MADAXA SIRDOONKA SUUDAN OO KA HADLAY WEERARADA RSF EE DAARFUUR.
(SAWRKA)-BARAKACAAYSHA SUUDAAN.
(DARFUR/SUDAN)-Agaasimaha guud ee Sirdoonka Sudan, Sareeye Guud Axmed Ibraahim Mufadal, ayaa ka digay in ciidamada Rapid Support Forces ( RSF ) ey keensadeen wax uu ku tilmaamay Calooshood u shaqeystayaal ka socda Gobolka iyo Caalamka, kuwaasoo ka faa'iideysanaya taageero dhaqaale iyo mid milateri oo dibadda ah. Arintan ayaa sii kordhisay dhibaatada haysata dadka reer Suudaan, waxayna halis galisay Xasiloonidooda iyo Amnigooda, halka 7,500 oo qof ey ku barakaceen AL-Fashir saddex maalmood gudahood. "Calooshood u shaqeystayaasha waxay galeen dambiyo waa-weyn, oo ey ku jiraan iney xoog ku galeen Saldhigyada Booliiska iyo Xabsiyada waxayna sii daayeen Maxaabiis khatar ah oo ku takhasusay Argagixisanimada, ka Ganacsiga hubka, iyo ka Ganacsiga Daroogada," Wakaaladda Wararka Suudaa ee SUNA ayaa ka soo xigatay Mufadal mar uu ka qayb galayay Madasha Amniga ee Baku ee dalka Asarbayjan. Mufadel waxa uu ku nuuxnuuxsaday in khatarahani ey dhaafsiisan yihiin Suudaan, isaga oo tilmaamay khatarta fidinta Argagixisada iyo dembiyada abaabulan ee caalamiga ah. Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in ey taageeraan dalkiisa, isla markaana ey diidaan cid kasta oo taageero u fidineysa Ciidamada Taageerada Deg degga ah, kuwaasi oo Ururada Gobolka iyo kuwa Caalamiga ah ey si rasmi ah ugu Aqoonsadeen Argagixiso. Madashan oo lagu qabtay Caasimadda dalka Asarbayjaan ee Baku 21-kii ilaa 23-kii Sebtembar ayaa hal-ku-dhegeedu ahaa “Doorka Iskaashiga Ammaanka ee Ka-hortagga Xasaradaha Bini’aadantinimo ee Xilliga Colaadaha iyo Masiibooyinka,” iyadoo ujeeddadu tahay in la kobciyo iskaashiga caalamiga ah iyo is-dhaafsiga khibradaha si wax looga qabto caqabadaha Amniga ee xuduudaha.
HORUMARKA GOOBAHA DAGAALKA:
Dhinaca dhilka,Masuuliyiinta Suudaan waxay ku dhawaaqeen maanta oo Axad ah,in Gobolka Daarfuur lagu dilay Sarkaal ka tirsan maamulka iyo xaaskiiska. Mas’uuliyiinta Suudaan ayaa sheegay in Xoghayihii Guud ee Dowladda Waqooyiga Darfur, Mohameday Cabdullah, iyo Xaaskiisa lagu dilay EL-Fashir, ka dib markii gurigooda lala beegsaday Gantaal ey soo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn(DRONES) ee Ciidamada Taageerada deg degga ah. Guddoomiyaha Gobolka Waqooyiga Darfur AL-Xafiz Bakhit Maxammed iyo xubno ka tirsan dowladdiisa ayaa u baroor diiqay Cabdullah iyo Xaaskiisa, sida ey sheegtay Wakaaladda wararka ee Sudan. Maxamed waxa uu sheegay in Cabdullah iyo Xaaskiisa la dilay ka dib markii gurigooda lagu bartilmaameedsaday Gantaal nooca aan duuliyaha lahayn ee aan duuliyaha lahayn fiidnimadii Sabtida oo ey fuliyeen Ciidamada Taageerada deg dega ah ee EL Fashir. Dhinaca kale, Hay’adda Socdaalka Adduunka(IOM) ayaa shaacisay in 7,500 oo qof ey ka barakaceen Eerooyinka Abu Shuuk iyo magaalada EL-Fasher ee Galbeedka Sudan sababo la xiriira Amni darro saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Hay'adda ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa warbixin ey soo saartay ku sheegtay in kooxaha goob-joogga ah ee daba-galka u ah barakaca ey ku qiyaaseen in 7,500 oo qof ey ka barakaceen Xerada Abu Shuuk ee dadka gudaha ku barakacay iyo magaalada EL-Fashir sababo la xiriira Ammaan-darro oo sii xumaanaysa intii u dhexeysay 17-kii ilaa 19-kii September. Waxay sharaxday Hayadda in dadka barakacay ey u guureen meelo kale oo ka tirsan magaalada EL-Fashir, ee xarunta Gobolka Waqooyiga Darfur, xaaladduna ey weli tahay mid aad u kacsan oo aan deganeyn magaalada. Ciidamada Taageerada Deg dega ah ayaa ku soo rogay EL-Fashir go'doomin tan iyo May 10, 2024, inkastoo digniino caalami ah ey ka bixiyeen khatarta dagaalka ka socda halkaas, marka loo eego sida ey tahay xarunta hawlaha bini'aadantinimo ee shanta Gobol ee Darfur. Tan iyo bartamihii bishii April 2023, ciidanka dawadda Sudaan iyo xoogaga Taageerada deg dega ah waxay wadeen dagaal kaasoo dadaallo badan oo dhexdhexaadin heer gobol iyo heer caalami ah ey ku guuldareysteen iney soo afjaraan, inkastoo ey dalka ka jiraan masiibo bini'aadantinimo ka baxsan. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20,000 oo qof waxaana ku barakacay ku dhawaad 15 milyan, sida ey sheegeen Qaramada Midoobay iyo maamulada maxalliga ah.
XIGASHO ALJAEERA/ARABIC.