CIIDAMADA DAWLADDA SUURIYA OO WEERARAY..
BURBURKI KA DHASHAY WEERARKII MAANTA.
(SYRIA)-Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday maanta oo Arbaca ah ka dib markii weerar lagu qaaday goob ey dad degan yihiin,waxaane weerarka qaaday ciidamada dawladda uu hogaamiyo Madaxweyne Bashaar Al-asad eyna wehliyaan kooxda argagixisada ah ey taageerto dawladda Iraan,weerarkaan dhacay maanta ayaa xadgud ku ah xabad joojintii laga gaaray Idlib sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha Suuriya. Weeararka ayaa lagu bartilmaameedsaday tuulada Bara waxaane soo weeraray ciidamada dawladda Suuriya ee fadhigoodu yahay Kafra Nabi ee Waqooyi-Bari Suuriya.
ISHA WARKA AA.