CIIDAMADDA BADDA EE FARANSIISKA OO QABTAY…
SAWIRKA HUBKII LA QABTAY.
(PARIS)-In mudda ahba waxaa badda carbeed ka hawlgelaayey ciidamo isku dhaf ah kana kala socdo Midawga Yurub iyo Maraykanka,ciidamadaan ayaa ujeedkii loo keenay ahayd ineey la dgalaamaan Burcad badeeda ka dilaacday xeebaha dalka Soomaaliya kuwaaso gaystay dhibaatooyin fara badan oo taabtay dhinacyo kala gedisan,hadaba markab uu leeyahay dalka Faransiiska qeybna ka ah ciidamadda Midawga Yurub ee ilaalada ka ah Gacanka Cumaan ayaa bishii Janaay-2023-ka waxa ey gacanta ku dhigeen kumanaan hub ah una badan Ak47 iyo gantaalada lagu gubo Taangiyadda . Hubkaan la qabtay ayaa la sheegay inuu ka yimid dalka Iraan kuna socday xoogaga Xuutiyiinta ee dalka Yeman kuwaaso gacan saar buuxa la leh dalka Iraan,sidaas waxaa maanta oo Khamiis ah sheegay masuuliyiinta ciidamadda Badda ee dalka Faransiiska.
ISHA WARKA AP.