LA TALIYAHA MADAXWEYNE DONALD TRUMP OO SHEEGAY IN SUUDAAN EY DHIBAN TAHAY…
(SAWIRKA)-DAGAALKA SUUDAAN.
(WASHINGTON/USA)-La taliyaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Arrimaha Afrika ayaa xaqiijiyay in khadka isgaarsiinta ee dhinacyada isku haya Suudaan ey furan yihiin.
Muscid Boolos oo Khamiista maanta ah Waraysi siiyay ATv-ga Caalmiga ah ee AL-Carabiya isagoo jooga New York ayaa sheegay in Washington ey rajo ka qabto suurtagalnimada wadahadal dhexmara Ciidamada Suudaan iyo Xoogaga Taageerada Deg dega ah.
GARGAARKA EL-FAASHIR:
Boolos waxa uu intaa ku daray in masiibada bini’aadantinimo ee ka jirta Sudan ey tahay tii ugu darnayd ee soo marta caalamka, waxaanu intaa ku daray “Waxaan ku qabanay magaalada New York kulamo aanu wax kaga qabanayno xaalada cakiran ee EL Fashir” ee Gobolka Darfur ee Galbeedka Sudan, kaasoo ey go’doomiyeen Ciidamada deg dega ah ee taageera muddo sanad ka badan. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan dejinay hannaan fududeynaya in gargaarka bini’aadantinimo la gaarsiiyo EL-Fashir,” isagoo ku macneeyay iney bilaaban doonto saacado gudahood. Wuxuu carabka ku adkeeyay in sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar loo gaarsiiyo EL-FashIr, isagoo xusay in, in ka badan 100,000 oo caruur ah oo ku nool magaalada ey la ildaran yihiin macaluul. Laga soo bilaabo Xerada Abu Shook ee dadka barokacay ee duleedka EL- Fashir
LAGA SOO BILAABO ABRIIL 2023.
Waxaa xusid mudan in dagaalka u dhexeeya Ciidamada Suudaan iyo Xoogaga taageerada deg dega ah uu Qarxay bishii Abriil 2023.
Iskahorimaadka ayaa ilaa hadda dilay tobanaan kun, barokiciyay in ka badan 13 milyan, waxaana burburiyay kaabayaasha rayidka, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse. Dagaalkan oo hadda galay sanadkii saddexaad ayaa waxa uu sababay wax ey Qaramada Midoobay ku tilmaantay “dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka”. Waqooyiga Darfur oo kaliya, in ka badan hal milyan oo qof ayaa la il daran macluul,sida uu sheegay Ururka Caalamiga ah.
XIGASHO-AL-CARABIYA.