MADAXWEYNIHII HORE EE FARANSIISKA OO LA XUMAY.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASHA QADAAFI I YO SARKOZY.
(PARIS/FRANCE)-Horumar la taaban karo oo dhinaca Garsoorka ah ayaa gilgilay saaxadda Siyaasadda dalka Faransiiska, Maxkamad ku taal magaaladda caasimadda ah ee Paris ayaa ku xukuntay Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy shan sano oo xarig ah maanta oo Khamiis ah ka dib markii ey ku heshay danbi ah inuu si sharci darro ah u maalgeliyay Ololihiisa Doorashada oo uu ka helay lacag Liibiyaan ah. Waa markii ugu horeysay oo Madaxwaynihii hore ee Faransiiska uu la kulmo xukun sidan oo kale ah kiis la xiriira Musuqmaasuq iyo dhaqaale Siyaasadeed. Xukunka ayaa yimid maanta kadib markii maxkamada Paris ay ku heshay danbi ah inuu Liibiya la galay dambiyo la xiriira inuu si sharci darro ah u maalgelinayay ololihiisa doorashada. Sarkozy oo mar walba diidi jiray eedeymaha lagu soo oogay ayaa lagu eedeeyay inuu heshiis la galay Mucamar Al-Qadaafi si uu dhaqaale ugu helo ololihiisa doorashada isagoo ku bedelaya inuu taageero caalami ah u fidiyo dowladdii Liibiya ee xilligaas jirtay. Xaakimka oo dambiyo kale ku waayay Sarkozy, sida Musuq-maasuq ayaa sheegay inaysan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya in Sarkozy uu heshiis caynkan oo kale ah la galay Madaxweynihii hore ee dalka Liibiy Col.Macamar AL-Qadaafi, sidoo kalena lacagta laga soo diray Liibiya ey ku dhacday khasnadda Ololaha Sarkozy. Xukunka Sarkozy ayaa la macno ah in Xabsiga la dhigi doono iyada oo aan loo eegin in uu racfaan ka qaadanayo. Garsooraha ayaa sidoo kale ku amray Sarkozy inuu bixiyo Ganaax dhan 100,000 oo Yuuro,una dhiganta $116,739.24 doolarka Maraykanka ah. Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay Sarkozy oo mar walba diidi jiray eedeymahaas in uu heshiis la gaaray Qadaafi sanadkii 2005-tii, xilligaas oo uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, si uu dhaqaale ugu helo Ololihiisa doorashada, si uu taageero caalami ah ugu helo dowladdii xilligaasi jirtay ee Liibiya.
MAALGELIN SHARCI DARRA AH:
Sarkozy, oo xilka Madaxweynenimo soo qabtay sannadihii 2007 ilaa 2012, ayaa lagu eedeeyay inuu Malaayiin doollar oo olole sharci darro ah ka qaatay taliskii hore ee Liibiya. Madaxweynihii hore oo ey weheliyaan 12 eedaysane ayaa loo haystaa dacwado la xiriira dhaqaale sifo sharci darro ah oo olole doorasho, lunsi hanti dadweyne iyo laaluush. Eedeysanayaasha ku lugta leh kiiska waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Claude Guéant iyo Brice Orte-Foy, iyo sidoo kale Wasiirkii hore ee Shaqada Eric Woerth.
TOBAN SANO OO XARIG AH:
Eedeysaneyaal dhowr ah oo ku lug lahaa kiiska ayaa wajahaya xukun gaaraya 10 sano oo xarig ah. Faransiiska ayaa 21 waddan ka codsaday kaalmo sharci, taasoo qayb ka ah baaritaanka balaaran ee kiisa Liibiya.
XIGASHO-AL-CARABIYA.