TRUMP OO LA KULMAY CARABTA IYO ISLAAMKA HOGAANKOODA QAAR.
(SAWIRKA)-KULANKA TRUMP IYO CARABTA,ISLAAMKA.
(NEW YORK)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar uu la kulmay Madaxda Carabta iyo kuwa Islaamka sida Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad AL Thani iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxa uu sheegay in dalkiisa uu ka shaqeyn doono sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka socda Marinka Gaza. Trump ayaa intaa ku daray in kulankan oo ka dhinac socday shirarkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York Talaadadii uu ahaa mid aad u wanaagsan oo uu matalay "kulankii ugu muhiimsanaa ee aan abid yeesho." Bilowgii kulanka ayuu Trump ku macneeyay “Kulankan wuxuu noqon doonaa mid muhiim ah, waxaana ka wadahadli doonaa joojinta dagaalka, waxaana laga yaabaa inaan hadda soo afjarno”. Intii uu socday kulanka, Erdogan ayaa laga soo xigtay talefishinka TRT oo sheegay in uusan dagaal ka dhicin Gaza, balse uu yahay Duullaan iyo Xasuuq, isagoo carabka ku adkeeyay in waxa ka socda Marinka ey yihiin “dil, burburin, iyo barakicin qasab ah oo lagu hayo Falastiiniyiinta”. Intii uu kulanka socday ayaa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad waxa uu u sheegay Madaxweynaha Mareykanka in xaaladda Marinka Gaza ey aad u liidato.
TRUMP WUXUU SOO BANDHIGAY HINDISE NABADEED OO LOOGU TALAGALAY MARINKA GAZA:
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka, Caroline Levitt ayaa maanta oo isniin ah saxaafadda u sheegtay in Trump uu kulan la qaadan doono dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, Masar, Urdun, Turkiga, Indonesia iyo Pakistan. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono xaaladda Gaza. Warbaahinta Axios ayaa horey u sheegay in Trump uu hordhigi doono hogaamiyayaasha kooxdan wadamada hindise nabadeed iyo mustaqbalka maamulka Gaza dagaalka ka dib. Marka laga soo tago sii deynta Maxaabiista Isra’iil ee Gaza iyo soo afjarida dagaalka, Wargauska Axios wuxuu rajeynayaa in Trump uu kala hadlo mabaadi'da ka bixitaanka Isra’iil ee Marinka iyo mustaqbalka maamulka halkaas ka dib marka uu dhammaado dagaalka, iyada oo aan ka qaybgelin Xamaas. Shabakadda ayaa sheegtay in Maraykanku uu sidoo kale doonayo in dalalka Carabta iyo Islaamka iney ku heshiiyaan iney ciidamo milateri u diraan Gaza si ey gacan uga geystaan bixitaanka Israa’iil iyo iney Carabta iyo Islaamka dhaqaale ku bixiyaan marxaladda KMG ah iyo dib u dhiska. Trump ayaa khudbad ka jeediyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay maanta oo Talaadada ah, maalin ka dib markii tobanaan hoggaamiyeyaal caalami ah ey isugu soo baxeen Qaramada Midoobay si ey u taageeraan dawladda Falastiin. Tani waa isbedel diblomaasiyadeed oo taariikhi ah ku dhawaad laba sano ka dib dagaalkii Gaza, laakiin waxay wajahaysaa iska caabin adag oo uga imaanaya Isra’iil iyo Mareykanka. Waddamadan ayaa sheegay in xalka labada dal uu yahay waddada kaliya ee lagu gaari karo nabad, balse Israa’iil waxay sheegtay in “in la aqoonsado dowlad Falastiini ah ey abaal-gud u tahay xagjirnimada”. Weerarkii Israa'iil ee Marinka Gaza tan iyo bishii Oktoobar 2023 ayaa lagu dilay in ka badan 65,000 oo Falastiiniyiin ah iyo macaluul. Khubaro badan oo xuquuqul insaanka ah, cilmi-baarayaal, iyo baaritaan ey Qaramada Midoobay samaysay ayaa qiimeeyay in weerarkani uu yahay "xasuuq." Trump ayaa ballan qaaday inuu si deg deg ah u soo afjari doono dagaalka Gaza, balse xalku waa mid aan la aqbali karin siddeed bilood ka dib markii uu xilka la wareegay. Muddada Trump ayaa ku biloowday xabbad joojin laba bilood ah oo u dhaxaysay Israa'iil iyo Xamaas, taasoo ku dhammaatay duqeymo ey Israa'iil ku dishay 400 oo Falastiiniyiin ah 18-kii March. Sawirrada Falastiiniyiinta oo ey ku jiraan caruur, ayaa dhawaanahan ka dhaliyay carro caalami ah oo ku aaddan weerarka Israa'iil ey ku hayso Gaza. Bishii Febraayo, Trump wuxuu soo jeediyay in Mareykanka uu maamulo Gaza iyo in Falastiiniyiinta laga barokiciyo dhulka. Khubarada xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay ayaa hindisahan ku tilmaamay mid " isir sifayn." Barakaca qasabka ah waa sharci darro marka loo eego sharciga caalamiga ah. Trump ayaa qorshahan ku tilmaamay mid dib u dhis ah.
XIGASHO-AL-CARABIYA.