51-TAHRIIBAYAAL SUUDAAN AH OO KU GEERIYADAY XEEBAHA GIRIIRGA.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(SUDAN)-Malik AL-Dijaawi oo ah Agaasimaha Hayadda Yareynta Socdaalka iyo soo Noqoshada Iskaa wax u qabso ee dadka reer Suudaan ee gudaha dalka Liibiya ayaa sheegay in 51-qof oo Suudaaniyiin ah ey ku Qaraqmeen Badda Miditereeniyaanka iyagoo ku safraayey Doon ka sameysan Caag. Waxa uu intaas ku daray in Doonidda sida xun u gadoontay ey kasoo shiraacatay Xeebaha dalka Liibiya kuna degtay Xeebaha dalka Giriiga. AL-Dijaawi ayaa sheegay in inta badan Tahriibayaasha ku hoobtay shilkaan ey ka yimaadeen magaalooyinka AL-Cuseylaat, AL-Dabiibah iyo Ceylafoon oo dhammantooda dhaca bariga caasimadda Khartuum. Sida laga soo xigtay Hayadda Socdaalka Adduunka(IOM) in ka badan 700-Qof ayaa geeriyooday tan iyo markii laga soo bilaabo horaantii sannadkan 2025-ka xilli ey isku dayayeen iney ka gudbaan badda Miditereeniyaanka una gudbaan Qaaradda Yurub. Doomo fara badan oo ey saaran yihiin dad Tahriibayaal ah ayaa ka amba baxa Xeebaha dalka Liibiya si ey u gaaraan Qaaradda Yurub.

ISHA-ALJAZEERA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO DUQEYN KA GEYSATAY KOONFURTA LUBNAAN.

Next
Next

MADAXWEYNAHA ALJEERIYA OO MAGACAABAY REYSAL WASAARE CUSUB.