HAYADDA CUNTADA ADDUUNKA WFP OO ISAGA BAXADAY WAQOOYIGA YEMEN.

(SAWIRKA)-CUNTO QEYBINTA YEMEN.

(YEMEN)-Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ku dhawaaqday iney joojisay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii ey ka waday deegaannada ey Xuutiyiintu ka taliyaan ee Waqooyiga Yemen, ka dib markii kooxdu ey xirtay koox dheeraad ah oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay dabayaaqadii bishii hore. Warbixin ku saabsan xaaladda bini'aadantinimo ee Yemen, oo la sii daayay Talaadadii, barnaamijka ayaa lagu yiri, "Mas'uuliyiinta ammaanka ee Xuutiyiintu waxay si sabab la'aan ah u xireen tiro ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ey ku jiraan 15 ka mid ah shaqaalaheenna, tan iyo Agoosto 31. Sidaa darteed, waxaan go'aansanay inaan joojino dhammaan dhaqdhaqaaqyadayada Waqooyiga dalka." Warbixintu waxa ey intaa ku dartay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cunnada Adduunka, Cindy McCain ey ku baaqeen in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan shaqaalaha la xiray, balse ilaa hadda ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay kooxda. Barnaamijka Qaramada Midoobay waxa uu tilmaamay in ey soo gebagebeeyeen wareeggii labaad ee barnaamijkeedii gargaarka deg degga ahaa ee cunto qaybinta deegaannada ey Xuutiyiintu haystaan ​​dabayaaqadii Agoosto, taasoo lagu beegsaday ku dhawaad ​​803,000 oo qof oo ku nool 25 degmo oo ey sida weyn u saamaysay cunto yarida. Barnaamijku wuxuu intaas ku daray "in aysan hadda bixinayn wax gargaar ah oo cusub." Warbixintu waxay tilmaantay in hannaanka beegsiga iyo diiwaangelinta ka-faa'iidaystayaasha cunnada gargaarka ah ey weli hakad ku jirto deegaannada ey Xuuthiyiinta ka taliso, sidoo kale barnaamijkii quudinta dugsiyada oo ey ugu wacan tahay dhaqaale yari daran. Hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP waxay xaqiijisay in hawlaheeda Yemen ey weli soo food saartay farqi lacageed oo ballaaran, oo lagu qiyaasay ku dhawaad ​​77% wadarta guud ee shuruudaha maalgelinta saafiga ah ee $432 milyan lixda bilood ee soo socota (Oktoobar 2025 - Maarso 2026).

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

TRUMP OO LA KULMAY CARABTA IYO ISLAAMKA HOGAANKOODA QAAR.

Next
Next

WADAMADDA UK,AUSTRALIA IYO KANADA OO AQOONSADAY FALASTIIN.