65-QOFOOD OO LOO MAXKAMADEYNAAYO DAGALKII BEYRUUT.
(BEYRUUT):Garsoore reer Libnaan ah ayaa lixdan iyo shan(65)-qofood ku eedeeyey iska hor imaadkii bishaan ka dhacay magaladda caasimadda ah ee Beyruut,iska hor imaadkaas ayaa waxa ku dhintay lix qofood waxane ku dhaawacmay tobaneeyo kale sida maanta oo Isniin ah(25/10/2021)-ka ku warantay wakaaladda wararka u faafiso dalka Libnaan.
14-kii bishaan oktoobar-2021-ka ayey ahayd markii uu iska hor imaad ka dhacay koonfurta magaaladda Beyruut,iska hor imaadkaas ayaa ahaay kii ugu xumaay ee ka dhaca caasimadda Beyruut muddo sannada ah,iska hor imaad ayaa waxa uu ka bilawday ka dib markii uu ururka Xisbullaahi ee Shiicada ah eey sameeyeen banaabax looga soo horjeedo garsoore ka mida garsoorayaasha baaraayo qaraxii ka dhacay dekadda Beyruut 4/8/2020kii qaraxaasoo eey ku dhinteen dad gaaraayo seddex boqol oo qofood kuna dhaawcmeen tiro intaas ka badan,sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku burburtay hanti aad u fara badan oo dadkii iska lahaay aan weli la siin wax magdhaw ah,Xisbullaahi waxa eey wadao ayaa ah is-hortaag baaritaanka qaraxa Beyruut si aan loo maxkamadeey kuwii ka dambeeyey.XIGASHO WAKAALADAHA.