WEERAR ASKAR LAGU DILAY OO KA DHACAY…
BABAL YAMAN.
(YEMAN)-Wararka ka imaanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in laba askeri kana tirsan ciidamadda dalka Yeman lagu dilay weerar jid gal ah ayagoo la socdeen kolonyo Qaramadda Midoobay ah bariga dalka Yeman, sidaas waxaa sheegtay Qaramada Midoobe maanta oo Sabti ah. Marka loo fiiriyo qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay xafiiskeeda u qaabilsan arrimaha muhaajiriinta haweeneyda afhayeenka u ah ayaa tiri”Waxaa dhintay laba askeri ayagoo gelbinaayo kolonyo Qaramada Midoobay ah oo u safraayey Galbeedka dalka Yeman,kolonyada ayaa ka soo baxday caasimadda Gobolka Xadarmuut ee Seyuun kuna socotay gobolka Ma’arib mana jirto cid kale oo wax ku noqotay weerarkaas gaadmada ahaay”.
ISHA WARKA AP.