KUWEYT OO MASUULIYIIN LAGU XUKUMAY.
(KUWEEYT):Dalka Kuweeyt maxkamada sare ee racfaanka ayaa waxay xukun todobo sano ah ku riday xildhibaan reer Bangaaladeesh ah iyo inuu bixiyo lacag ganaax ah oo dhan(2.7)-milyan oo diinaarka Kuweyt ah,sababta xildhibaankaan reer Bangaaladeesh loogu xukumay xukunkaan adag ayaa ah inuu dad reer bangaaladeesh ah si aan sharci ahayn ku keenay dalka kuweeyt isagoo kashanaayo masuuliyiin reer Kuweeyt ah,dacwadaan ayaa soo socotay in muddo ah gudaha dalka Kuweyt.Sidoo kale maxkamadda ayaa xukun dhan todobo sano waxa eey ku riday Gashaanle Sare Maazen kana dhashay qoyska xukuma dalka Kuweyt ka dib markii uu qeyb ka qaatay keenidda dadkaan sharci darada ah reer Bangaaladeesh isagoo ka tirsanaay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kuweyt,waxaa kalo isna xukun uu ku dhacay agaasime ka tirsan wasaaradda shaqada dalka kuweyt lana yiraahdo Xasan Khadar,labadaan masuul ayaa laga qaaday masuuloiyadii eey u haayeen dalka kuweyt.xildhibaan hore oo reer Kuweyt ah Saalax lugna ku leh arrintaan ayaa isagana lagu xukumay todob sano oo xarig ah iyo ganaax dhan todob boqol iyo afartan(740,000)-kun oo diinaarka kuweyt ah.ISHA GULF NEWS.