ISRA’IIL OO KOONFURTA LUBNAAN DAD KU DISHAY.
(SAWIRKA)-GAARIGA LA BEEGSADAY.
(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Lubnaan ayaa sheegaayoin duqaymo ey Israa'iil ka geysatay Koonfurta dalka Lubnaan Jimciha maanta ah, weerarada ayaa lagu dilay 2 qof 11 kalena waa lagu dhaawacay, Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay, weeraradii ugu dambeeyay in kasta oo ey xabbad-joojin dhexmartay Israa'iil iyo Xezbullah. Wasaaraddu waxay sheegtay in “Weerar dhinaca cirka ah oo ey Israa’iil ku qaaday baabuur” bannaanka cisbitaalka dadweynaha ee Tibnin uu ku dilay hal qof, laguna dhaawacay 11, halka weerar kale oo lagu qaaday baabuur ku sugnaa Ansaar uu ku dhintay hal qof. Ciidamada Israa’iil ayaan si deg deg ah uga hadlin duqeyntaasi. Weerarkan ayaa imaanaya maalin ka dib markii Israel ey duqeysay shan magaalo oo ey u sheegtay dadka deegaanka iney isaga guuraan. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ey duqeeyeen dhowr xarumood oo hubka lagu keydiyo oo ey leeyihiin xoogaga sare ee Xezbullah ee Radwan.
Madaxweynaha dalka Lubnaan Joseph Cawn ayaa dhaleeceeyay weerarada iyo "amusnaanta dalalkii kafaala qaaday" xabbad joojinta, taasoo uu yiri "waxay dhiirigelinaysaa gardarrada dheeraadka ah." "Waxaa la gaaray waqtigii si deg deg ah loo soo afjari lahaa xadgudubyadan bareerka ah ee lagu hayo Madax-banaanida Lubnaan," ayuu yiri. Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan koonfurta Lubnaan ayaa sheegay in weeraradu "Ey halis galiyeen xasiloonida jilicsan ee la dhisayey tan iyo bishii November ee sanadkii hore" waxayna ugu baaqeen Israa'iil "iney ka fogaato weeraro kale oo ey si buuxda uga baxdo dhulka Lubnaan." Israa’iil ayaa marar badan duqeymo ka geysatay dalka Lubnaan inkastoo xabbad joojin ey dhacday bishii November taasoo la doonayay in lagu soo afjaro colaadda ey kula jirtay Ururka Xisbullah in ka badan hal sano. Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in weeraradii Khamiista ey Israa’iil ka dhigeen “xadgudubyo” xabbad-joojin ah 4,500, iyagoo intaa ku daray iney caqabad ku yihiin dadaallada hubka looga dhigayo Xisbullah. Cadaadiska Mareykanka, Beyrut ayaa ku amartay ciidamada Lubnaan iney dejiyaan qorshe hubka looga dhigayo kooxda ey taageerto Iran ee ku sugan deegaanada u dhow xadka Isra’iil dhamaadka sanadka. Wasiirka arrimaha dibadda Youssef Raggi ayaa todobaadkii hore sheegay in ciidamada Lubnaan ey si buuxda hubka uga dhigi doonaan Ururka Xisbullah ee u dhow xadka muddo saddex bilood gudahood ah.
ISHA-AN.