XUJAAYDA UK OO HOOS LOO DHIGAY..
XAJKA SANNADKAAN.
(UK)-Muslimiinta dalka Ingiriiska ayaa laga yaabaa iney sugaan toban sano si ey u aadaan Xajka waayo waxaa jirto hoos u dhigid aad u sareyso oo xaga tirada ah goobaha diyaar u ah in lagu cibaadeysto dadka ka imaanaayo UK sidaas waxaa qoray wargayska Middle East Eye(MEE). Nidaamka ey soo saartay Wasaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa xadiday goobaha ey degayaan Xujaayda UK ee sannadkan-2023-ka waxaane hoos aad loogu dhigay tirada Xujaayda UK waxaane laga dhigay ilaa 3,600 Xaaji halkii ey horay uga ahaayeen 25.000-Xaaji sannadkii ka hor waqtigii uu jiray Covid-19-ka.
ISHA WARKA MEE.