RW-DALKA QAAR OO KA HADLAR GOLAHA AMAANKA QM AYAA DACASKA LA DULMARAY ISAR’IIL.

(SAWIRKA)-RW-DALKA QADAR.

(NEW YORK)-Raysal Wasaaraha dalka Qadar Sheikh Maxammed bin Cabdulrahman AL Thani ayaa muujiyay sida dalkiisu uu ugu faraxsan yahay isbaheysiga ey muujiyeen Xubnaha Golaha Amaanka ka dib weeraradii ugu dambeeyay ee Isra’iil.

HALIS AAD U DARAN:

Khudbad uu aanta oo Khamiisa ah uu u jeediyay Golaha Ammaanka, ayuu ku daray in weerarka Isra’iil uu khatar aad u weyn ku yahay Ammaanka Gobolka iyo kan caalamka. Waxa kale oo uu intaa ku daray in Israa’iil ey weerar khiyaano ah ku qaadday dhismayaal la deggan yahay, isaga oo ku micneeyay in Xafiiska Xamaas uu ku yaallo caasimadda Dooxa si aan qarsoodi lahayn. Waxa uu tilmaamay in gardarada Isra’iil ey xadgudub ku tahay dal si buuxda uga tirsan Qaramada Midoobay iyo ku xad-gudbida shuruucda iyo Xeerarka Caalamiga ah oo ey waddo dowlad dhexdhexaadin ah si dagaalka loo joojiyo. Waxa uu rumaysnaa in aanay suurtogal ahayn in la sii saadaaliyo waxa ey Israa’iil samayn karto, isaga oo ku nuux-nuuxsaday in Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isku dayay inuu gardarada ku caddeeyo marmarsiiyo aan fiicnayn. Raysal Wasaaraha Qatar ayaa sidoo kale sharraxay in gardarrada Israa'iil ey imtixaan weyn geliso nidaamka caalamiga ah oo dhan, isagoo ku nuux-nuux saday in Israa'iil ey isugu dayayso iney maroorsato xaqiiqooyinka iyagoo wata qiil aan macquul ahayn. Waxa uu tixgeliyey in Madaxda Israa’iil ey xaqiijiyeen isla xisaabtan la’aanta iyo in wax-qabad la’aanta beesha caalamku ey keentay iney kordho isla weynida Israa’iil. Raysal Wasaaraha Qatar ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ey wataan fikradaha xagjirka ah ee asaasiga ah, isla markaana eysan dalalka gobolka aqbali karin hab-dhaqanka xagjirka ah ee Israa’iil.

XAQA JAWAABTA:

Dhanka dhexdhexaadinta, Raysal Wasaaraha Qatar ayaa xaqiijiyay iney ku guulaysteen in ey sii daayaan daraasiin la haystayaal ah, laakiin weerarkii Qatar intii lagu jiray dadaalladan ayaa xaqiijinaya rabitaanka dagaal ee Isra’iil. Waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxaha xagjirka ah ee ka tirsan dowladda Isra’iil eysan dan ka lahayn nolosha la haystayaasha, isagoo ugu baaqay Golaha Ammaanka iney qaataan mas’uuliyadda taariikhiga ah ee ku saabsan xadgudubyada Isra’iil. Waxa uu tilmaamay in weerarada Isra’iil ey sii socdaan ey halis ku yihiin dal kasta oo ka shaqeynaya sidii uu nabad ku gaari lahaa, isagoo caddeeyay in Qatar ey sii wadi doonto doorkeeda bini’aadantinimo iyadoo aan ka labalabeyn, balse ey xaq u leedahay iney ka jawaabto. Waxa uu daaha ka qaaday in Israa’iil ey duqeysay wafdi ka socday Xamaas oo ka shirayay shir ey lahaayeen, xilli ey ka baaraan degayeen hindise xabbad-joojin ah, isla markaana dariiqa kaliya ee nabadda lagu heli karo ey ka billaabato xabbad-joojin laga sameeyo Gaza. Sidoo kale, Raysal Wasaaraha Qatar ayaa ku nuux-nuux saday in aan la isku dhiibin islaweynida kooxaha xagjirka ah ee diidan in labada dal ey ku midoobaan.

BEEGSIGA WAFDIGA XAMAAS:

Waxaa xusid mudan in Israa’iil ey beegsatay shir ey hogaamiyayaasha Xamaas ku lahaayeen magaalada Dooxa Talaadadii la soo dhaafay, halkaas oo ey ku dileen lix qof oo uu ku jiro wiil uu dhalay Hoggaamiyaha caanka ah ee Xamaas Khaliil AL-Haya, afar ka mid ah saaxibadda wafdiga iyo xubin ka tirsan Ciidamada Ammaanka Gudaha dalka Qatar. Qiimayn uu daabacay Channel-12 ee Israa'iil maanta oo khamiis ah ayuu daaha ka qaaday in "Madaxda badankoodu ey badbaadeen," gaar ahaan Khalil AL-Haya iyo Khalid Meshcal. Dhankeeda, Dowladda Qatar ayaa si weyn uga mahad-celisay maanta oo khamiis ah cambaareynta deg dega ah ee gardarrada Israa’iil ee dalalka caalamka iyo Ururadda caalamiga ah iyo kuwa Gobolka.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA YEMEN OO SOO BANDHIGAY SAXAFIYIINTII LAGU DILAY WEERARKII ISRA’IIL.

Next
Next

YEMEN OO CAAWA LOOGA DHAWAQAY DAWLAD SEDDEXAAD,SABAB?