REYSAL WASAARAHA DALKA QADAR OO SI ADAG UGU JAWAABAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-DHISMIHII ISRA’IIL EY WEERARTAY SHALAY.

(DOHA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in dawladda Qatar ey si adag ugu jawaabtay Raysal Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu bayaan si adag u soo baxay subaxnimadii hore maanta, isagoo ku dhaleeceeyay hadalkiisii ​​ku saabsanaa in dalka Qadar uu martigelinayo Xafiiska Xamaas oo uu ku tilmaamay "Taxadir la'aan". Arbacada maanta ah ayuu Netanyahu waxa uu uga digay Qatar iney waajib ku tahay iney dalkeeda ka saarto mas’uuliyiinta Xamaas ama ey sharciga horkeento, isagoo yiri, “Haddii eydnaan yeelin, inaga aayaa sameyn doono. Sidan oo kale, Raysall Wasaaraha Qatar Sheikh Maxammed bin Cabdulrahman AL Thani ayaa ku baaqay in Raysal Wasaaraha Israa’iil la horkeeno cadaaladda. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Qatar ey dib u qiimeyn ku sameyneyso doorkeeda dhex dhexaadinta iyo mustaqbalka Xamaas ee dalkaasi. Wareysi uu siiyay CNN, ayuu u arkayay in weerarka lagu dilay hogaamiyayaasha Xamaas ee Dooxa uu baabi'iyay rajo kasta oo laga qabay in lagu sii daayo la haystayaasha Gaza, isagoo intaa ku daray in ficillada Netanyahu ey burburiyeen fursad kasta oo xal looga gaari lahaa arrintan, isagoo si buuxda mas'uul uga ah Israa'iil fashilka dadaallada socda. Wuxuu sheegay in Netanyahu uu isku dayayay inuu wiiqo fursad kasta oo nabadeed. Hadalo uu siiyay CNN, ayuu Netanyahu ku eedeeyay inuu gobolka u horseeday fowdo, isagoo xusay inuu waqti luminayo dhexdhexaadiyeyaasha. Waxa uu intaasi ku daray in wax walba oo ku saabsan kulanka Hogaamiyayaasha Xamaas ey si weyn u garanayeen Isra’iil iyo Maraykanka, Qadarna eysan qarinin, sidaas darteedna eysan jirin wax qiil ah oo loo haysto weerarka Isra’iil. Duqeynta ey Isra’iil ka geysatay Dooxa Talaadadii ayaa lala beegsaday hogaamiyayaasha Xamaas, xilli ey ku kulmayeen xarun ey degan yihiin. Isra’iil ma eysan shaacin natiijada howlgalkaasi, halka Xamaas ey xaqiijisay in hogaamiyayaasheeda la bartilmaameedsaday ey ka badbaadeen, waxaana weerarkaasi lagu dilay lix qof. Ilo ka tirsan dhaqdhaqaaqa ayaa sheegay Talaadadii in shaqo joojintan ey dhacday kulan ka dhacay xafiiska hoggaamiyihii hore ee Xamaas Ismail Haniyeh, oo Isra’iil ey ku dishay Tehran sanadkii hore. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa "in lagaga wadahadlo go'aan masiiri ah oo la xiriira soo jeedintii ugu dambeysay ee Mareykanka" ee xabbad joojinta Gaza. Tiro ka mid ah Madaxda Xamaas iyo xubno ka mid ah Ergada wada xaajoodka u qaabilsan ayaa looga yeeray Turkiga iyo Masar ujeeddadaas, sida ey sheegeen isla ilahaasi. Jariidada Wall Street Journal ayaa Arbacada maanta ah sheegtay in Israa’iil ey u qoondaysay hawlgalkaasi ugu yaraan toban diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, kuwaasoo mid kastaa ey sido gantaallada riddada dheer, kuwaasoo bartilmaameedyadooda ka soo qaadi kara meel ammaan ah. Dalka Qatar ayaa tan iyo sanadkii 2012-kii martigelineysay xubno ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas, oo ey ku jiraan AUN-Ismaaciil Haniyeh, hogaamiyihii ka horreeyay Khaled Meshcal, iyo Khalil AL-Xayah, oo u soo baxay inuu noqdo Madaxa wadahadalka ee wada hadaladda xabad joojinta ee Marinka Gaza.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

YEMEN OO CAAWA LOOGA DHAWAQAY DAWLAD SEDDEXAAD,SABAB?

Next
Next

ISRA’IIL OO MAR KALE WEERARTAY CAASIMADDA YEMEN EE SANCA.