MASAR OO SOO GASHAY DAGAALKA SUUDAAN.

CAASIMADDA DALKA SUDAN EE KHARTUM.

(QAHIRA)-Sida uu qoray Wargayska Wall Street Journal ee dalka Maraykanka maanta oo Arbaca ah(19/4/23)-ka Jeneraalka reer Libiya ee Khalifa Xaftar ayaa hub u diray hogaamiyaha dagaalka kula jiro ciidamadda dalka Sudan Maxamed Xamdan Duqlo(xumaydeyt) halka ciidamada dalka Sudan ey iyagana hub ka heleen dalka Masar si ey isaga difaacaan weerarad kaga imaanayo xoogaga Xumaydeyt. Wargayska oo soo xiganaayo ila wareedyo aan la sheegin magacyadooda ayaa sheegay in Gen.Xaftar oo ka taliya bariga dalka Libiya uu ugu yaraan hal diyaarad oo hub ah uu u diray xoogaga Xumaydeyt 16-kii bishaan Abriil-2023-ka,waxa eyna ciidamada dalka Sudan sheegeen isla maalintaas 16-ka Abriil in ciidamadda Xumaydeyt ey soo buux dhaafiyeen saldhiga ciidamadda cirka si ey u ilaaliyaan diyaaradda hubka u sida kana timid dalka Libiya.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

78-QOFOOD OO KU DHIMATAY DALKA YEMAN.

Next
Next

HAYADAHA AMAANKA LIBIYA OO WEERARAY…