ISRA’IIL OO DUQEYN KA GEYSATAY KOONFURTA LUBNAAN.
(SAWIRKA)-GAARIGA LA DUQEEYEY.
(BEIRUT)-Wararka aan ka heleyno caasimada dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in hal qof uu Sabtida maanta ah ku dhintay duqeyn ey Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan, Wasaaradda Caafimaadka Lubnaa ayaa sidaas sheegtay, in kasta oo xabbad joojin muddo dhowr bilood ah ka jirtay Israa’iil iyo Ururka Xizbullah. Wasaaradda Caafimaadka ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo Israa’iil ey ku qaaday baabuur marayay wadada AL-Khardali uu sababay dhimashada hal qof. Israa’iil ayaa si joogto ah duqeymo ka geysata dalka Lubnaan, iyadoo ku andacoonaysa iney beegsanayso Xizbullah, inkastoo xabbad joojin la gaaray November 2024 ka dib in ka badan hal sano oo dagaal. Duqeymaha Israa’iil ee Jimcihii ayaa lagu dilay laba qof koonfurta . Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay iney dileen hoggaamiyihii Xizbullah, Camaar Haayil Quseybani, marka laga soo tago xubin ka tirsan xisbiga “Radwan Force”. Tani waxay timid maalin uun ka dib markii Isra’iil ey duqaymo la beegsatay shan tuulo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka ee rasmiga ah, ka dib digniino ey Israa'iil u jeedisay dadka deggan iney ka guuraan dhismayaasha la duqeeyay. Lubnaan ayaa cambaareysay duullaanadan. Bayaan uu soo saaray, Madaxweyne Joseph Aoun waxa uu ku dhaleeceeyay "Amusnaanta dawladaha kafaala qaaday" heshiiska xabbad joojinta, isaga oo ku tilmaamay "fashil khatar ah oo dhiirigelinaya weerarradan." Wuxuu intaas ku daray, "Waxaa la joogaa xilligii si deg deg ah loo joojin lahaa xadgudubyadaas." Cadaadiska Mareykanka, dowladda Lubnaan ayaa bishii hore ka codsatay ciidamada iney dejiyaan qorshe hubka looga dhigayo Xizbullah oo si weyn u wiiqay dagaalkii dhawaan ey la gashay Israa’iil. Wasiirka arrimaha dibadda Youssef Rjei ayaa xaqiijiyay in ciidanku ey ku soo gabagabeynayaan hub ka dhigista dagaalyahannada ku sugan aagga xadka muddo saddex bilood ah. Ciidanka Lubnaan ayaa sheegay in weeraradii Khamiista ey ka dhigeen tirada "xadgudubyada" Isra’iil ee xabbad joojinta 4,500, iyagoo caddeeyay iney caqabad ku yihiin dadaalkooda ku aaddan hirgelinta qorshaha hub ka dhigista.
XIGASHO-AL-CARABIYA.