XUUTIYINTA OO FULIYEY WEERAR KHASAARA BA’AN GAARSIIYEY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-BURBURKA HUTEELKA EILAT.

(EILAT/ISRAEL)-Wararka laga helaayo Isra’iil ayaa sheegaayo in Diyaarad Drone ah oo ka soo duushay dalka Yemen ey Khamiista maanta ah ku Qaraxday meel u dhow albaabka Huteel ku yaala magaalada Eilat ee Koonfurta Isra’iil, sida ey sheegtay warbaahinta Isra’iil. Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo tuuray Yemen ey ku Qaraxday albaabka Huteelka Eilat, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Dhanka kale, wargeyska Israa’iil laga leeyahay ee “Israel Hayom” ayaa sheegay in Huteelka ey ku Qaraxday diyaarada aan duuliyaha lahayn lagu magacaabo “Jacob”. Wargeyska gaarka ah ayaa sheegay in Qaraxa Drone-ka uu "Geystay khasaare nafeed." Sida laga soo xigtay wargeyska sida gaarka ah loo leeyahay ee Yedioth Ahronoth, bilaabashada socodku waxa ey sababtay in dhawaaqa seeriga hawada laga maqlo magaalada Eilat. Dhankooda, ciidamada Isra’iil ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay in "Diyaarad aan duuliye lahayn oo dhanka bari ka soo duushay ey ku burburtay deegaanka Eilat, kooxaha gurmadkana ey ka shaqaynayaan aagga." Dhanka kale, Raadiyaha Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in Ciidanka Cirka ey qabteen diyaarad labaad oo aan duuliyaha lahayn iyo gantaal. Milateriga Israa’iil ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqay iney qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen, ka dib markii ey booliisku sheegeen in diyaarad aan duuliye lahayn oo ka soo duushay bariga ey duqeysay magaalada Koonfureed ee Eilat. Ciidanka ayaa bayaan ey soo saareen ku yiri “Ciidanka cirku waxay qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen wax yar ka hor, taasoo qeylo dhaan ka soo yeertay meelo badan oo dalka ka tirsan”. Booliiska Israa'iil ayaa horay u xaqiijiyay in shaqaalahooda ey "xaqiijiyeen goobta saameynta" diyaarad Drone ah oo laga soo riday bariga magaalada Eilat ee badda cas. War kale oo ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in “Kooxaha baadigoobka iyo samatabbixinta ey ka hawlgalayaan goobtii laga helay warbixinta shilka diyaaradeed”, iyagoo xusay in ciidamada cirku ey qabteen diyaarad labaad oo aan duuliye lahayn oo dhinaca bari ka timid. Warbaahinta maxalliga ah ayaa baahisay muuqaal muujinaya diyaarad Drone ah oo ku soo dhacday meel u dhow albaabka laga galo Huteel ku yaal magaalo xeebeedkaas oo ah goob dalxiis oo ey u dalxiis tagaan dad aad u tiro badan oo Israa’iiliyiin ah, si ey ugu tagaan fasaxa sanadka cusub ee Yahuudda oo billaabanaysa maalmaha soo socda.

XUUTIYIINTA OO SHEEGTAY WEERARAKA ISRA’IIL":

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa fiidnimadii Khamiista sheegtay in “ay fuliyeen saddex hawlgal oo militeri, kuwaasoo mid ka mid ah lala beegsaday bartilmaameedka xasaasiga ah ee millatariga Israa’iil ee degaanka Jaffa ee la haysto ee Falastiiniyiinta 2 hypersonic ballistic missile, halka labada hawlgal ee kale lala beegsaday bartilmaameedyada deegaannada Umm al-Rashrash iyo Bir al-Sabca oo ey wateen afar diyaaradood.

ISHA-AA.

Previous
Previous

CIIDAMADDA SURIYA OO SOO QABTAY TUHMANE BAXSAD AHAA.

Next
Next

DALKA LIIBIYA OO BILAABAY ISKU SHAANDHEYN XAGA CIIDAMADA AH.