MADAXWEYNAHA MARAYKANKA OO KA HADLAY WEERARKII ISRA’IIL EE DALKA QADAR.
(SAWIRKA)-MW.TRUMP.
(WASHINGTON)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in militariga Mareykanka ey ku wargeliyeen in Israa’iil ey weerar ku qaaday xarunta Xamaas ee magaalada Dooxa. Waxa uu xusay in go’aanka uu qaatay Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isla markaana weerar hal dhinac ah oo laga sameeyo gudaha Qatar eysan ku guuleysan doonin hadafyada Isra’iil iyo Mareykanka midna. Trump waxa uu intaa ku daray inuu isla markiiba ku amray Ergeyga gaarka ah Steve Witkoff inuu ku wargeliyo Qadariyiinta weerarka ku soo fool leh, taasoo uu sameeyay, balse nasiib darro aad u daahay. Trump ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Isra’iil uu fursad u noqon karo nabadda. Waxa uu u xaqiijiyay Amiirka iyo Raysal Wasaaraha Qadar in arrintan oo kale eysan dib u dhici doonin, isagoo u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio inuu dhameystiro heshiiska iskaashiga difaaca ee Qatar. Trump ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray, “Duqeymaha hal dhinac ah ee lagu hayo Qadar, oo ah dal Madax bannaan, Saaxiib dhowna la ah Mareykanka, si adag, geesinimo leh, oo halis noogu gala si aan nabad u dhexdhigno, midna uma adeego Isra’iil iyo Mareykanka midna. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Si kastaba ha ahaatee, baabi’inta Xamaas oo ka macaashay dhibaatada ey ku hayaan shacabka Gaza, waa hadaf wanaagsan”. Horaantii Talaadadii, Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Trump uusan taageersaneyn go’aanka Isra’iil ee duqeynta ka dhanka ah Xamaas ee Qatar. Af hayeenka Aqalka Cad Caroline Levitt ayaa u sheegtay wariyeyaasha in iyadoo meesha laga saarayo Xamaas ey tahay " hadaf qiimo leh," in la sameeyo weerar ku wajahan Dooxa "midna uma adeegayo hadafyada Isra’iil iyo America toona." Waxay intaas ku dartay, sida lagu sheegay bayaanka ey akhriday, "Madaxweynuhu wuxuu Qatar u arkaa xulufo adag oo saaxiib la ah Mareykanka, aadna uguma qanacsana goobta weerarka."Levitt waxa uu sheegtay in Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka (Pentagon) ey ku wargelisay Madaxtooyada Maraykanka in “Israa’iil ey weerar ku tahay Xamaasta joogta Qatar”, waxa uu intaa ku daray in Trump uu ka codsaday ( Ergeyga Maraykanka ee gobolka Steve Witkoff) inuu ku wargeliyo Qatariyiinta weerarka soo socda. Waxay u tixgelisay duqeynta mid "mid dhinac ah oo ka jirta waddan madaxbannaan," iyadoo ku nuuxnuuxsatay "Weerarka ma ahan mid u adeegaya hadafyada Isra’iil ama Maraykanka." Waxa ey daaha ka qaaday in Madaxweynaha Mareykanka uu la hadlay Amiirka Qadar Tamim bin Hamad AL Thani iyo Raysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu weerarka ka dib. Levitt waxa ey sheegay in Maraykanku uu ka xun yahay goobta uu weerarka ka dhacay, iyada oo intaas ku dartay, “Waxa aanu Qadar u xaqiijinay in dhacdadan oo kale aanay ku soo noqon doonin dalkeeda”. Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegtay in Netanyahu uu u sheegay Trump intii lagu guda jiray wicitaankii maanta inuu " doonayo inuu nabad ku gaaro si deg deg ah." Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada Israa’iil ey ku dhawaaqeen iney maanta duqeymo cirka ah ku bartilmaameedsadeen madaxda sare ee Xamaas ee ku sugan magaalada Dooxa, halka Qadar ey cambaareysay weerar lagu qaaday dhismayaal ey degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Xamaas. Ciidanku waxa ey xaqiijiyeen in shakhsiyaadka la beegsaday ey "hogaaminayeen dhaqdhaqaaqyada Xamaas muddo sanado ah eyna si toos ah u lahaayeen mas'uuliyadda weerarkii Oktoobar 7 iyo "maareynta dagaalka ka dhanka ah Israa'iil."
ISHA-AA.