MADAXWEYNAHA ALJEERIYA OO MAGACAABAY REYSAL WASAARE CUSUB.

(SAWIRKA)-MW-TABUUN IYO RW-GARIIB

(ALGERIA)-Madaxtooyada Aljeeriya ayaa ku dhawaaqday in Madaxweyne Cabdulmadjiid Tabuun ayaa Axada maanta ah Seefi Gariib u magacaabay Raysal Wasaare una xilsaaray inuu soo dhiso dowlad cusub. War kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Aljeeriya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Tabuun uu maanta qaabilay Seyfi Gariib. 28-kii Agoosto, Madaxweynaha Aljeeriya ayaa Gariib, Wasiirka Warshadaha u magacaabay inuu noqdo ku-simaha Raysal Wasaaraha, isagoo bedelay Nadiir AL-Carabi oo xilka laga qaaday. Liiska xubnaha xukuumadda cusub ayaa la filayaa in dib loogu dhawaaqo. Ka dib markii loo magacaabay jagadiisa, Seyfi Gariib, wuxuu xaqiijiyay sida ey uga go'an tahay xaqiijinta bixinta adeegyada muwaadiniinta gudaha. Raysal Wasaaraha la magacaabay ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray ka dib soo dhaweyntii Madaxweynaha Aljeeriya ku yiri: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta igu sharfay in uu ii magacaabo Raysal Wasaare, ka dibna soo dhisay dowlad cusub. Sayfi Gariib ayaa intaas ku daray, "Madaxweyne Tabuun wuxuu i siiyay dhammaan tilmaamaha lagama maarmaanka ah si aan ugu adeego muwaadinka Aljeeriya marka ugu horraysa, iyo in aan horumariyo dhaqaalaha qaranka ee ku wajahan darajooyinka ku habboon Aljeeriya oo ah waddan muhiim ah oo heer gobol iyo caalami ah." Raysal Wasaaruhu wuxuu ku celceliyay “in ey ka go’an tahay dowladda oo dhan iyo in ey ka go’an tahay sidii muwaadiniinta loogu adeegi lahaa gudaha dalka iyo in lagala tashado dhammaan qeybaha kala duwan ee qaranka si loogu adeego dalka”.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

51-TAHRIIBAYAAL SUUDAAN AH OO KU GEERIYADAY XEEBAHA GIRIIRGA.

Next
Next

TAWAKOL KARMAAN OO BAAQ U DIRTAY BEESHA CAALAMKA.