ELIZABETH TSURKOV OO DIB U HESHAY XURIYADEEDA KA DIB MARKII…
(SAWIRKA)-ELIZABETH TSURKOV.
(WASHINGTON)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in kooxda Xisbullah ee Ciraaq ey sii daayeen Elizabeth Tsurkov oo ah ardayad wax ka barata Jaamacadda Princeton, isla markaana la dhalatay muwaadin Mareykan ah. Trump ayaa intaa ku daray, "Elizabeth Tsurkov hadda waxay si nabad ah ku joogtaa Safaaradda Mareykanka ee dalka Ciraaq ka dib markii la jirdilay muddo bilo ah." Dhanka kale, Raysal Wasaaraha Ciraaq, Maxamed Shayaac AL-Sudani, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, wuxuu ku yiri, "Iyada oo ey soo gabagabeynayaan dadaalladii weynaa oo ey sameeyeen adeegyadayada ammaanku bilo badan, waxaan ku dhawaaqeynaa sii deynta muwaadin Ruush ah Elizabeth Tsurkov."
SHARDI: “KA DAAYA CIRAAQ WIXII KHILAAF AH”:
Illo ka tirsan garabka taageersan Iran Kataib Hezbollah ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay fiidnimadii Talaadada in sii deynta cilmi-baadhaha Israa’iil-Ruushka lagu xidhay shardi ah “Ciraaq ha laga daayo khilaaf kasta”.
Inkastoo jabhaddaasi eysan sheegan mas’uuliyadda afduubka Tsurkov, haddana ilo-wareedka ayaa yiri “Howlgalka dhacay wuxuu ahaa mid lagu sii daayay, ma ahan mid xornimo ah, ma jirin howlgal ciidan oo lagu soo furtay haweeneyda, balse waxaa lagu sii daayay shuruudo, waxaana ugu muhiimsanaa in loo gogol xaaro sidii ciidamada Mareykanka ey uga bixi lahaayeen dagaal la’aan, lagana badbaadinayo Ciraaq khilaaf iyo dagaal.
WAA TUMA ELIZABETH TSURKOV?
Elizabeth Tsurkov, oo haysata laba dhalasho kalan ah Ruush-Israa'iil waxay ahayd ardayad Doctorate(PHD) ah oo dhigata Jaamacadda Princeton. Waxay timid Baqdaad bishii Diseembar 2022 si ey cilmi-baaris ugu sameyso Arrimaha Bariga Dhexe. Waxa la waayay dabayaaqadii bishii March 2023 iyada oo ka soo baxaysa kafateeri ku taal Xaafadda Karrada. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda afduubkeeda. Muuqaalo dhawr ah oo ey duubtay kaamirada ilaalada ee goobta laga qaxweeyo ayaa muujinayay gabadha yar oo meesha ka baxeysa oo uu la socdo nin la rumeysan yahay inuu yahay afduubka iyo xubin ka tirsan kooxda Ciraaq ee daacadda u ah Iran. Israa'iil ayaa ku eedaysay kooxda Xisbullah ee Ciraaq iney ka dambeeyeen afduubka, taasoo ey kooxdu si cad u beenisay. Walaasheed, Emma, ayaa sidoo kale u xaqiijisay Tv-ga AL-Carabiya bishii Abriil 2024 iney la joogto Xisbullah, iyadoo ku nuuxnuuxsatay iney weli ku sugan tahay gudaha Ciraaq. Barteeda twitter-ka ee Elizabeth waxaa u dambeysay iney isticmaasho taariikhdu markeey ahayd Maarso 21, 2023, markaasoo ey la wadaagtay maqaal ey u diyaarisay Machadka Khadadka Cusub ee akoonkeeda Twitter-ka. Gabadhan da’da yar ee u dhalatay Ruushka iyo Israa’iil, isla markaana si fiican u taqaana luuqadda Carabiga, waxa ey cilmi-baaristeeda Gobolka diiradda ku saartay kooxaha taageersan Iran iyo dhaqdhaqaaqa Sadrist ee uu hoggaamiyo Hoggaamiyaha Shiicada Ciraaq ee Muqtada AL-Sadr, sida ey sheegeen dhawr suxufi oo la kulmay.
ISHA-AA.