ISRA’IIL OO DUQEYN KA GEYSATAY KOONFURTA LUBNAAN.

(SAWIRKA)-GAARIGA LA DUQEEYEY.

(BEIRUT)-Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in hal qof lagu dilay Axada maanta ah weerar ey Israa'iil ka geysatay Koonfurta dalkaas, halkaasoo Israa'iil ey inta badan beegsato Ururka Xisbullah. "Weerar ey cadawga Israa'iil ku qaadeen baabuur ku sugnaa magaalada Burj Qalawiyah ayaa dilay hal qof," ayey Wasaaraddu ku sheegtay bayaan ey soo saartay. Jimcihii, Wasaaraddu waxay sheegtay in hal qof lagu dilay weerar ey Israa'iil ka geysatay magaalada Caytaruun, oo sidoo kale ku taal Koonfurta Lubnaan. Milateriga Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha Kooxda ey Iiraan taageerto ee Xisbullah inkastoo xabbad joojin la sameeyay bishii November ee la soo dhaafay taasoo soo afjartay in ka badan hal sano oo colaad u dhexeysay. Cadaadiska uga imaanaya Mareykanka iyo cabsida laga qabo iney sii kordhaan duqeymaha Isra’iil, dowladda Lubnaan ayaa hadda u dhaqaaqday iney hubka ka dhigto Ururka Xisbullah. Kooxdan oo markii hore gacanta ku haysay Siyaasadda Lubnaan oo loo haystay iney ka hubaysnaayeen milateriga, ayaa waxaa aad u wiiqay dagaalka ey kula jiraan Israa’iil. Sida laga soo xigtay Beyrut, ciidamada Lubnaan waa in ey ku dhameeyaan hub ka dhigista kooxda Xisbullah ee ku sugan deegaannada u dhow xadka Israa’iil muddo saddex bilood gudahood ah.

XIGASHO-AL-ARABIYA.

Previous
Previous

SHIRKII DOOXA OO LAGA SOO WAR SAXAAFADEED AAD U CULUS.

Next
Next

51-TAHRIIBAYAAL SUUDAAN AH OO KU GEERIYADAY XEEBAHA GIRIIRGA.