ka qoray FRANCE24 qeybtiisa afka carabiga waxa uuna si qoto leh u taabtay sida wax u dhici karaan iyo wixii horay u soo dhacay sida dagaalkii 1991-kii iyo in hadda dalka qarka u saaran yahay dagaal sokeeyo haddii aan alle irid kale furin caqliga hogaamiyeyashana uu shaqeyo.XIGASHO FRANCE24.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA MARAYKANKA OO KA BAXAAYO SOOMAALIYA.

non-prior.jpg

Waxaa dalka soomaaliya ka baxaayo ciidamadda dalka Maraykanka waxa eeyna u wareegeen saldhig kale oo eey leeyihiin ciidamadda Maraykanka kuna yaalo bariga afrika sida laga soo xigtay taliyaha ciidamadda Maraykanka ee qaaradda afrika.

Gen.Stephan ma uusan sheegin halka la geeynaayo ciidamadda laga qaaday soomaaliya waxaase loo malaynaa in ciidamadaas la geeyn doono saldhigyadda ugu dhaw eeyna ka mid yihiin Lemonnier ee dalka Jabuuti iyo Manda Bay ee dalka Kenya,waane arrin kala cadaan doonto maalmaha soo socdo. XIGASHO THE HILL.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HADAFKA TURKIGA EE SOOMAALIYA WAA…

1939881-1799039724.jpg

Ankara: Dalka turkiga waxa uu ka mid yahay dalalka taageero soomaaliya waxa uuna si fiican tixgelin uga haystaa shacabka soomaaliyeed ka dib markii dawladaha caalamka eey indhaha ka qabsadeen dhibaatadii dalka soomaaliya ka taagneed sannadkii 2011-kii,waxaane dhacday in madaxeweynaha dalka Turkiga Rajab Dhayib Ordogaan iyoo xaaskiisa ka degeen magaaladda Muqdisho waqti aan la qiyaasi karin dhibaatadda ka jirta soomaaliya.

“Dalka Turkiga ayaa saliid ka qodi doono badda dalka soomaaliya ka dib markii uu dalka soomaaliya ku martiqaaday inuu saliid uga soo saarao dalkooda” sidaas waxa yiri Madaxweynaha dalka Tutkiga Ordogaan. XIGASHO ARAB NEWS

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO HAGAAJINAYSA XIRIIRKA SOOM…

Mogadishu_Somalia-1600.jpg

Dawladda Masar ayaa waxa eey danaynaysaa ineey dib u habayso xiriirka eey la leedahay dalka Soomaaliya waqti eey jiraan dhibaatooyin u dhexeeyo dalalka Masar iyo Itoobiya kuna saabsan biyo xireenka eey Itoobiya ka dhiseeyso biyaha wabiga Niil iyo dalka Turkiga oo ey sii kordhayso raadka uu ku leeyahay dalalka qaaradda afrika sida soomaaliya. Waxaa dalka soomaaliya booqday wafdi heer sare ah kana socday dalka Masar uuna hogaaminaayey kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar ee afrika Shariif Ciisa,waxa uuna wafdiga reer Masar la kulmay wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya Maxamed C/risaaq waxa eeyna kala hadleen wasiirka xiriirka labada dal hagaajintiisa,xaaladda amni ee wadamadda soomaliya la deriska ah iyo guud ahaan nabada wadamadda geeska afrika.XIGASHO AL-MONITOR.

HALKAAN KA AKHRISO

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WAA EEY SOO MAREEN KHATARTA BADDA CAS HADANA WAXAA YAMAN KU SUGAAYO AJASHA.

5760.jpg

Dalka Yaman ee deriska la ah Soomaaliya dhinaca badda ayaa waxaa sannad walba u tahriibo dad fara badan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayagoo sii mara badda cas,inta badan dadkaan ayey Yaman u tahay halka eey uga sii gudbaan dalka boqortooyadda Sacuudiga halkaas oo eey u arkaan meel eey ka heli karaan shaqo mushaarka ka soo galo eey ku maareeyn karaan noloshooda iyo tan dadkii eey ka soo tageen oo eey hayso dhibaato dhaqaale,inta badan dadkaan u tahriiba Yaman ayaa waxa eey u gacan galaan dad manaxayaal ah kuna jinsi ah balse dalaal u ah dadka wax tahriibiyo ee u dhashay dalka Yaman waxaanaba dhacda in baaburta lagu qaado dadkaan laga buuxiyo maadooriyeyaal loo iib geeyo dalkaasi Sacuudiga oo haddii la qabto eey mutaysan karaan in lagu xukumo dil toogasha ah,haween ka mida tahriibayaasha gaaray dalka Yaman una dhalatay dalka itoobiya lana yiraahdo Tigrit ayaa tiri'“ Sacuudigu waa meel aan ka helaayo shaqooyinka adeegtanimo iyo mid nadaafadeed lacagta iga soo gashana waxaan dib ugu diraa ninkeeyga iyo gabarteeyda yar” hadalkeedii ayey sii wadatay waxa eeyna tiri” waxa aan ku xanibanay halkaan(Yaman) oo ma haysto cunto aan cuno iyo lacag aan ku gato lafta taleefoonka si aan ula xiriiro gurigaygii,ma jiraan waxaan haysto” XIGASHO THE GUARDIAN.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HANTI DHAWRAHA SOOMAALIYA OO QAADAY..

Afgooye-1.jpg

Marka laga hadlaayo arrimaha dalka soomaaliya waxaa isla markiiba caqligaada ku soo dhacaayo waxyaabo fara badan uu ugu horeeyo musuq-maasuqa oo ah aafadda haysato dawladnimadda soomaaliyeed wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii dhexe sannadkii 1991-ka,waxa uu dalka soo yeeshay dawladdo kala duwan oo qaar yihiin ku meel gaar(KMG) kuwa kalane yihiin Federaal,sannadadii ugu dambeeyey waxaa taladda dalka soomaaliya isaga kala dambeeyey dawladdo Federaal ah eeyna kala hogaaminaayeen Prof.Xasan sheekh Maxamuud iyo Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo hadda ah madaxweynaha uu xilka ka sii dhammaanaayo waxaane jirto eedeymo adag oo mar walba loo soo jeediyo ciddii xukunka qabata eedeymahaas ayaa waxaa loogu hadal hayn badan yahay wax isdaba marin iyo musuq-maasuq,hadaba dawladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka soomaaliyeed u balan qaaday ineey la dagaalami doonto musuqa dalka Aafeeyey dhawrkii sano ee la soo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo waxaa xukunkiisa ka hartay wax ka yar sagaashan berri(Seddex bil) waa maxay hawsha hadda uu qabanaayo hanti dhawraha qaranka ee lagu soo celinaayo hanti eey leedahay dawladda soomaaliyeed taasoo eey isticmaalayaan masuuliyiin xilal haayo iyo kuwa xilal horay u soo qabtay hadane aan wax xil ah ka hayn dawladda? Waa yaab,qoraal ka hadlaayo arrintaas ayaan ka soo xigtay bogga Caasimadda online.

HALKAAN KA AKHRISO

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUUDAAN OO JINSIYADDII KALA NOQOTAY….

sudan-passport-.jpg

Maalintii Arbacadda ee ina soo dhaaftay ayey xukuumadda Suudaan sheegtay ineey Jinsiyaddii kala nooqtay ajaanib gaarayso seddex kun shan boqol iyo afartan iyo sideed(3548) dadkaan ayaa jinsiyadda Sudaan qaatay waqtigii uu dalka xukumaayey Cumar Albashiir, waxaane sidaas warbaahinta u xaqiijiyey wasiirka arrimaha gudaha dalka Sudaan. Bishii Meey ee sannadkii hore 2019-kii ayuu wasiirka arrimaha gudaha ee Sudaan sheegay inuu sameeyey gudi baara dibna u eega habka loo raacay sadaqeeynta jinsiyadda dalka Sudaan ee la siiyey dad ajaanib ah sannaddii la soo dhaafay.

Qoraal uu soo saaray Arbacaddii madax golaha madax banaanida dalka Sudaan C/fataax Alburhani ayaa lagu baabi’iyey go’aanadii horay uga soo baxay madaxtooyadda jamhuuriyadda Sudaan go’aanadaasoo lagu sadaqeynaayey sddex kun shan boqol iyo afartan iyo sideed(3548) dhalasho sudaan ah lana siiyey ajaabin, arrintaan ayaa timid ka dib markii uu wasiirka arrimaha gudaha dalka Sudaan Altarifi Idris uu sidaas talo ku soo jeediyey. XIGASHO MEMO

KA AKHRISO HALKAAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUUDAAN OO LA WAREEGTAY BEERTII USAAMA BIN LAADIN.

Osama-bin-Laden.jpg

Gudiga la dagaalanka musuq-maasuqa iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka Suudaan ayaa sheegay ineey la wareegeen beertii uu Suudaan ku lahaay hogaamiyihii la dilay ee ururka Alqaacidda Usaama Bin Laadin,gudiga ayaa waxa uu shaqada ka eryey sodon safiir oo Suudaan dibadda u fadhiyey,waxaa kaloo uu gudiga la wareegay dhul eey lahaayeen masuuliyiin ka tirtsan xukuumaddii uu hogaaminaayey Cumar Albashiir.

Ku xigeenka gudiga la dagaalanka musuq-maasuqa iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka Suudaan xubina ka ah golaha madax banaanida dawladda Suudaan Maxamed Alfaqi ayaa xaiijiyey in gudiga shaqadii ka eryey sodonka safiir loona gudbiyey wasaaradda arrimaha dibadda dalka Suudaan,sababta keentay in la eryo safiiradda sodonka ah ayaa lagu sheegay ineey tahay ineey xiriir lalahaayeen dawladdaii la riday ee uu higaaminaayey Albashiir. XIGASHO MEMO.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADA QAADA DEMBIYADDA OO XUKUN..

8202019165747519.jpg

Maxkamadda qaada demiyadda caalamka ka dhaca ayaa maanta oo jimca ah 11/12/2020-ka waxa eey soo saaratay shanxukun daa’in ah xukumadaas ayaa lagu xukumay rag ka tirsan ururo ka jiro dalkaas Libnan sida Xisbulaahi iyo Mustaqbal sababta loo xukumay ragaan ayaa ah dilkii magaaladda Beyruut loo gaystay reysal wasaarihii hore ee dalkaas Libnaan Rafiiq Al-Xariiri,Saliim Cayaash ayaa kana tirsan ururka Xisbulaahi ee Libnaan ayaa loo haystaa inuu yahay ninkii ka dambeeyey dilkii loo gaystay R/W-rihii ee libnaan Rafiiq Al-Xariir bishii Febraay-2005-tii,mana jiro wax war ah eey soo saareen ururadda eey ka tirsan yihiin ragaan gaystay dilka Al-Xaririiri ee kala ah Xisbulaahi iyo Almutaqbal.

Bishii agoosto ee sannadkaan 2020-ka maxkamadda ayaa sheegtay in Saliim Cayaash yahay ninka lagu tuhmaayo inuu isaga yahay ninka soo dabiray qorshaha lagu khaarijiyey RW-Xariiri,Saleem ayaa horay uga tirsanaay ururka Xisbulaahi ee dalka libnaan,raga la tuhmaayo iney ka dambeeyeen dilka RW-Alxariiri ayaa kala ah Saleem Cayaash,Xasan Murci iyo Mustafa Badridiin,ragaan ayaa isticmaalaayey shabakad isgaarsiineed oo isku xireeysay si eey u fuliyaan dilka Xariiri oo loo adeegsaday baabuur xamuulka qaada oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo miisankooda lagu qiyaasay 2.5-tan,Saleem Cayaash iyo Mustafa ayey shaqadoodu ahayd la socodka dhaqdhaqaaqa Rw-Xariiri.XIGASHO ARAB21.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHAHADAD NOBEL EE QUUDINTA ADDUUNKA MA AHA…

1020181201149932.jpg

Tan iyo markii uu bilawday kacdoonkii sannadkii 2011-kii waxaa xukunka laga tuuray madaxweynayaal carbeed oo dalalkooda soo xukumaayey wax ka badan sodon sano,wadamadda xilka laga tuuray madaxweynayaashooda waxaa ka mid ah dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax waxaane hogaanka dalka yaman lagu wareejiyey ku xigeenkiisa Cabdurabu Mansuur Haadi waxaane soo wajahay culaysyo fara badan oo eey ka mid tahay weerarada Alqaacidda,gooni isu taaga koonfurta,musuqa,shaqa la’anta,cunto yari iyo sida laga yeelaayo saraakiishii ciidmadda ee daacadda u ahaay Cali Cabdalla Saalax.Xoogaga dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee loo yaqaano ANSAARA ALAAH oo ah koox diimeed Muslim-Shiica-Zaydii waane kuwa laga tira badan yahay waxayna ahaayeen kuwa dagaal kula jira xukuumaddii AUN-Cali Cabdalla waxayna fursad ka heleen dawladda tabarta daran ee madaxweyne Cabdurabu waxaane taageero u fidiyey Suniyiinta reer Yaman una suurtageliyey ineey qabsadaan Casimadda Sanca.

David Beasley waa agaasimaha fulinta ee hayadda cuntada adduunka ee qaramadda midoobay oo marka la soo gaabiyo loo qoro WFP ayaa yiri” SHAHAADO LAGU QAATO QUUDINTA ADDUUNKA MA AHA MID TITIRAYSO CEEBTA CARUURTA YAMAN KU GAAJOONAYSO,INAGU WAAN DHUMINAY DAGAALKII AAN GAAJADDA KULA JIRNAY TAASOO AAN HORAY U DHICIN IYO INAGOO INTA BADAN DHUMINAY LA DAGAALANKA GAAJADDA KA JIRTA DALKA YAMAN “ Hayadda cuntadda adduunka ee WFP ayaa ku guulasatay abaalmarinta nabadda ee loo yaqaano NOBEL PEACE PRIZE. XIGASHO GUARDIAN

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SENATARADDA MARAYKANKA OO IS HORTAAGAY IN…

Reaper-Drone-arms-sales-middle-east-congress.jpg

Dalalka Imaaraatka Carabta iyo Boqortooyadda Sacuudiga ayaa ah labada dal ee si aadka ah ugu dhaw maamulka madaxweyne Trump afartii sano ee la soo dhaafay marka loo fiiriyo lixda dal ee la isku yiraahdo wadamadda gacanka,waxaane afartii sano uu Trump ahaay madaxweynaha dalka Maraykanka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta waxa eey ahaayeen kuwa uu u meel maro dalabaadkooda la xiriira dhinaca horumarinta teknooloojiyadda ciidamadda waxaane taas ka dhalatay in dalka Imaaraatka Carabta uu Maraykanka ka dalbado diyaaradaha dagaalka oo loo yaqaano F-35 Jet iyo diyaaradaha aanuu duuliyaha wedin ee uu sameeyo Maraykanka ee loo yaqaano MQ-9 Reaper, arrintaan ayaa in muddo ah soo jiitamaysay go’aan ka gaarideeda.

Sida uu qoray wargayaska Guardian Senatarada Maraykanka oo dadaal badan geliyey sidii loo joojin lahaay in Madaxweyne Trump ka iibiyo dalka Imaaraatka Carabta diyaaradaha dagaalka ee casriga ee F-35 Jet iyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano MQ-9 Reaper, codayntii la sameeyey ayaa u dhacday: Marka hore waxaa cod loo qaaday diyaadaha dagaalka ee F-35 waxaa diiday 49-Senatar, waxaane ogolaatay 47-Senatar, waxaa dhacday codeeyn kale oo loo sameeyey diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee MQ-9 Reaper codayntii ayaana u dhacday sidaan: 50-Senatar waa eey diideen, 46-Senatar waa eey ogolaadeen, sidaas darteed Imaaraatka Carabta lagama iibin doono diyaaradahaas, waxaane maamulka soo socdo ee uu hogaaminaayo BIDEN oo aan jeclayn ineey taageeraan in Maraykanku ka iibiyo hub dalalka Kahliijka iyo ciidamadda Maraykanka taageeraan isbahaysiga la dagaalamaayo Xuutiyiinta yaman ee uu hogaamiyo Sacuudiga looga digay inuusan wax hub ka iibin dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta oo lagu eedeeyey ineey iyaga iyo Xuutiyiinta u sabab yihiin nolol xumadda iyo amni daradda ka jirta Yaman. Xigasho Guardian.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YAA KA DAMBEYEY DILKII CAALIMKII REER IIRAAN?

mohsen-fakhrizadeh-killing-iran.jpg

Wargays ku soo baxa luqadda Israa’aail ee Cibriga ayaa qoray in sirdoonka Israa’iil ee loo yaqaano(MOOSAAD) eey ugaarsanayeen caalimka reer Iraan Fakhrizadah tan iyo sannadkii 2008-dii, wargayska yaa sheegay in R/W-rihii hore ee Israa’iil Ihuud Almart uu ahay shaqsi si aad ah ugu dhaw madaxweynihii hore ee Maraykanka Joorji Buush(wiilka) waxa eeyna Moosaad ugaarsigeed si rasmi ah u bilawday April-2008-dii,waxa uuna R/W-almart u gudbiyey madaxweyne Buush cajalad laga duubay caalimka reer Iraan Fakhrizadah taasoo uu kaga hadlaayey sidii loo horumarin lahaay Nukliyaarka dalkaas iraan.

Sida uu kashifay wargayska” YADICOOL AXRONOOT” ee ku soo baxa luqadda Cibriga maanta oo Jimca ah sirdoonka Israa’iil Moosaad waxa uu horay u diyaariyey shirqoolkii lagu dili lahaay caalimka reer Iraan Fakhrizadah,waxaane caalimkaan la dilay jimcadii hore,wargayska ayan sheegay in Fakhrizadah ahaay qofka koowaad eey Moosaad raadinaysay taasoo soo bilaabatay sannadkii 2008-dii.

Fakhrizadah ayaa la dilay 27/11/2020-ka ka dib markii baabuurkii uu la socday lagu furay rasaas isaga oo maraayey meel u dhaw caasimadda dalka Iraan ee Tehraan,waxayne dawladda Iraan sheegtaY in dilka Fakhrizadah eey ka dambayso yuhuuda kana aargoosan doonaan waqtiga ku haboon,waxaane arrintaan ka dhashay in Maraykanka u diro markab dagaal bariga dhexe si uu gacan uga geeysto haddii eey dhacdo in Iraan ka aargoosato saaxibadda Maraykanka ee la deriska ah dalka Iraan. XIGASHO ALKHALEEJ ONLINE.

HALKAAN KA AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SAWIRQAADE SUURI AH OO LA JIRDILAY.

000_8W68KG.jpg

Ameer Al xalabi waa sawirqaade u dhashay dalka Suuriya una shaqeeyo wakaaladda wararka ee AFP ee dalka Faransiiska,sawirqaade Ameer ayaa waxaa dhibaato u geeystay ciidamadda ka hortaga rabshadaha ee dalka Faransiiska isaga oo sawir ka duubaayey banaan bax looga soo horjeedo go’aanka Amniga Sare.

Sawirqaade Ameer ayaa la hadlay wargayska Middle East eye kana soo baxa dalka Ingiriiska waxa uuna u sheegay in ciidamadda Faransiiska kuwooda ka hortaga rabsahadaha u geesteen dhibaato kana daawaceen wejiga,madaxda ciidamadda ka hortaga rabshadaha ee dalka Faransiiska ayaa bilaabay ineey baaraan wixii ka dhacay goobta lagu banaan baxaayey ka dib markii baraha bulsahadda la soo geliyey sawirka sawirqaade Ameer Al-xalabi oo wejigiisa dhiig ka da’aayo. XIGASHO MIDDLE EAST EYE.

HALKAAN KA AKHRISO

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SARKAAL KA TIRSAN CIA-DA MARAYKANKA OO LAGU DILAY…

2592.jpg

Sarkaal Maraykan ah kana tirsan CIA-da oo aan la sheegin magaciisa ayaa la dilay isaga iyo afar sarkaal oo soomaali ah ayagoo baacsanaayey nin ka mida dagaalyahanadda xagjirka ah ee alshabaab ka dib markii lagu qarxiyey baabuur eey ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Sarkaalkaan alshabaabka ah ayaa Maraykanku tuhmaa inuu ka dambeeyey amaba masuul ka ahaay weerar ka dhacay dalka Kenya sannadkii hore waxaane weerarkaas ku dhintay askeri Maraykan ah,weerarkaan eey qaadeen ciidamadada isbahaysiga ee soomaalida iyo Maraykanka ah ayaa waxa uu ka dhacay degaanka loo yaqaan GENDERSHE ee gobolka shabeeladda hoose. Xogta ku saabasan dhimashadda askeriga Maraykanka ah ayaa waxaa bixiyey sarkaal ka tirsan ciidamadda soomaalidda ee uu tababaro Maraykanka ee loo yaqaano Danab waxaane soo daabacay wargays ka soo baxa dalka Ingiriiska ee la yiraahdo THE GUARDIAN.

HALKAAN KA AKHRISO

Read More