350-QOFOOD OO LAGA SOO DAAD GUREYEY SUDAN.
DAGAALKA DALKA SUDAN.
(NEW YORK)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa gudaha dalka Sudan waxa uu ka soo daad-gureeyey dad gaarayo ilaa 350-qofood ey ku jiraan mawaadiniin u dhalatay dalka Sacuudiga iyo mawaadiniin u kala dhalatay 26-dal kuwaaso uu dagaalku ku qabsaday caasimadda Khartuum,dagaalka dalka Sudan ayaa ah mid u dhexeeyo ciidamadda dawladda Sudan iyo ciidamadda gurmadka deg dega ah. Guud ahaan dadka uu sacuudigu soo daad gureeyey ayaa gaarayo 356-qofood kuwaaso 101-qofood ka mida ey yihiin kuwa u dhashay dalka Sacuudiga waxa eyna dadkaasi soo gaareen magaala xeebeedka Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga sidaas waxaa qoraal uu soo saaray ku qoray bartiisa Twitter-ka Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Sacuudiga Faysal in Farhan Al-saud shalay oo Isniin ahayd. Dadka uu Sacuudiga soo daadgureyey ayaa u kala dhashay{Maraykan,Ingiriis,Sweden,Talyaani,Hooland,Turki,Qadar,Suuriya,Ciraaq,Libnaan,Libiya iyo Tanzaniya}.
ISHA WARKA AA.