SURIYA: DIYARADAHA ISRA’IIL OO LABA JEER WEERARAY SURIYA.
(SAWIRKA)-GOOBAHA EY WEERAREEN DIYAARADAHA DAGAALKA ISRAA’IIL GUDAHA DALKA SURIYA.
(SYRIA)-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Israa’iil ayaa weerar cusub oo dhinaca cirka ah waxa ey ku qaadeen saldhig ku yaalo Xumaat saacado uun ka dib weerar ey la beegsadeen saldhiga ciidamadda ee Dhardhuus,weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay laba askeri waxaane ku dhaawacmay mid kale,askartaan ayaa dhammaantood waxa ey wada tirsan yihiin ciidamadda dawaladda Suriya. Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suriya ee SANA oo soo xiganaysa ilo wareed ciidan ayaa tiri”Abaarihii (22:40)-fiidnimo waqtiga Suriya ayey diyaaradaha cadawga Israa’iil soo weerareen dhulka Suriya jihada Waqooyiga dalka Libnaan ayagoo beegsaday bar koontarool una dhaw Xumaat”,weerarkaan cidi kuma dhiman balse hanti ayaa ku burburtay,ilo wareedyo ey leeyihiin kooxo u doodada xuquuqda dadka reer Suriya ayaa sheegay in weerarka ey qaadeen diyaaradaha Israa’iil lala beegsaday xarun lagu sameeyo baaris cilmiyeedyada kuna taalo buurta tuulada Taqsiis ee baadiyaha Xumaat.
ISHA/ARAB.