TAWAKOL KARMAAN OO BAAQ U DIRTAY BEESHA CAALAMKA.

(SAWIRKA)-TAWAKOL IYO GABDHO.

(MUQDISHO)-Tawakol Cabdilsalam Karmaan oo u dhaqdhaqaaqa Yemen ayaa soo saartay baaq deg deg ah oo ey u dirtay Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Samafalka iyo kuwa Xuquuqul Insaanka, iyadoo ku baaqday in la kordhiyo taageerada dadaallada nabad-dhisidda iyo horumarinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Karman ayaa sheegay in taageerada Soomaaliya xilligan xasaasiga ah ey tahay waajib bini’aadantinimo iyo mudnaan caalami ah oo ey tahay iney safka hore kaga jiraan Ajandayaasha Beesha Caalamka, iyadoo carabka ku adkeeysay in maalgelinta Waxbarashada iyo horumarka waara ey asaas u tahay dhismaha xasilooni waarta. Waxay bogaadisay doorka muuqda ee haweenka Soomaaliyeed ey ku leeyihiin geeddi-socodka siyaasadda iyo bulshada, iyadoo u tixgalinaysa iney yihiin qodob muhiim u ah xoojinta qiyamka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta qaranka. Karmaan ayaa intii ey booqatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ey kulamo la qaadatay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaa ey la kulantay Madax Haween iyo xildhibaano, kuwaasoo ey kala hadashay sidii haweenka looga qeyb qaadan lahaa siyaasadda iyo nolosha bulshada iyo doorka hoggaamineed oo ey ka qaadan karaan horumarinta dadaallada xasiloonida. Sidoo kale waxay booqatay xarumo badan oo Waxbarasho iyo kuwo bulsho oo loogu talagalay in lagu xanaaneeyo Agoonta gabdhaha ah,waxayna ka baratay waxqabadkooda dhinacyada Waxbarashada iyo dhaqancelinta nafsiga iyo bulshada. Waxay bogaadisay dadaallada lagu xaqiijinayo mustaqbalka wanaagsan ee gabdhaha iyo dhalinyarada, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in taageeridda dadaalladan oo kale ey lagama maarmaan u tahay horumarinta iyo horumarka waara.

XIGASHO-XARAF28.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMEN OO SOO BANDHIGAY SAXAFIYIINTII LAGU DILAY WEERARKII ISRA’IIL.