ISRA’IIL OO KU FASHILANTAY WEERARKII DOOXA EE MAANTA DHACAY.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASH XAMAAS EE KA BADBAADAY ISKU DAYGA DIL EE ISRA’IIL.
(NEW YORK)-Wararka laga helaayo Xarunta Qaramada Midoobe ee New York ayaa sheegaayo in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ey berri oo Arbaca ah kuna beegan 10/9/2025-ka ey yeelan doonaa kulan deg deg ah kuna saabsan weerarka Isra’iil ey ku qaaday caasimadda Dawladda Qadar ee Dooxa maanta oo Talaada ah,ilo ku dhaw Qaramada Midoobe ayaa sheegay in kulanka berri loo balansan yahay ey codsadeen dalalka Aljeeriya iyo Pakistaan. Isra’iil ayaa maanta isku dayday iney disho Hogaamiyeyaash Siyaasadda ee Ururka Xamaas kuna sugan caasimadda Dooxa ee dalka Qadar,iyadoo balaarisay hawlgalkeeda Mileteri ey ka wado Gobolka Bariga dhexe,aqlka cad ee dalka Maraykanka ayaa weerarka Isra’iil ku tilmaamay inuu yahay mid hal dhinac ah faa’iidana uusan u lahayn Maraykanka iyo Isra’iil. Isra’iil ayaa difaaday weerarka dalka Qadar balse Qadar ayaa sheegtay in 100% weerarka uu yahay hawlgal khiyaano ah,uuna u dhigan yahay Argagixiso Caalamia ah. Reysal Wasaaraha Qadar Sheekh Maxmed Bin C/raxmaan AL-Tani ayaa sheegay in weerarka Irsa’iil uu halis ku yahay wada hadalada ey garwadeenka ka tahay Qadar una dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil. Weerarka Isr’iil ee dalka Qadar ayaa waxaa cambaareeyey dallaka Sacuudiga, Masar, Imaaraatka Carabta, Midawga Yurub iyo Soomaaliya, waxa eyna sheegeen in Isra’iil ey tahay halista Gobolka Bariga dhexe. Hogaamiyeyaasha Dooxa lagu beegsaday ayaa kala ah: (1)-Khaliil AL-Xayeh,magaciisa oo dhammaystiran waa Khaliil Ismaaciil Ibraahim Al-Xayeh,laguna naaneyso ABU USAAMA. Khaliil waxa uu ku dhashay Magaaladda Gaza taariikhdu markey ahayd 1960-kii. Khaliil ayaa ah Madaxa Xarakadda Xamaas balse dibad joog ah. (2)-Zaahir Jabaareyn,waxa uu Xamaas u qaabilsan yahay dhaqaale ururinta dibadda waane ninka dhaqaala ahaan kooxda Xamaas ey ku tiirsan tahay,Maraykanka iyo Isra’iil ayaa Zaahir ku sheegay inuu yahay 55-jir isla markaasne xiriir fiican la leh dalka Iraan,Jabaareyn ayaa xabsiga Isra’iil laga soo daayey sannadkii 2011-kii. Zaahir ayaa dhashay sannadkii 1968-dii,waxa uuna ku soo barbaaray degaanka la yiraahdo Salfiit kana taallo Waqooyiga Daanta galbeed. (3)-Khaalid Mashcal,Siyaasigaan reer Falastiin ayaa horay uga badbaaday isku day dila sannadkii 1997-dii ka dib markii Sirdoonka Isra’iil ey ku dureen Cirbad Sun ah caasimadda dalka Urdun. Khaalid ayaa ku dhashay degaanka Salwaad una dhaw Raamallah,waxa uuna Kuweyt ula soo guuray Qoyskiisa. (4)-Nzaar Cawadallah,waxa uu ka mid yahay gudiga wdaa hadaladda ee Isra’iil,Cawadallah ayaa ah Injineer dhismo,da’adiisuna waa 68-jir,waxa uuna ku dhashay xaafadda Sheekh Ridwaan ee Gaza,Isra’iil ayaana gurigiisa duqeysay dhawr mar isaga oo ka maqan,waxa uuna hogaanka Xamaas kula tartamay Yaxye Sinwaar oo ey Isra’iil dishay sannadkaan 2025-ka,waxa uu horay u soo noqday Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Gaza sannadkii 2021-kii,Cawadallah ayaa ah nin aan dhinaca ciidamadda ku shaqo leheyn balse u janjeero dhinaca Siyaasadda iyo Hogaaminta. Isra’iil ayaa horay waxa ey u dishay Ismaaciil Haniyah isaga oo ku suga caasimadda Tehraan ee dalka Iraan taariikhdu markeey ahayd Juulay-2024-kii.
ISHA-SB-MEDIA.