DALKA LIIBIYA OO BILAABAY ISKU SHAANDHEYN XAGA CIIDAMADA AH.

(SAWIRKA)-RW-DEBEYBAH.

(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya, Abdulxamid Dbeybah, ayaa Arbacada maanta ah qaaday tallaabooyin cusub oo uu dib ugu soo celinayo dhismaha Muceytaqiyah ee gacanta dowladdiisa, ka dib markii ey gacanta ku haysay sannado badan Hay'adaha ka hortagga iyo la-dagaalanka dambiyada iyo Argagixisada. Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo qayb ka ah fulinta heshiiskii amniga ee ey labada dhinac kala saxiixdeen. Heshiiska ayaa dhigaya in ciidamada “Xoogaga ka hortaga” laga saaro Garoonka Muceyteyqah, iyadoo guuto dhex dhexaad ah oo xiriir la leh Golaha Madaxtooyada ey la wareegeen Ammaanka Garoonka. Maamulka Xabsiga Muceyteyqah iyo Xabsiyo kale oo dhowr ah ayaa loo kala wareejin doonaa Wasaaradaha Cadaaladda iyo Booliska, iyadoo sidoo kale loo magacaabi doono Taliyaha cusub ee Booliska, shaqsi la isku raacsan yahay, iyo in shaqsiyaadka la baadigoobayo lagu wareejiyo Xafiiska Xeer Ilaalinta.

DHISMAHA LABA GUDI:

Sida ku cad heshiiska, Dbeybah waxa uu go'aansaday Arbacadia maanta ah inuu dhiso laba guddi. Midka koowaad waxa uu ku dhamayn doonaa kala qaybinta Garoonka rayidka ee Muceyteyqah iyo Saldhigga Milatariga Muceyteyqah muddo hal toddobaad gudaheed ah, halka kan labaadna uu la wareegi doono Xabsiyada Muceyteyqah iyo Ceyni Zaarah ee caasimadda Tripoli, lana tirin doono Maxaabiista, laguna wareejin doono Wasaaradda Caddaaladda. Sidaas si la mid ah, Sareeye Gaas AbdulFataax Dabuub, oo uu u magacaabay Dbeybah, ayaa Arbacada maanta ah si rasmi ah ula wareegay xilkiisa Taliyaha Ciidanka Booliska, inkastoo uu khilaaf ka dhashay arrinta u dhaxeeya isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada Maxamed Menfi, oo cid kale u xil saaray iney hogaamiso Ciidanka.

GALKA TUHMOOYINKA:

Waxaa xusid mudan in dhismaha Muceyteyqah oo ey ka mid yihiin Garoonka diyaaradaha,isbitaalka ciidamada iyo Xabsiga, ey muddo sanado ah gacanta ku hayeen ciidamada difaaca, kuwaasoo dhaleecayn gudaha iyo dibadda ah kala kulmayay xaaladda Maxaabiista. Xiriirka dhismahan ayaa waxa ey noqotay arin tuhun badan oo halgan ku jirta saamaynta ey ku yeelanayaan hay’adaha amaanka iyo kuwa milatariga ee caasimada Tripoli.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

XUUTIYINTA OO FULIYEY WEERAR KHASAARA BA’AN GAARSIIYEY ISRA’IIL.

Next
Next

CIIDAMADDA DAWLADDA YEMEN OO QABTAY HUB U SOCDAY XUUTIYIINTA.