XAALADDA CARUURTA YEMAN OO LAGA…
(SAWIRKA)NAFAQA DARIDA HAYSATA CARUURTA YEMAN.
(YEMAN)-Marka laga hadlaayo xaaladda dalka Yeman waxaa dhab ah inaan soo xusuusaneyno sida uu dalkaasi ahaay waqtigii ey gaajada ba’an ka jirtay dalka Soomaaliya sannadkii 2011-kii,dalka Yeman waxaa ka dhacay welina ka jiro dagaal u dhexeeyo Xoogaga XUUTIYIINTA iyo Ciidamadda Dawladda Yeman,dagaalkaan daba dheeraaday ayaa waxa uu sababay iney istaagaan dhammaan mucaawinooyinkii Imaan jiray dalka Yeman arrintaas ayaa waxaa ka dhashay in Nus malyuun caruur reer Yeman ah kuna sugan dhulka ey maamusho Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ey soo wajahday Nafaqo dari ba’an sannadkan 2023-ka sidaas waxaa ka digtay Qaramada Midoobe. “Nafaqa darida ba’an oo sii socoto ayaa isu bedeli karta mid ka sii liidata heerka ey hadda joogto gobolada Koonfureed ee dalka Yeman sida la qiyaasay sannadkan-2023-ka,Nus milyan caruur ah ayey asiibtay Nafaqo dari ba’an eyna ka mid yihiin 100-kun oo caruur ah ey hayso Nafaqo dari kala duwan’ sidaas waxaa lagu qoray qoraal ka soo baxay hayadaha kala ah”UNICEF,WFP,FAO iyo WFP”.
ISHA WARKA ARABIC.