YEMEN OO CAAWA LOOGA DHAWAQAY DAWLAD SEDDEXAAD,SABAB?

(SAWIRKA)CEYDARUS AL-ZUBEYDI.

(ADEN/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda ku meel gaarka ah dalka Yemen ee Cadan ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Golaha Ku meel Gaarka ah ee Koonfurta isla markaana ah xubin ka tirsan Golaha Hogaaminta Madaxweynaha, Caydaruus AL-Zubaydi, ayaa maanta oo Arbaca ah fiidnimadeeda waxa uu soo saaray go’aamo dhawr ah. Qaraarka No. (11) ee 2025, waxa uu u magacaabay Cali Muxsin Ruweys AL Sulaymaani inuu noqdo Kaaliyaha Xoghaye Ku Xigeenka Gobolka Shabwa. Qaraarka No. 10 ee 2025, Qodobka Koowaad, ayuu Caydaruus Cawad Xuseen Baa Cawadah u magacaabay Kaaliyaha Xog-hayaha Gobolka Shabwa. Qaraarka No.9 sannad 2025,Yaxye Saalaxa Ciise Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dhaqanka iyo Dalxiisa.Qaraar NO.8 sannad 2025, Qodobka Koowaad ee qaraarku waxa uu Jamaal Naasir Muxammad Manic u magacaabay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Gobolka AL-Daalic ee Arrimaha Degmooyinka. Qaraarka No. (5) ee 2025, waxa uu u magacaabay Cali Saalim Qarahaaf in uu noqdo Ku-xigeenka Xoghayaha Gobolka AL-Mahrah ee Arrimaha Waxbarashada.

Qaraarka No. (2) ee 2025, ayaa dhigaya magacaabista Saalax Cabdallah Axmed AL-Caaqil oo ah Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Qaraarka No. (7) ee 2025, ayaa dhigaya in Samiir Muxammad Sacid AL-Xayd loo magacaabo Ku-Xigeenka Xoghayaha Amniga iyo Difaaca ee Gobolka Abyan.

Qaraarka No. (6) ee 2025, ayaa dhigaya in loo magacaabay Cawad Axmed Muxsin Cabdullah inuu noqdo Ku-Xigeenka Xoghayaha Gobolka Laxj ee Amniga iyo Difaaca.

Qaraarka No. (3) ee 2025, ee ku saabsan magacaabista Khalid bin Khalid Saalim Saalax inuu noqdo Ku-Xigeenka Xoghayaha Waaxda Warshadaha ee Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga
Qaraarka No. (4) ee 2025, ee ku saabsan magacaabista Cali Axmed Naasir AL-Xujari AL-Xarithi Ku Xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Shabwa.

Qaraarka No. (1) ee 2025 ee khuseeya magacaabista Guddoomiyaha Hay’adda Guud ee Dhulka, Sahanka iyo Qorshaynta Magaalooyinka.

Qodobka 1-aad ayaa qeexaya magacaabista Muxammad Naasir Cubaadi CabdulQawi inuu noqdo Guddoomiyaha Hay’adda Guud ee Dhulka, Sahanka iyo Qorsheynta Magaalooyinka.

Qaraarka No. (12) ee 2025 ayaa qeexaya magacaabista laba ku Xigeen oo loo magacaabayo Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Shidaalka Yemen.
Qaraarka waxaa ka mid ahaa qodobbada soo socda:
Qodobka (1)-Cabdul-Raqeeb Axmed Cali Muthanna waxaa loo magacaabay Ku-Xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Shidaalka Yemen ee Arrimaha Ganacsiga.
Qodobka (2)- Dhaariq Cabdulcaziz Xaamid Majwar waxaa loo magacaabayaa Ku-Xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Shidaalka Yemen ee Arrimaha Maaliyadda iyo Maamulka.
Qaraarka No. (13) ayaa sidoo kale qeexaya magacaabista Cabdulcaziz Saalax Abdul Raxmaan AL-Mansuuri oo ah Ku Xigeenka Xoghayaha Gobolka Cadan ee Difaac iyo Amniga.

XIGASHO-AL-AYYAM.

Next
Next

REYSAL WASAARAHA DALKA QADAR OO SI ADAG UGU JAWAABAY ISRA’IIL.