XUUTIYIINTA YEMEN OO SOO BANDHIGAY SAXAFIYIINTII LAGU DILAY WEERARKII ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-SAXAFIYINTA KU DHINTAY WEERARKII ISRA’IIL EE SANCA/YEMEN.
(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda jamhuuriyadda Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Maleeshiyada Xuutiyiinta ey shaaca ka qaaday magacyada qeybtii labaad ee Xirfadlayaal Warbaahineed iyo Suxufiyiin lagu dilay duqeymo ey diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen Xarumaha Wargeysyada 26-ka Sebtember iyo AL-Yaman ee magaalada caasimadda ah ee Sanca. Tani waxaa u dheer liis hore oo ey kooxdu ku dhawaaqday Arbacadii shalay ahayd. Dufcaddaan labaad waxaa ka mid ahaa Weriyeyaasha kala ah Murad AL-Faqih iyo Maxammed AL-Cumeysi, Xirfadle Saxaafadeed Cali Maxammed AL-Caaqil iyo Jamaal AL-Caadhi, marka lagu daro Maxammed AL-Zackari iyo Walaalkiis Zuhayr AL-Zackari, Faaris AL-Rumaysa, iyo Dr. Malaak AL-Xadhaab, oo ah gabadha uu dhalay Dr. Khalil Cabdullah AL-Xadhaab, oo ah Barre Jaamicadeed waxna ka dhiga Kulliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Sanca. Kuwo kale ayaa wali la la’yahay, gaar ahaan Maxammed Cali AL-Faqih Xalbuub, oo laga helay xog is khilaafsan oo ku saabsan aayahooda. Maleeshiyada ayaa horey u soo bandhigay magacyada dufcaddii ugu horeysay ee dhibanayaal ah, oo ey ku jiraan Cabdullah Mahdi AL-Baxri, Madaxa la socodka raadiyaha iyo telefishinka ee Wakaalada wararka Yemen (Saba), iyo Wariyeyaal ey ka mid yihiin Cabdulcaziz AL-Sheekh, Dr. Mustafa AL-Dhabxaani, Cabbas AL-Daylami, Yusuf Shams-AL-Din, Cabdullah AL-Xaarazi, iyo Cali AL-Shahaari, oo uu u sii dheer yahay Agaasimaha laanta Bankiga AL-Zubaari ee Al-Zubaari, oo ah agaasimaha Bankiga Dhexe ee Al-Zubayri, oo ah Madaxa Bankiga Dhexe ee Xawaash. AL-Jawf, iyo tiro shaqaale rayid ah oo aan magacyadooda la shaacin. Weerarradan ayaa sidoo kale sababay burbur baahsan oo loo geystay dhismayaal warbaahineed oo ey Xuutiyiintu maamulaan iyo xarumaha dawladda, horumarkaas oo ilaha xuquuqul insaanka ey u arkaan in Isra’iil ey khatar ku tahay Saxaafadda iyo shaqaalaha Warbaahinta.
XIGASHO XARAF/YEMEN.