Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO WAR KA SOO SAARAY DAGAALKA DALKA SUDAN.

(SAWIRKA CALANKA DALKA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Dalka Sudan waxaa weli ka socdo dagaalka u dhexeeyo ciidamada dawladda Sudan(SAF) iyo Xoogaga Gargaarka deg dega ah(RSF),dagaalkan ayaa soo bilawday 15/4/23-ka waxa uuna hadda maraa bishiisii shanaad aan kala go’o lahayn,waxaane dagaalka dalka Sudan ku dhintay,kuna dhaawacmay kuna barakacay dad aad u fara badan mana muuqato natiijo la dhihi waa uu ku joogsanayaa dagaalka ka socdo dalka Sudan,hadaba afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Mathew Miller ayaa sheegay in dalka Maraykanka uusan indhaha ka qabsan karin weerarada lagu qaadayo goobaha ey degan yihiin dadka shacabka ah sida weeraradii lagu qaaday Koonfurta Daarfuur,Kharuum iyo Koonfurta Koordufaan. Ciidamada dawladda Sudan iyo kuwa Gargaarka deg dega ah ayaa qaaday weeraro dhan toban weerar bilihii Agoosto iyo Sebtembar-2023-ka waxaane weeradaasi ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 70-qofood oo shacab ah waxaane ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

FARANSA OO TARXIISHAY GABAR LAGA KEENAY SURIYA.

(SAWIRKA)XABSI ISIS.

(PARIS)-Dalka Faransiiska ayaa u tarxiilay dalka Aljeeriya gabar haysata dhalashadiisa taaso asal ahaan ka soo jeedo dalka Aljeeriya ka dib markii gabadhaan laga soo celiyey dalka Suriya halkaaso ey ku guursatay nin ka tirsan kooxda laga adkaaday ee Daacish kana dagaalamaysay dhulka u dhexeeyo wadamada Suriya iyo Ciraaq. Gebertaan uu Faransiisku u tarxiilay dalka Aljeeriya ayaa lagu magacaabaa Sana waane 24-jir waxa eyna dhashay laba gabdhood,Sana ayaa ku dhalatay kuna barbaartay dalka Faransiiska balse aslkeed ayaa ahaay dalka Aljeeriya, Warbaahinta ayaa sheegtay in Sana ku soo biirtay kooxda Daacish ayadoo da’a yar(16/19)-jir waxa eyna magaaladda Raqqa ee dalka Suriya ku guursatay nin ka yimid dalka Biljam kana tirsan dagaalyahanada Daacish.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA: DIYARADAHA ISRA’IIL OO LABA JEER WEERARAY SURIYA.

(SAWIRKA)-GOOBAHA EY WEERAREEN DIYAARADAHA DAGAALKA ISRAA’IIL GUDAHA DALKA SURIYA.

(SYRIA)-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Israa’iil ayaa weerar cusub oo dhinaca cirka ah waxa ey ku qaadeen saldhig ku yaalo Xumaat saacado uun ka dib weerar ey la beegsadeen saldhiga ciidamadda ee Dhardhuus,weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay laba askeri waxaane ku dhaawacmay mid kale,askartaan ayaa dhammaantood waxa ey wada tirsan yihiin ciidamadda dawaladda Suriya. Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suriya ee SANA oo soo xiganaysa ilo wareed ciidan ayaa tiri”Abaarihii (22:40)-fiidnimo waqtiga Suriya ayey diyaaradaha cadawga Israa’iil soo weerareen dhulka Suriya jihada Waqooyiga dalka Libnaan ayagoo beegsaday bar koontarool una dhaw Xumaat”,weerarkaan cidi kuma dhiman balse hanti ayaa ku burburtay,ilo wareedyo ey leeyihiin kooxo u doodada xuquuqda dadka reer Suriya ayaa sheegay in weerarka ey qaadeen diyaaradaha Israa’iil lala beegsaday xarun lagu sameeyo baaris cilmiyeedyada kuna taalo buurta tuulada Taqsiis ee baadiyaha Xumaat.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBIYA:DHIMASHADA WAA 6-KUN OO QOFOOD.

(SAWIRKA)-BURBURKI EY GAYSTEEN DABAYSHI DANIEL IYO BIYIHI KA SO FATAHAY BIYA XIREENKA DARNA’A.

(TRIPOLI)-Xogaha laga helaayo dalkaasi Libiya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Golaha Sare ee dalka Libiya Maxamed AL-Manfi iyo Reysal Wasaare C/xamiid Dabibah ey si wadajir ah u amreen in baaris deg deg ah oo dhammaystiran in lagu sameeyo sababta keentay inuu soo dumo Biya Xireenka Darna’a ee ku yaalo bariga dalka Libiya waqtigii ey socotay dabaysha”Daniel”ee xooga badneed,sida laga soo xigtay labada masuul maanta oo Arbaca ah(13/9/23)-ka. Wasiirka caafimaadka dalka Libiya Sacad C/wakiil ayaa sheegay in dadka geeryooday ey gaarayaan ilaa 6-kun oo qofood halka dadka la la’ayahay ey gaarayaan ilaa kumanaan qofood,welina waxaa socdo qoritaanka dadka dhintay iyo kuwa la la’ayahay.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR: SHEEKH XABSI KU JIRA OO U HANJABAY AL-SIISI.

(SAWIRKA)-AL-SHEEKH MAXAMUUD SHACBAAN.

(QAHIRA)-Cali Xuseen AL-Mahdi waa nin reer Masar ah una dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka gaar ahaan tan Masriyiinta u xiran dawladda uu hogaamiyo C/fataax AL-siisi, AL-Mahdi ayaa ku nool dalka Maraykanka waxa uuna maanta oo Arbaca ah(13/9/23)-ka bartiisa Youtub-ka soo dhigay xogtii seddexaad oo qarsoodi ah kuna saabsan maxaabiista ku xiran Xabsiga Badr ee caasimadda Qaahira,maxaabiistaan ayaa u badan dad taageersan Madaxweynihii lagu soo doortay si Dimuqaraadiyada AUN-Maxamed AL-Mursi kana mid ahaay Xisbiga AL-Ikhwaan AL-Muslimiin ee dalka Masar, waxaane AL-Mahdi Video-giisa laga arkaayey AL-Sheekh Maxamuud Shacbaan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBIYA: DADKA KU DHINTAY DABAYSHA DANIEL OO SII KORDHAY.

(SAWIRKA)MEYDADKI LAGA SOO SAARAY DHISMAYAASHA HOOSTOODA DALKA LIBIYA.

(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo dalka Libiya ayaa sheegaayo in halkaasi ey jirto xaalad bani’adanimo oo aad u liidato ka dib markii ey halkaasi ku dhufatay Dabaysha DANIEL oo ey la socdeen roobab mahiigaan ah,inta badan dabaysha iyo roobabka ayaa waxa ey ka dheceen Dara’a iyo bariga dalka Libiya. Tirada dadka ku dhintay dabaysha Daniel iyo roobabaka ka da’ay Libiya ayaa ilaa hadda gaaraayo in ka badan 10-kun qofood,waxaane hadda adag in isbitaalo loo helo dadka ku soo dhaawacmay dabaysha Daniel waayo waxaa burburay dhismayaashii adeega caafimaadka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

10-KUN QOFOOD OO LAGU LA’AYAHAY DALKA LIBIYA.

(SAWIRKA)-BIYAHA FADHIYA CAASIMADDA LIBIYA EE TRIPOLI.

(TRIPOLI)-Kumanaan qofood ayaa la soo sheegayaa in lagu la’ayahay gudaha dalka Libiya ka dib markii dalka libiya ey ku dhufatay dabaysha loo yaqaano ”DANIEL” oo wadata roobab mahiigaan ah,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah(12/9/23)-ka sheegay Ururka Laanqeerta Cas ee Adduunka(ICRC).”Waxa aan xaqiijinayaa in ila wareedyo madax banaan inagu soo wargeliyeen in tirada dadka lagu la’ayahay gudaha dalka Libiya ey dhan tahay 10-kun qofood sidaas waxaa warbaahinta la wadaagay Tamir Ramadaan madaxa Ururka Laanqeerta Cas(ICRC)-da ee dalka Libiya. Ramadaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “In tirada dhimashada tahay mid aad u culus eyna gaareyso kumanaan”mar uu Tamir khadka Viedo-ga kula hadlaayey Warfidiyeeno jooga Geneva isagoo ku suga dalka Tunisiya ee deriska la ah dalka Libiya.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO ARDAYDA U DIIDAY INEY XIRTAAN NIQAABKA.

(SAWIRKA)-NIQAABKA OO LAGA JOOJIYEY DALKA MASAR.

(QAHIRA)-Wararka ka imaanayo dalka Masar ayaa sheegaayo in xukuumadda Masar ey ku dhawaaqday iney mamnuucday xirashada Fool-Shareer(Niqaab) in loo qaato dugsiyadda dalka Masar oo dhan marka laga bilaabo teeramka soo socdo kaaso bilaaban doono 30/9/23-ka. Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Rida’a Xigaazi ayaa arrinkaas ku dhawaaqay shalay oo Isniin ahayd(11/9/23)-ka waxa uuna intaas raaciyey Wasiir Xigaazi in ardaydu xaq u leedahay iney iyagu kala doortaan iney xirtaan iyo iney iska dhaafaan Masarka la saarto Madaxa,waxaase waajib ah ayuu yiri Wasiir Xigaazi ineysan daboolin wjigooda,sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in waalidiinta dhashay caruurta dhigata dugsiyada dalka Masar iney ogaadaan waxa ey caruurtooda u doorayaan iyo iney waajib ku tahay waaldiinta iney ogaadaan iney u madax banaan yihiin ayagoo uusan cadaadis meel kale uga imaan.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBNAAN: 10-QOFOOD OO KU DHIMATAY DAGAAL KA DHACAY XERADA…

(SAWIRKA)-XERADA CEYNUL XILWE EE UU DAGAALKU KA SOCDO.

(BEIRUT)_Waxaa soo cusboonaaday dagaalkii u dhexeeyey kooxaha reer Falastiin ee ku dagaalamayey Xerada Qaxootiga ee Ceynul Xilwe ee Koonfurta dalka Libnaan ka dib markii ey maanta halkaasi soo gaareen saraakil sare oo ka socootay reer Falastiin si ey u joojiyaan dagaalkii sii fidaayo uuna ku daadanaayo dhiiga faraha badan. Xerada Qaxootiga ee Ceynul Xilwe ayaa dagaalku ka soo bilawday bishii Luuliyo-23-ka waxa uuna dagaalka Xerada Ceynul Xilwe u dhexeeyaa kooxaha AL-Fatax ee Jabhada Xureynta reer Falastiin(PLO) iyo kooxo is biirsaday oo Islaamiyiin ah kana soo kala jeedo Xamaas iyo Jihaad AL-Islaami.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR: DUMAR LOO KORDHIYEY XABSIGA.

(SAWIRKA) MAXAABIISTA DALKA MASAR.

(QAHIRA)-Hayadaha Amniga iyo kuwa Garsoorka dalka Masar ayaa shalay oo Axad ahayd(10/9/23)-ka waxa ey cusboneysiiyeen mudada xabsiga lagu sii haaynayo dumar kale gedisan kuwaaso kuwada edeysan iney si wadajir ah u kaalmeyeen Argagixisada,waxaane dumarkaan xabsiga lagu sii haayn doonaa muddo dhan shan iyo toban maalmood oo kale. Dumarkaan maxaabiista ah ayaan la shaacin kuwa ey yihiin intooda badan,waxa eyna dumarkaan bilo ka sameeyen/abuureen koox la magac baxday “Kooxdii Kushiinka”,dumarkaan si iskood ah waxa ey isugu xilqaameen iney cunto u kariyaan una geeyaan dadka u xiran Siyaasadda iyo kuwa caanka ka ah baraha bulshada,sidaas waxaa laga soo xigtay Wargayska The New Arab kana soo baxa dalka Ingiriiska caasimadiisa ee London.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL DIB UGA QARXAY XERADA CEYNUL XILWE.

(SAWIRKA)-DAGAALKA XERADA CEYNUL XILWE EE LIBNAAN.

(BEIRUT)-Dagaal culus ayaa dib uga bilawday Xerada Qaxootiga dadka reer Falastiin ee Ceynul Xilwe kuna taalo gudaha dalka Libnaan,dagaalkan soo cusboonaaday ayaa waxaa ku naf waayey shan qofood waxaane ku dhaawacmay dad gaarayo ilaa 52-qofood oo kale,dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa dagaalyahano ka kala tirsan Xarakada Fatxi ee jabhada PLO iyo koox isku magacawday AL-shabaab Almuslimiin kana tirsan Xarakada Xamaas. Dagaalka ugu culus ayaa waxa uu ka dhacay Ra’asul Axmar,dhiiri,Tacmiir,iyo dhawaara’a,sida laga soo xigtay isbitaalka AL-Hashmari kuna yaalo Sayd AL-Riyad Abu Ceyneyn,dagaalka ayaa sida la sheegay soo bilawday Khamiistii la soo dhaafay,waxaane kor u kacday tirada dhaawaca ah oo ahayd 35-qofood ayaa hadda gaartay ilaa 52-qofood halka dhimashada ey dhan tahay 5-qofood,waxaane xal xabad joojin ku meel gaar ah la gaaray maalintii Jimcaha waxaane xalkaasi wada gaaray Xarkada Xamaas iyo Xarakada Fatxi ee jabhada PLO.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUDAN: WEERAR EY KU DHINTEEN 40-QOFOOD OO…

(SAWIRKA)-WEERAKII CIRKA EE KHARTUUM.

(SUDAN)-Dalka Sudan waxa weli ka socdo dagaalkii u dhexeeyey kooxaha iska soo horjeeda ee kala Ciidamadda Militeriga dalka Sudan iyo Xoogaga Gargaarka Degdega ah,labadaan kooxood ayaa waxaa kala hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada Militeriga Sudan Burhaani iyo Taliye Xumaydeyti. Ugu yaraan afartan qofood ayaa lagu dilay waxaane lagu dhaawaca tiro tobaneeya ah ka dib markii weerar dhinaca cirka ah lagu qaaday Suuq ku yaalo caasimadda Khartuum koonfurteeda,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay kooxo iskooda isu hawlgeliyey maanta oo Axad ah(10/9/23)-ka,weerarkaan ayaa ah mid ey ku dhinteen dadkii ugu tirada badnaay tan iyo markii uu bilawday dagaalka dalka Sudan 15/4/23-ka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LIBIYA EY KA DE’EEN ROOBAB XOOGAN.

(SAWIRKA)-BIYA FADHIYA CAASIMADDA LIBIYA EE TRIPOLI.

(TRIPOLI)-Wararka ka imaanayo dalka Libiya caasimadiisa Tripoli ayaa sheegaayo in hareeraha caasimadda Tripoli iyo mgaalooyinka dhaca Galbeedka dalka libiya ayaa waxaa ka da’ay roobab aad u xoogan kuwaaso sababay iney soo rogmadaan daadad dhibaato u gaystay dad shacab ah,marka laga soo bilaabo maalintii Jimcada ey bishaan Sebtembar ahayd sideeda 8/9/23)-ka roobabka ayaa si is daba jooga ah uga da’aayey dakaasi Libiya. Roobabka oo ahaay kuwa xoogan wartayne dabaylo ayaa sababay iney biya fara badan fariistaan caasimadda Tripoli iyo degaanada ku hareeraysan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO KA CAROOTAY ITOOBIYA OO…

(SAWIRKA)-BIYA XIREENKA DALKA ITOOBIYA.

(QAHIRA)-Weli waxa aan xal kama dambays ah aan laga gaarin khilaafka ka taagan biya xireenka dalka Itoobiya,waxaane sii kordheysa is eedeynta u dhexeyso wadamadda isku haysto biyaha Wabiga Niil ee kala ah Masar,Sudan iyo Itoobiya,hadaba dalka Masar ayaa maanta oo Axad ah(10/9/23)-ka sheegay in dalka Itoobiya ku dhaqaaqay inuu si dhammaystiran u buuxiyo haanta keydka biyaha ee afaraad ee biya xireenka dalka Itoobiya,qof u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa yiri”Tani waa xadgudub cusub ayadoo ey socdaan wada hadalo”,Ugu dambayntii qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar ayaa lagu yiri”Waa xadgudub sheegidda maanta oo Axad ah in la dhammaystiray buuxinta haantii afaraad ee keydka biya xireenka Itoobiya”. Wasaaradda ayaa hadalkeedii sii raacisay “Buuxintu waxa ey ka socotaa dhinaca dalka Itoobiya si joogta ah,waane mid xadgudub ku ah mabaadii’idii ey wada saxiixeen dalaka Masar,Sudan iyo Itoobiya”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SACUUD CARABIYA OO KORDHISAY DILKA TOOGASHADA AH.

(SAWIRKA)-BANAANBAX LOOGA SOO HORJEEDO DILALKA SACUUDIGA.

(RIYAD)-Sida aan la wada socon dalka Boqortooyada Sacuudiga waxaa ka jiro xukun adag oo dhammaadkiisu yahay dil toogasha ah,dadka dilka lagu xukumo gudaha Sacuudiga ayaa intooda badan ah dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada ah,dadkaan ayaa toogasho laga xukumaa haddii ey sameeyaan banaanbax laguna eedeyaa iney dileen askarta Boqortooyada Sacuudiga amaba iney yihiin kuwa u adeegaayo Argagixisada caalamiga ah,hadaba tirada dilka toogashada ah ey fulisay Xukuumadda Sacuudiga sannadkan-2023-ka ayaa kor u dhaafeyso ilaa boqolaal qofood sida laga soo xigtay hayadda u dooda Xuquuqda dadka ee loo yaqaano Amnesty International,hayadaan ayaa tabasho waxa ey ka qabtaa xukunada dilka ah ee laga isticmaalo gudaha dalka Sacuudiga,arrintaan ayaa xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah. Tirada dilalka toogashada ah ee la fuliyey sannadkii-2022-kii ayaa ka yar 196-dil,si kastaba ha ahaatee,waxaa weli laba laab ah tirada uu dalka Sacuudiga uu ogolaaday in la toogto marka loo fiiriyo tiradii sannadkii-2021-kii.

ISHA/ME.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

4.5-MILYAN AYAA KU BARAKACDAY GUDAHA YEMAN.

(SAWIRKA)-BARAKACAAYSHA YEMAN.

(YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamadda Carbeed ey ka jiraan dagaalo sokeeye iyo mid siyaasadeedba,Yeman ayaa hadda waxaa ka dhisan seddex hogaan siyaasadeed kalana degan Cadan iyo Sanca mid walba oo ka midane isaga ayaa isu haysto inuu yahay hogaanka saxda ah eyna tahay in looga dambeeyo hogaanka dalka Yeman. 2014-kii markii ey Xuutiyiintu xoog kula wareegeen magaaladda Caasimadda ah ee Sanca dileena Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayuu dalka Yeman u kala go’ay laba qeybood oo kala ah Koonfur iyo Waqooyi siduu ahaan jiray ka hor inta aan dalku midoobin 22/5/1990-kii lana bixin magaca ah Jamhuuriya AL-Yeman. Dagaalka Xuutiyiinta ayaa sababay in shacab badan ka barakacaan guryahooda kuwaaso u badan Waqooyiga iyo Bartamaha dalka,waxaane la soo sheegaa in tirada barakacayasha gudaha dalka Yeman ey gaareyso 4.5-Milyan qofood una badan haween iyo caruur.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAXRAYN: MAXAABIIS KA SOONTAY CUNTADA.

(SAWIRKA)-MARYAN AL-KHAWAAJA.

(LONDON)-Gabar uu dhalay nin muddo dheer xiran dawladda Baxrayn una dhaqdhaqaaqo xuquuqd dadka gudaha dalka Baxrayn ayaa sheegtay iney dib ugu laaban doonto dalka Baxrayn si ey xabsiga uga soo deyso aabaheed iyo boqolaal kale oo maxaabiis ah una wada xiran dawaladda Baxrayn maanta oo Khamiis ah(7/9/23)-ka,maxaabiista uu ka mid yahay aabaheed ayaa ka soomay cuntada waxa eyna gabadhaan ku fekeraysaa iney ayadana xabsiga gasho haddii ey awoodi kari weyso in la siiyo daayo aabaheed iyo dadka kale ee u xiran dawladda Baxrayn. Maryam AL-khawaaja oo ayadana u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda dadka ayaa waxaa aabe u Cabdulhadi Al-khawaaja oo ah nin oday ah jirane 62-sano una xiran dawladda Baxrayn,Cabdulhadi AL-khawaaja ayaa ah nin haysto dhalashada dalka Denmark waxa uuna mudoo bil ah ka soomanaay cuntada isag oo xabsiga ku jiro.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXII HORE EE MOSSAD OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-TAMIR PARDO IYO NETENYAHU.

(TEL AVIV)-Madaxii hore ee hayada sirdoonka dalka Israa’iil(Mossad) Tamir Pardo ayaa qiray in dalka Israa’iil yahay mid ku dhaqmo midab kala sooc waxa uuna gooni yeelaa dadka reer Falastiin ee degan Daanta Galbeed,Tamir ayaa yiri”Halkaan(Isra’iil) waxaa ka jirto dawlad cunsuruyeysa shacabka reer Falastiin waane in loo maxkamadeeyaa laba qofood sida nidaamka sharciga ah uu yahay”. Arrintaan ayaa waxaa horay uga hadlay hayadaha u dooda xuquuqda dadka ee kala ah Human Rights Watch iyo Amnesty International waxa eyna hayadahaan sheegeen in gudaha dalka Israa’iil ey ka jirto midab kala sooc taaso lagula kacaay dadka reer Falastiin ee dhulkooda ey Israa’iil xooga ku degan tahay.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MUSLIMIINTA FARANSA IYO SIYAASADDA.

(SAWIRKA)-ARDAYDA FARANSA.

(PARIS)-Dalka Faransiika waxa uu ka mid yahay wadamada Qaaradda Yurub ey ku nool yihiin Muslimiin fara badan kuwaaso intooda badan ka soo jeedo Qaaradda Afrika iyo Bariga dhexe,dalka Faransiiska ma aha dal la mida wadamadda Yurub ey ka wada tirsan yihiin Qaraada Yurub waxa uuna leeyahay dhaqamo u gaar ah oo lagu garto dadka ka soo jeedo dalka Faransiiska. Musliniinta ku nool Faransiiska ayaa hadda waxaa soo food saartay arrin leh saameynteed taaso ah in dugsiyadda ey maamusho xukuumadda Faransiiska in laga mamnuucay in gabdhaha Muslimiinta ah ey xirtaan cabaayadaha waqtiga ey imaanayaan dugsiga,arrintaan ayaa dhalisay buuq aad weyn soona jiidatay indhaha caalamka waxaane loo fasirtay iney tahay arrin lagu cunsuriyeynayo dadka Muslimiinta ah ee ku sugan gudaha dalka Faransiiska.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAYO….

(SAWIRKA)-SAFIIRADDA MARAYKANKA U JOOGTA QM LINDA THOMAS-GREENFIELD.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu cunaqabateyn saaro ku xigeenka Hogaamiyaha Xoogaga Gargaarka deg dega ah(RSF) ee dalka Sudan sabab la xiriirto ku xadgudubka Xuquuqda dadka. Maalmaha soo socdo ayaa la filaa iney ku dhawaaqdo cunaqabateynta Safiiradda dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobe Amb.Linda Thomas-Greenfield ka dib markii ey safar gaaban ku tagtay caasimadda dalka Jaad ee Injamayna maanta oo oo Arbaca ah(6/9/23)-ka. Talaabadaan ayaa looga danleeyahay in C/raxmaan Daglo oo la dhashay Hogaamiyaha Xoogaga Gargaarka deg dega ah Maxamed Xamdaan Daglo loona yaqaano”Xumaydeyti”in lagu soo rogo cunaqabateyn aan la sheegin ilaa hadda nuuca ey tahay,isla cunaqabateyntaan ayaa sameyn doonto madaxa Xoogaga Gargaarka deg dega ah ee Galbeedka Daarfuur C/raxmaan Jumca waayo C/raxmaan Jumca ayaa xabsiga waxa uu u taxaabay Gudoomiyihii Gobolka Galbeedka Daarfuur Khamiis Cabdallah Abakar taariikhdu markeey ahayd 15/6/23-ka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Read More