LABA WASIIR OO ISRA’IIL AH OO LOO DIIDAY FIISAHA SACUUDIGA.
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ISRA’IIL ELI COHEN.
(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay inuu u diiday dal ku gal(VISA) laba Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Reysal Wasaare Netenyahu ee dalka Israa’iil, Wasiirada ayaa rabay iney ka qeybgalaan fadhiga hayadda UNESCO ee todobaadka dambe lagu qabanaayo magaaladda caasimadda ah ee Riyad, sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta dalka Israa’iil. Kanaal 13-aad ee dalka Israa’iil ayaa sheegay shalay oo Isniin ahayd(4/9/23)-ka in dalka Boqortooyada Sacuudiga uu u diiday inuu fiisa(VISA) siiyo Wasiiradda kala ah kan Arrimaha Dibadda Eli Cohen iyo kan Waxbarashada Yaov Kisch.
ISHA/ARAB.
MARAYKANKA OO ISKU BALAARINAYO CIRAAQ.
(SAWIRKA)-XERADA CIIDAMADDA MARAYKANKA EE AL-CEYN.
(BAQDAD)-Dalka Maraykanka ayaa bilaabay inuu sii xoojiyo saldhihyadiisa ciidan ee uu ku leeyahay dalka Ciraaq,waxa uuna hadda bilaabay inuu soo kordhiyo hubka nuucyadiisa kala duwan inuu soo geliyo gudaha dalka Ciraaq si uu isaga difaaco weerarada kaga imaan kara mustaqbalka dalalka Iraan iyo Suriya oo xuduud la leh dalka Ciraaq. Wadamadda Iraan iyo Suriya ayaa u arka joogitaanka Maraykanka dalka Ciraaq inuu yahay cadawga ugu weyn ee uu ku leeyihiin mandiqadaan isla markaasne hawlgalo ka sameeyo degaanada hoos yimaado xuduuda labada dal ee Ciraaq iyo Suriya. Dalka Maraykanka ayaa raba inuu meesha ka saaro wadanka Ruushka oo xiriir fiican la leh dalalka Suriya iyo Iraan.
ISHA/ARAB.
LIBNAAN EY KU SOO JABEEN QAXOOTI SURIYAAN AH.
(SAWIRKA)-QAXOOTIGA SURIYA EE DALKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Dalka Libnaan ayaa wajahaayo mawjaad soo gelooti(Qaxooti) reer Suriya ah,dadkaan ayaa ka soo gudbo xuduuda Waqooyi ee dalka Libnaan. Dalka Libnaan ayaa hadda martigeliyo ku dhawaad hal iyo bar Milyan ilaa laba Milyan oo qaxooti Suriyaan ah kuwaaso dalkooda ka soo carary markii uu ka bilawday dagaalka sannadkii 2011-kii. Qaxootigii ugu dambeeyey ee ka yimid dalka Suriya ayaa soo gaaray gudaha dalka Libnaan seddexdii todobaad ee la soo dhaafay,sidaas waxaa qoray Wargayska Al-Akhbaar ee dalka Libnaan maanta oo Talaada ah,waxaane sii kordhay tirada qaxootiga reer Suriya ee soo gudbay xuduuda maalmihii la soo dhaafay.
ISHA/ARAB.
YEMAN: XUQUUQDA DADKA OO LAGU XADGUDBAY.
(SAWIRKA)-YEMAN.
(YEMAN)-Tan iyo markii uu dagaalka ka bilawday dalka Yeman sannadkii 2014-kii waxaa ka dhacaayey xadgudubyo loo gaysanaayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Dagaalka Yeman ayaa waxa isku haayo xoogag is ka soo horjeedo eyna kala hogaaminayaan dalalka Sacuudiga iyo Iraan waxaane arrintaas ka dhashay xadgudub badan oo loo gaystay dadka shacabka ah. Hadaba gudiga wadaniga ah ee hubiyo wararka sheegaayo in lagu xadgudbay ‘XUQUUQDA DADKA” dalka Yeman maanta oo Talaada ah(5/9/23)-ka soo saaray warbixin kooban,warbixinta uu gudiga soo saaray ee waqtiyeysan tirsigeeduna yahay 11-aad kuna saabsan qorida dukumintiyada iyo hubintooda mudadii u dhexeysay Agoosto-2022-ka ilaa Luuliyo-2023-ka. Warbixinta ayaa lagu sheegay in 2997 xaaladood oo ah xadgudubka Xuquuqda Dadka lagana soo kala ururiyey gobolada dalka Yeman, Xadgudubka ayaa loo qeybiyey 31-nuuc,waxaane dhacday in mudadaasi la dilay dad lagu qiyaasay iney gaaraayaan ilaa 3287-qofood isuguna jira Rag iyo Dumar. Muddada sannadka ah ey gudigu wadeen hubinta wixii dhacay ayey soo ogaadeen iney jiraan dad la dilay iyo kuwa la dhaawacay kuwaaso tiradooda lagu sheegay 782-qofood,waxaane ka mid ah 288-qofood oo la dilay eyna ku jiraan 21-dumara iyo 48-canug,waxaane dhaawac ah 657-qofood eyna ku jiraan 151-canug iyo 52-dumara.
ISHA/ARAB.
DAGAAL XUN OO KA SOCDA DALKA SURIYA.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA IDLIB.
(SYRIA)-Dalka Suriya waxaa si xoogan uga socdo dagaal u dhexeeyo Mucaaradka dawladda iyo dawladda Suriya,dagaalka ayaa hadda maraayo marxalad aad u adag ka dib markii ciidamadda dawladda Suriya ey bilaabeen iney adeegsadaan diyaaradaha dagaalka ee lagu sameeyey dalka Ruushka,waxaane dagaalkan ka dhashay barakac aad u balaaran oo laga barakacay Gobolka Idlib,dadka barakacaayo ayaa wadada waxaa ku qabsaday dagaal waxaane halkaasi uga geeriyooday caruur ey da’adoodu ka yar tahay toban sano.
ISHA/ARAB.
REYSAL WASAARIHII HORE EE TUNISIYA OO LA DHIGAY XABSIGA?
(SAWIRKA)-RW-XAMDI AL-JABAALI.
(TUNIS)-Sida ey xaqiijisay xaaska Reysal Wasaarihii hore ee dalka Tunisiya Waxiidah AL-Jabaali in xabsiga loo taxaabay odaygeedii Xamaadi AL-Jabaali subaxnimadii maanta oo Talaada ah(5/9/23)-ka. Waxiidah AL-Jabaali ayaa xustay in saraakiil ka tirsan hayadaha amniga oo gaaraayo ilaa 20-qofood iney odaygeeda ka wateen gurigiisa,saraakiisha amniga ayaan wax war ah ka siin sababta loo xiraayo odaygeda Waxiidah AL-Jabaali balse waxaa goor dambe la ogaaday in xiridda EX-RW-AL_Jabaali iney soo amartay xeer ilaalinta dalka Tunisiya isla markaasne in la baaro gurigiisa.
ISHA/ARAB.
SACUUDIGA IYO ISRAA’IIL MA YEELAN DOONAAN XIRIIR?
(SAWIRKA)-MAXAMED BIN SALMAAN.
(TEL AVIV)-Waxa aan ognahay iney jiraan wadamo Carbeed oo xiriirka diblomaasi la soo ceshaday dalka Israa’iil wadamadaan ayaa waxaa hogaaminaayo dalka Imaaraadka Carabta kana tirsan wadamadda la siku yiraahdo Khaliijka Carabta, dalka Boqortooyada Sacuudiga ahne kan ugu dhulka weyn uguna dadka badan lixda dalka ee Khaliijka ayaa la sheegayaa in Israa’iil baadi goobeyso sidii ey xiriir diblomaasi ula yeelan lahayd ayadoo u soo marayso dalka Maraykanka. Hadaba wafdi heer sara ah ey hogaaminayaan saraakiil sare oo Maraykan ah ayaa qorsheynaayo iney safar ugu baxaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaad todobaadkan si ey halkaasi ugula kulmaan saraakiil dhigooda ah,waxa eyna saraakiishaas si wadajir ah isula gorfeyn doonaan sideey go’aan uga gaari lahaayeen is afgarad dhexmara dalalka Sacuudiga iyo Israa’iil si ey u soo ceshadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed,sidaas waxaa Wargayska Times Of Israel u sheegay saraakiil sare oo Maraykan iyo Falastiin ah maanta oo Aaxad ah(3/9/23)-ka.
ISHA/TIMES.
QUBRUS: ISKA HORIMAADYO WELI KA SOCDO.
(SAWIRKA)-BAABUURTA CIIDAMADDA BOOLISKA QUBRUS.
(QUBRUS)-Marka aan ka hadleyno Jaziiradda Qubrus waa inaan xusuusanaa in Jaziiradu u kala qeybsan tahay laba qeybood oo waa weyn eyna kala xukumaan dalalka Turkiga iyo Giriiga,mana jiro wax xal ah oo ilaa hadda laga gaaray arrinta Jaziiradda Qubrus,hadaba ciidamadda booliska ee Jaziiradda Qubrus ayaa shalay oo Sabti ahayd(2/9/23)-ka waxa ey qabteen dad gaarayo ilaa 20-qofood ka dib markii ey dheceen iska horimaadyo salka ku haayo nacayb lidi ku ah dadka soo gelootiga ah iska horimaadyadaan ayaa maalmo ka hor waxa ey ka bilawdeen galbeedka Jaziiradda Qubrus waxa eyna ey ku sii fideen magaaladda Liima Sool ee ku taalo Koonfurta Jaziirada Qubrus horaantii todobaadkan. Sannadadii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanaayey nacaybka dadka soo gelootiga ah ee ku sugan Jaziirada Qubrus waxaane dhinac socday sii kordhidda dhaqanka cadwtinimo ee bulshada Qubrus u hayaan dadka soo gelootiga ah.
ISHA/ARAB.
ISRAEL OO KA CAROOTAY UNESCO SABABTA?
(SAWIRKA)-HAYADDA UNESCO.
(PARIS)-Dawladda yuhuuda ayaa sia adag waxa ey uga hortimid Hayadda UNESCO ee fadhigeedu yahay PARIS ka dib markii ey UNESCO sheegtay in Ariixa tahay meel taariikhi ah eyna iska leeyihiin dadka reer Falastiin, Yuhuuda ayaa shacabka reer Falastiin waxa ey u diidan yihiin magaca dhulkooda ee leh taariikhda soo jireenka ah waxa eyna Yuhuud wadaa titiridda taariikhaha ey iska leeyihiin dad Carbeed ee Muslimiinta ah ee ku nool dhulka reer Falastiin.
ISHA/ARAB.
1980-KII: ISKU DAY DIL UU KA BADBAADAY COL.QADAAFI.
(SAWIRKA)-COL.QADAAFI.
(ROME)-Waa wax caadi ka ah adduunka maanta eynu joogo in si qarsoodi ah la isu khaarijiyo gaar ahaan khaarijinta ayaa ah mid u dhexeyso hogaamiyeyaasha siyaasadda caalamka,tusaale ahaan maalmihii la soo dhaafay waxaa si sahlan looga takhalusay hogaamiyihii calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner,laakinse tan aan rabo inaan idinla wadaago ayaa ka gedisan mida Wagner oo waxa ey ku saabsan tahay hogaamiye Mucamar AL-Qadaafi hogaamiyihii dalka Libiya. Sida uu sheegay Reysal Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Juliyan Amato mar uu bixinaayey waraysi la soo daabacay shalay oo Sabti ahayd(2/9/23)-ka,gentaal si khaldan ey u soo rideen ciidmaadda cirka ee dalka Faransiiska ayaa dhulka soo dhigay diyaarad ey saarnaayeen dad shacab ah taaso dul maraysay badda dhexe sannadkii 1980-kii,soo ridida diyaaradda ayaa ahayd isku day fashilmay oo la rabay in lagu khaarijiyo hogaamiyihii geeriyooday ee dalka Libiya Col.Mucamar AL-Qadaafi sida ey xustay Wakaaladda Wararka ee ‘ASSOCIATED PRESS” ee laga leeyahay dalka Maraykanka shalay oo Sabti ahayd(2/9/23)-ka. Diyaaradda ayaa la soo riday 26/6/80-kii waxaane ku dhinty dhammaan dadkii saarnaay oo dhamaay 81-qofood.
ISHA/ARAB.
NASHWAAN AL-XADAAD OO U XIRAN XUKUUMADA YEMAN.
(SAWIRKA)-NASHWAAN AL-XADAAD.
(YEMAN)-Marka laga hadlaayo dalka Yeman waxaa mudan inaan is xusuusino in dalkaasi ey ka jiraan seddex kooxood oo kala fikir duwan balse ka wada hawgala hal dal(Yeman),sharci la’aanta waa mida u sabab ah in shacabka loo gaysto dhibaatooyin fara badan eyna ka mid tahay in laga qaado xuriyadooda shaqsiga ah,waxaa la xiraa dhallinyarada caanka ka ah baraha bulshada(Facebook,X,) IWM,hadaba Nashwaan AL-Xadaad ayaa xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay u xiran muddo dhan 62-maalmood isaga oo aan la horkeenin wax maxkamada,waxaane Nashawaan loo diiday iney soo booqdaan ehelkiisa,asaxaabtiisa iyo taageerayashii baraha bulshada,Nashwaan ayaa hadda ku xiran xabsi kaligis ah kuna yaalo Gobolka Ma’arib bariga dalka Yeman,xukuumadda Yeman ayaa Nashwaan ku eedeysay inuu faafinaayey cabitaan Khamrada gudaha dalka Yeman.
ISHA/ARAB.
LIBIYA MA YEELAN DOONTAA DAWLAD MIDEYSAN?
(SAWIRKA)-CAQIIL SAALAX.
(TRIPOLI)-Sida uu xaqiijiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Libiya Caqiil Saalax mar uu la kulmaayey ergayga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan dalka Libiya Md.Cabdalla Baatiili maanta oo Sabti ah(2/9/23)-ka,Qoraal ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka dalka Libiya Caqiil Saalax ayaa lagu sheegay”In hawlaha doorsahooyinka aas-aas u yihiin muhimada ey leedahay in dalka Libiya yeesho Dawlad Mideysan”,dhinaca kalane waxaa jiro khilaaf aad u xun una dhexeeyo xubno ka wada tirsan gudiga loo yaqaano(6+6).
ISHA/ARABIC.
DIYAARADAHA MARAYKANKA OO WEERARAY…
(SAWIRKA)-GOOBTA LA WEERARAY.
(SYRIA)-Diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa weerar cirka ah waxa ey ku qaadeen kooxo ey taageerto dawladda Iraan kuna sugnaay Gobolka Diira-Azur ee dhaca bariga dalka Suriya halkaaso uu dagaal ku dhexaray qabaa’il Carab ah iyo kooxaha PKK iyo YPG ee uu Turkiga u aqoonsan yahay Argagixisada,sidaas waxaa laga soo xigtay ila wareedyo maxali ah. Ila wareedyo ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Anandolu ee laga leeyahay dalka Turkiga in xaaladdu tahay mid aan la kala cadayn karin waayo kooxaha ey taageerto Iraan ayaa isugu soo ururay goobta ey wax ka dheceen taaso ku fidsan dhulka u dhexeeyo Abu Kamaal ee dhaca bariga gobolka Diira Azuur ilaa Wabiga Furaat.
ISHA/AA.
SURIYA: BANANBAXYO KA SOCDO MAALINTII 13-AAD.
(SAWIRKA)-BANAANBAXYADA KA SOCDO DALKA SURIYA.
(XALAB)-Magaaladda Suweyda’a ee caasimadda gobolka Suweyda’a ee dhacda koonfurta dalka Suriya ayaa martigelinaysay maalmihii la soo dhaafay banaanbaxyo isdaba joog ah soona socday muddo dhan 13-maalmood,banaanbaxyadaan ayaa looga soo horjeedaa xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Bashaar Al-Asad waane banaanbixii ugu weynaa taariikhda ee lagu qabto bartamaha Suweyda’a ee loo yaqaaono”Fagaaraha Al-Karaama”waane halka ey kuwada kulmaan banaanbaxayaal isaga kala yimid magaalooyinka,tuulooyinka iyo magaalooyin kale oo dhaw kana tirsan gobolka Suweyda’a,banaanbaxyadaan ayaa mujjinaayo inuu sii fidaayo banaanbaxa lidk ku ah Bashaar AL-Asad kana socdo gobaolada dalka Suriya qaarkood.
ISHA/ARAB.
SHIICADDA CIRAAQ MA WEERARI DOONAAN?
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA AHLUL XAQ EE SHIICADA CIRAAQ GACAN SAARKANA LA LEH MARAYKANKA.
(BAQDAD)-Maalmihii la soo dhaafay gudaha dalka Ciraaq waxaa ka socday dhaqdhaqaaq ciidan ey sameynayaan ciidamadda Maraykanka ee halkaasi ku sugan,waxaane soo baxaayo warar sheegaayo in hogaamiyeyaasha shiicadda ee dalkaasi Ciraaq ey is khilaafeen waxaane taas ka dhalatay in qaar ka mida Culumada Shiicadda Ciraaq ee is xulafaystaan dalka Maraykanka si meesha looga saaro Culimada gacan saarka la leh dalka Iraan qaarkood, waxaane jiro laba xoog oo Shiica ah iskuna haayo arrintaan lana kala yiraahdo Xizbul Xaq iyo Ahlul Xaq oo ka wada tirsanaay Xashdu Al Shacbi, labadaan maleeshiyo ayaa waxaa Aas-aasay dalka Iraan sannadkii 2014-kii si ey ula dagaalamaan Ururka Daacish oo waqtigaan fara ba’an ku haayey dalka Ciraaq.
ISHA/ARABIC.
XIZBULLAH OO DIIDAN MUDDO U KORDHINTA UNIFIL.
(SAWIRKA)-BAR KOONTAROOL EY LEEYIHIIN UNIFIL LIBNAAN.
(NEW YORK)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC)ayaa maanta oo Khamiis ah(31/8/23)-ka waxa uu u fadhiistay sidii waqtiga loogu kordhin lahaay Ciidamadda Nabad Ilaalnta ee jooga Koonfurta dalka Libnaan waane halka ey xuduuda iskula wadaagaan dalalka Libnaan iyo Israel, go’aanka Golaha ayaa waxaa ka mid ah in ciidamadda Israel ey isaga baxaan Koonfurta dalka Libnaan,waxaane go’aan waqti u kordhinta Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee jooga dalka Libnaan la gaari doonaa Khamiista inagu soo fool leh(7/9/23)-ka. Ciidamadda Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobe ee jooga Koonfurta dalka Libnaan loona yaqaano UNIFIL ayaa la sameeyey sannadkii 1978-dii waxa eyna halkaasi joogaan muddo dhan 45-sano oo xiriir ah,waxaane hadda la rabaa in loogu daro muddo sannad ah kana bilaabaneyso 31/8/23-ka kuna eg 31/8/24-ka si ey hawshooda u sii wataan. Muddo kor dhintaan loo sameynaayo Ciidamadaan Nabad Ilaalinta ee Qaramada Midoobe(UNIFIL) ayaa waxaa diidan xoogaga Xizbulaahi ey taageerto Iraan kana hawlgala dalka Libnaan.
ISHA/ARAB.
LIBNAN: XIZBULAH IYO ISRAE OO ISKU HAAYO XUDUUDA.
(BEIRUT)-CIIDAMADDA NABAD ILAALINTA EE QM.
(BEIRUT)-Golaha amaanka ee Qaramada Middobe(UNSC) ayaa loo malaynayaa inuu cusbooneysiyo waqtiga ey sii joogayaan dalka Libnaan ciidamadda nabad ilaalinta (UNIFIL),ciidamadaan ayaa waqtiga loogu talagalay waxa uu ku ogyahay maanta oo Arbaca ah(30/8/23)-ka inkastoo xaalad kacsan ey ka jirto xuduuda koonfureed ee uu dalka Libnaan la wadaago Israel. Xuduudaan ayaa waxaa isku haysto ururka ey taageerto Iraan ee Xizbullah iyo Israel waxa eyna koox kasta doonaysaa iney maamusho xuduuda labada dal u dhexeyso.
ISHA/ARAB.
DIYAARAD LAGA LEEYAHAY ISRAEL OO KU DEGTAY JIDDAH.
(SAWIRKA)-MAGAALA XEEBEEDKA JIDDAH.
(JEDDAH)-Duulimaad ku socday dalka Israa’iil ayaa sameeyey hakad aan ugu jirin jadwalka safarkiisa waxa uuna duulimaadku ku hakaday dalka Boqortooyada Sacuudiga shalay oo Isniin ahayd ka dib markii ey la soo derseen arrimo deg deg ah,rakaabka saaranaay diyaaradda laga leeyahay Israa’iil oo dhammaay 128-qofood ayaa u wada dhashay dalka Israa’iil waxa eyna habeen ku baryeen gudaha dalka Sacuudiga inkastoo labada dal Sacuudiga iyo Israa’iil eysan lahayn wax xiriir diblomaasi ah. Duulimaadka ayaa ku socday garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee magaaladda Tel Aviv waxa uuna ka soo baxay Jaziiradda Siishalis,sababta keentay in diyaaradu ku hakato dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay iney la soo gudboonaatay cilad dhinaca korontada ah taas ayaana ku qasabtay diyaaradda iney ku degto garoonka diyaaradaha magaaladda Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.
ISHA/ARAB.
ASKERI FARANSIIS AH OO LAGU DILAY CIRAAQ.
(SAWIRKA)-ASKARTA FARANSIISKA EE KU SUGAN CIRAAQ.
(BAQDAAD)-Askeri ka tirsan ciidamadda la dagaalanka argagixisada ee dalka Faransiiska kuna sugan dalka Ciraaq ayaa la dilay isaga oo ku jiray hawlgal ka socay gudaha dalka Ciraaq,sidaas waxaa maanta oo Talaada ah sheegay Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron. Seddex Alifle.Nicolas Mazier kana tirsanaay ciidamadda ku booda dalaayadaha ee dalka Faransiiska qeybta tobonaad ayaa la dilay shalay oo Isniin ahayd waxaane lagu dilay Sgt.Nicolas meel u dhaw magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad goor uu Unugiisa uu ka tirsanaay uu kaalmeynayey ciidamadda dalka Ciraaq oo ku jiray hawgal lagula dagaalayey argagixisada,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal goor hore oo maanta ah ka soo baxay Madaxtooyada dalka Faransiiska.
ISHA/AA.
FARANSIISKA OO DIIDAY IN LA XIRTO CABAYADAHA.
(AWIRKA MUSLIMIINTA FARANSIISKA JOOGA.
(PARIS)-Dalka Faransiiska waxa uu ka mid yahay wadamadda Yurub ey ka jirto Diin neceybka aan kala sooca lahayn balse waxaa dalkaasi si aad ah looga neceb yahay labiska ey qaataan dumarka Muslimiinta ah,qarniyo ka hor ayey ahayd markii dalka Faransiiska uu joojiyey waxyaabaha dhaqanka diinta ku saleeysan in derbiyada dugsiyada dalkaasi lagu dhejiyo. Muxaafidiinta dalka Faransiiska ayaa si aad ugu sacab tumay soona dhaweeyey go’aanka ey xukuumadda Faransiiska ku joojinayso iney caruurta gabdhaha Muslimiinta ah iney xirtaan Cabaayadaha marka ey adaayaan dugsiyadda ee maamusho xukuumadda Faransiiska,laakinse arrintaan ayaa la kulanta mucaaradad aad u weyn iyo cambaareyn wadata is hortaag.
ISHA/ARAB.