CIIDAMADDA DAWLADDA YEMEN OO QABTAY HUB U SOCDAY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-HUB LAGU QABTAY YEMEN.
(YEMEN)-Wararka laga helaayo dalka Yemen ayaa sheegaayo in Xubin ka tirsan Golaha Hoggaaminta Madaxweynaha, Dhaariq Saalax, iyo Wasiirka Difaaca, Sareeye Guud Muxsin AL-Daaciri, ayaa booqday bandhigga "Shixnad 750", oo ey ku jiraan nuucyo hubkii ugu waa weyn ee lagu soo sameeyey Iran kaaso dhawaan la qabtay, waxa uuna gaaraya 750-tan. Booqashadan ayaa daaha ka rogtay faahfaahino khatar ah, iyadoo khubarada Injineernimada milateriga ee ka tirsan iska caabinta Qaranka ey dib u eegis ku sameeyeen waxa ku jira shixnadda, oo ey ku jiraan Hubka Gantaallada Riddada Dheer iyo kuwa Gaaban, Diyaaradaha wax lagu weeraro iyo kuwa Sahanka, kuwa Basaaska iyo kuwa Ilaalada, marka lagu daro rasaas casri ah iyo qalab ciidan. Wasiirka Difaaca ayaa xaqiijiyay in dhammaan walxaha la qabtay ey muujinayaan tilmaamo cad oo muujinaya Warshadaha militariga Iran, isaga oo amaanay dadaalka tayada leh ee ey sameeyeen iska caabinta Qaranka ee daah-furka caddaymahan kama dambaysta ah ee xiriirka tooska ah ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Tehran, taas oo daaha ka qaadaysa sheegashadooda ah in ey leeyihiin awoodaha wax soo saarka milatari ee maxalliga ah. Sareeya Guud AL-Daaciri waxa kale oo uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay doorka muhiimka ah ee ey ciidamada iska caabinta qaranku ka qaateen iska hor imaadka ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee hubka sharci darrada ah ku soo galiyay dalka Yemen, isagoo carabka ku adkeeyay in guulahani ey xoojinayaan dadaallada qaran ee dagaalka masiiriga ah ee lagula jiro maleeshiyaadka Xuutiyiinta.
ISHA-XARAF28.