ISRA’IIL OO MAR KALE WEERARTAY CAASIMADDA YEMEN EE SANCA.

(SAWIRKA)-SANCA OO GUBANEYSA.

(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimada dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in Ciidamada Isra’iil ey maanta oo Arbaca ah ey mar kale duqeymo ku bartilmaameedsadeen fariisimo ey kooxda Xuutiyiinta ku leeyihiin Sanca iyo Al-Jawf, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Xuutiyiinta ayaa xaqiijiyay in weeraradaasi ey ku dileen 35-Qof 131-kalena ey ku dhaawacmeen. Dhankooda, ciidamada Isra’iil ayaa sheegay iney duqeeyeen dhowr "bartilmaameedyo militari" oo ey leeyihiin kooxda Xuuthiyiinta ee kuna kala yaallo Sanca iyo AL-Jawf. War qoraal ah oo ka soo baxay ciidanka ayaa lagu yiri: "Wax yar ka hor, diyaaradaha dagaalka ee ciidamadu waxay weerar ku qaadeen bartilmaameedyo militari" oo ey leeyihiin kooxda Xuutiyiinta "ee Gobollada Sanca iyo AL-Jawf, oo ey ku jiraan xeryo lagu arkay xubno ka tirsan militariga Xuutiyiinta, marka laga soo tago xarunta dhexe ee hoggaanka warbaahinta militariga ee Xuutiyiinta iyo goob lagu keydiyo shidaalka oo loo isticmaalo dhaqdhaqaaqyada militari ee maamulka Xuutiyiinta." Dhanka kale, ilo-wareedyo ka tirsan Tv-ga AL-Carabiya ayaa sheegay in "ciidamada cirka ee Israa'iil ey weerarayaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta," iyaga oo ka hadlayay duqeynta "lix bartilmaameed oo Xuutiyiinta Sanca," oo ey ku jiraan "Xarunta difaaca ee xaafadda Al-Cardi" ee bartamaha magaalada. Ilaha Tv-ga AL-Carabiya ayaa sidoo kale tilmaamay in weerarada Israa'iil iney la beegsadeen "fagaaraha Wasaaradda Maaliyadda" ee bartamaha Sanca, xarunta taliska guud, iyo bakhaar shidaalka Xuutiyiinta kaasoo ku yaal jidka AL-Siteen ee magaalada. Wariyaha Tv-ga AL-Carabiya ayaa soo sheegay in duqeynta Isra’iil sidoo kale lala beegsaday Xarunta Bankiga Dhexe ee degmada AL-Xazm iyo Xarunta dowladda ee AL-Jawf. Qiiq badan ayaa ka kacay magaalada Sanca, iyadoo qaraxyo laga maqlay guud ahaan magaalada caasimadda ah ee Xuutiyiinta ey maamulaan. Warbaahinta Israa’iil ayaa xaqiijisay in duqeymaha cirka ey ku garaaceen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Sanca iyo AL-Jawf, iyagoo ku warramaya in Waaxda warbaahinta Xuutiyiinta ee magaalada “la beegsaday”. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli milatariga Israa’iil ey ku dhawaaqeen in ay ka hortageen gantaal ay Xuutiyiinta Yemen ka sheegteen Talaadadii. Dhankiisa, afhayeenka Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa sheegay in kooxdu ey weerar ku qaadday "bartilmaameedyo dhowr ah oo xasaasi ah" oo ku xeeran Qudus, iyaga oo adeegsanaya "gantaal ballistic ah oo madaxo badan leh," iyo mid kale oo "saddex diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn oo bartilmaameedsanayey Garoonka Ramon iyo laba bartilmaameed oo muhiim ah" Eilat ee koonfurta Israa'iil. Maalintii Khamiista, Wasiirka difaaca Israa’iil Yisrael Katz waxa uu Xuutiyiinta ugu hanjabay jawaab adag ka dib kororka weerarada gantaalaha ee ey kooxdaasi geysato. Gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo riday dalka Yemen ayaa daba socda dilkii Axmed Qaalib AL-Rahwi oo ahaa Madaxii Xukuumadda aan caalamku aqoonsanayn ee Xuutiyiinta ee magaalada Sanca iyo 11 sarkaal oo kale oo sar-sare oo kale oo lagu dilay weerar ey Isra’iil ku qaaday caasimadda Yemen ee Sanca Taariikhdu markeey ahayd 28/8/2025-ka.

ISHA-AA.

Previous
Previous

REYSAL WASAARAHA DALKA QADAR OO SI ADAG UGU JAWAABAY ISRA’IIL.

Next
Next

ISRA’IIL OO KU FASHILANTAY WEERARKII DOOXA EE MAANTA DHACAY.