XUUTIYIINTA YEMEN OO WEERAR CIRKA AH KU QAADAY ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-HALKA EY KU SOO DHACDAY DRONES-KII YEMEN.
(SANA’A/YEMEN)-Wariyayaasha u shaqeeya Tv-ga caalamiga ah ee AL-Carabiya ayaa ku soo waramaya in tirada dadka ku dhaawacmay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah oo ku soo dhacday magaalada Eilat ey kor u dhaaftay 22 qof. Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka diyaarada aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday magaalada Eilat. Sida laga soo xigtay militariga Israa’iil, digniin dhanka cirka ah ayaa laga soo saaray magaalada Eilat, sababo la xiriira duullaanka ey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ey ku galeen hawada Israa’iil. Ciidanka ayaa yiri: "Waxaa la isku dayay in la qabto, waxaana hadda goobtii uu shilku ka dhacay ka socda gurmad iyo baadi goob. Sida uu qoray website-ka Ynet diyaaradan oo aan duuliye lahayn ayaa ku soo dhacday meel ku dhow Hotel Eilat. Ciidamada Cirka ee Isra’iil ayaa ku macneeyay in ey isku dayeen in ey ka hortagaan diyaaradaasi ka hor inta eysan dhicin, balse diyaaradaasi waxa ey ku guulaysteen iney gudaha u gasho hababka difaaca hawada ee lakabyada badan waxa eyna gaartay meel ey dadku ku badan yihiin. Laamaha ammaanka ayaa sheegay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo sida ey ugu suuragashay in diyaarada aan duuliyaha laheyn ey ka gudubto difaacyada. Qaraxan oo ka dhacay meel ku dhow mid ka mid ah xarumaha Ganacsiga ee ugu mashquulka badan Eilat, ayaa argagax ku abuuray dadka deegaanka, iyadoo firirka laga maqlayay magaalada oo dhan, goob joogayaal ayaa sheegay iney maqleen qaraxyo badan. Warbaahinta Isra’iil ayaa ku warantay in dhowr qof ey ku dhaawacmeen ka dib markii diyaarada aan duuliyaha lahayn ey ku burburtay magaalada Badda Cas ee ku taal xadka Urdun iyo Masar. Taas waxaa ka sii horeeyay in ciidamada Isra’iil ey ku dhawaaqeen in firirka hawada laga maqlay Eilat ka dib markii ey ogaadeen diyaarad ka soo duushay Yemen. Eilat, oo ah magaalo loo dalxiis tago oo caan ah una dhow xuduudka Isra’iil la wadaagto Masar, ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad badan Arbacada maanta ah, xilli ey u yimaadeen fasaxa sanadka cusub ee Yuhuuda. Ka dib markii uu dagaal ka qarxay Qaza October 7, 2023, Xuutiyiintu waxa ey bilaabeen in ey gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku garaacaan Isra’iil oo ey weeraro ku qaadaan Maraakiib Ganacsi oo ey ku sheegeen in ey ku xiran yihiin xeebaha Yemen. Isra’iil oo ka jawaab celineysa ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday goobaha ey maamulaan Xuutiyiinta, waxaana ey beegsatay Dekedaha,Xarumaha Korontada iy Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Sanca.
XIGASHO AL-CARABIYA.