ISRA’IIL OO WEERARTAY CAASIMADA YEMEN EE SANCA KUNA TUURTAY 65-BAMBO.

(SAWIRKA)-DADKII KU DHAAWACMAY WEERARKII ISRA’IIL EE SANCA YEMEN.

(SANA’A/YEMEN)-Ka dib weerar ey diyaarad Drone ah ku qaaday magaalada Eilat ee koonfurta Israa’iil oo eyna ku dhaawacmeen 22 qof, diyaaradaha Israa’iil oo gaaraayo ilaa 20-diaayardood ayaa 13 weerar oo cirka ah ku qaaday Xarumaha Xuutiyiinta ee caasimadda Yemen ee Sanca, kuwaasoo lala beegsaday Xarumaha Ammaanka iyo Sirdoonka ee fagaaraha Sabciin iyo Bab AL-Yemen, sida laga soo xigtay AL-CARABIYA. Wariyaha AL-Carabiya ayaa sheegay in weerarkaas uu sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawaca 48 kale,kuwaaso qaarkood ey aad u liidato xaaladooda,waxaane Isbiltaada Sanca ka jirto dhiig la’aan. Duulaankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu khudbad ka jeedinayay Hogaamiyaha Xuutiyiinta Cabdulmalik AL-Xuuti, inkastoo aan wali la helin xog la xaqiijiyay oo la xiriirta inta uu le'eg yahay khasaaraha Nafeed iyo midka Hantiyeed. Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warantay in duqeymaha ey ku bartilmaameedsadeen Xarumaha Taliska Xuutiyiinta iyo bakhaarrada hubka ee magaalada caasimadda ah ee Sanca.

XERADA TALISKA GUUD:

Dhankiisa,Wasiirka Difaaca Israa’iil Yisrael Katz ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil Ey duqeymo xooggan ku qaadeen Goobaha iyo Xerooyinka Xuutiyiinta ee caasimadda Yemen ee Sanca, oo ey ku jirto Xerada Taliska Guud ee kooxda. Xuutiyiinta. Waxa uu intaa ku daray bartiisa Tweeter-ka ee X in duqeymahaasi ey sababeen in la cirib tiro tobanaan canaasiir ah oo Xuutiyiinta ah, isagoo carabka ku adkeeyay in Israa’iil “ey sii wadi doonto beegsiga wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda gobolka,” waa sida uu hadalka u dhigaye.

“WEERAR DARAN OO XANUUN BADAN”.

Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ugu hanjabay Xuutiyiinta “Dharbaaxo xanuun badan oo xanuun badan” fiidnimadii Arbacada ka dib markii diyaarad Drone ah oo Xuuthiyiinta ey beegsatay goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Eilat ee koonfurta Isra’iil, halkaas oo ay ku dhaawacmeen 22 qof. Muddo toddobaadyo ah, millatariga Israa’iil waxa ey xoojiyeen weerarrada ka dhanka ah Xuutiyiinta oo ey Iraan taageerto, iyaga oo tobannaan qof ku dilay toddobaadkii hore caasimadda Sanca, ka dib markii la dilay Raysal Wasaarahooda iyo ku dhawaad ​​kala bar Golahoodii 28-kii Agoosto.

WEERARADA SII XOOGEYSANAYA:

Waxaa xusid mudan tan iyo markii uu qarxay dagaalka Marinka Gaza ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas 7-dii October 2023 Xuutiyiintu waxay si joogto ah u duqeeyeen gantaalaha ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil, kuwaas oo inta badan la qabto.

WEERARAKII ISRA’IIL EE SANCA SEBTEMBAR 10,2025:

Israa'iil ayaa ku jawaabtay duqaymo ey la beegsatay goobaha Xuutiyiinta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo hoggaamiyeyaasha Yemen oo dhan, halkaasoo ey ku dileen boqolaal qof. Dhanka kale, kooxda Xuutiyiinta ayaa wacad ku martay iney sii wadi doonaan duqeymaha ey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ku beegsanayaan Israa'iil, "ilaa go'doominta Gaza iyo dagaalka dhiigga badan ku daatay ee halkaas ka socdo uu dhammaanayo”. Dhinaca kale,Goobaha maanta weerarka lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Buurta Nuqum, Sawaad, Degmada Sanxaan oo ah halka uu ka soo jeedo Madaxweynihii ee dalka Yemen AUN-Cali Cabdalla Saalax, Bani Bahluul, Khawlaan, Bilaada Ruus,dhammaan Goobahaan waxa ey Caasimadda Sanca kaga beegan yihiin Koonfurta, haka Goobaha Caasimadda laga beegsaday ey ka mid yihiin,Xerada Ciidamada ee Nahdeyn una dhaw Madaxtooyadda Sanca, Taliska Amni Siyaasi ee ku yaalo wada Sabciin Koonfurta Sanca,waxaane la soo werinayaa in Sabciin uu ku geeriyooday wiil yar oo toban jir ah ka dib markii et dhacday duqeynta diyaardaha Isra’iil. Weerarka maanta dhacay ayaa lagu burburiyey Xarunta Dahbeyn ee dabka siineysay magaaladda caasimada ah ee Sanca. Dhinaca Isbitaalada Sanca, waxaa hadda ka taagan dhiig yari waxa eyna dadka u baahan yihiin in dhiig lagu shubo sida ey soo sheegeen warbaahinta Maxaliga,Goobaha ey kooxda Xuutiyiinta u asteeyeen in dadku dhiiga ku bixin karo ayaa waxaa ka mid ah”Isbitaal Ribaadh, Wadooyin Haayil iyo Riqaasa iyo Bangiga Dhiiga”.

XIGASHO WAKAALADDO.

Previous
Previous

LA TALIYAHA MADAXWEYNE DONALD TRUMP OO SHEEGAY IN SUUDAAN EY DHIBAN TAHAY…

Next
Next

MADAXWEYNIHII HORE EE FARANSIISKA OO LA XUMAY.