MARAYKANKA OO KORDHIYEY 30% WEERARADA ALSHABAAB.
CIIDAMADA SOOMAALIYA.
(SOMALIA)-Weerarada cirka ah ey qaadaan diyaaradaha aan duuliyaha wedin(Drones) ee dalka Maraykanka gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ey korortay 30% sannadkii 2022-kii ka dib markii Madaxweyne Biden uu kordhiyey doorka ey ciidamadda Maraykanka ku leeyihiin la dagaalanka Argagixisada ee wadamadda Geeska Afrika gaar ahaan weerada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.Sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka waxa ey diyaaradaha Drones-ka ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya 15-weear oo cirka ah sannadkii-2022kii,weerarada ayaa lala beegsaday kooxda Alshabaab ee xiriirka la leh kooxda Aragagixisada Al-Qaacdidda,Ciidamada AFRICOM ayaa sheegay in weeradaas lagu dilay 107-dagaalyahan oo Alshabaab ah.
ISHA WARKA MEE.