CIIDAMADDA SURIYA OO SOO QABTAY TUHMANE BAXSAD AHAA.

(SAWIRKA)-TUHMANE XUSEEN.

(LONDON)-Wararka laga helaayo dalka Suuriya ayaa sheegaayo in Maamulka Suuriya uu xiray tuhmane lala xiriirinayo weerar baabuur oo dhacay sannadkii 2020 kana dhacay magaalada Sajo, oo u dhow Cazaz ee Waqooyiga Suuriya, kaasoo ey ku dhinteen shan eyna ku dhaawacmeen 85-qof oo kale. Taliska Nabad Suggida ee Magaalada Xalab, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday iney gacanta ku dhigeen Xuseen Xaaji Mowas, oo ka yimid tuulada Maraan oo ka tirsan baadiyaha Xalab. Saraakiishu waxay sheegeen inuu isku soo ekeysiiyay Dumar soona lebbistay dharka dheddigga isagoo isku dayaya inuu baxsado waxaane la xiray Khamiista maanta ah. Sida ey sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mowas waxa uu Qaraxaas ku beddeshay lacag, waxaana uu shaqadiisa darawalnimo u isticmaalay hub iyo agabka mamnuuca ah. Qaraxii ka dhacay Saajo bishii Luulyo 2020 ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof, waxaana ku dhaawacmay 85 kale. Tan iyo markii la riday nidaamka Bashaar Asad bishii December ee la soo dhaafay, xukuumadda cusub ee Dimishiq waxay xirtay dhowr tuhmaneyaal iyo dembiilayaal, oo ey ku jiraan saraakiil ciidan, kuwaasoo loo haysto dambiyo ey galeen intii ey socdeen dagaallada sokeeye ee dalkaas.

XIGASHO-AN.

Next
Next

XUUTIYINTA OO FULIYEY WEERAR KHASAARA BA’AN GAARSIIYEY ISRA’IIL.