XUUTIYIINTA YEMEN OO GENTAAL KU DHUFTAY MARKAB SITA CALANKA HOLLAND.

(SAWIRKA)-MARKAB KU GUBANAAYO GACANKA CADMEED.

(ADEN/YEMEN)-Ilo-wareedyo dhinaca badaha Yurub ah ayaa xaqiijiyey in Markabka kuwa Xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Holland ayaa lagu weeraray meel 128 Mayl-badeed Koonfur-bari ka xigta Dekedda magaalada Cadan ee Koonfurta Yemen. Hawlgalka Yurub ee "Aspedes" ayaa ku sheegay qoraalo taxane ah oo ey soo dhigeen bartooda Twitter-ka ee "X", fiidnimadii Isniinta, in "Markabka qaada  Xamuulka ganacsi ee (MV MINERVAGRACHT), uu dab qabsaday ka dib markii lagu weeraray Gacanka Cadmeed,isagoo ku socdaalayey biyaha badda caalamiga ah,shaqaalihii Markakane waxa ey lumiyeen iney xakameeyaan dabka ka kacay Markabka. Waxay intaas ku dartay in Markabka guud ee xamuulka qaada ee calanka Holland ka babanaya uusan codsan in lagu ilaaliyo Ciidamada Badda Yurub ee ku sugan aaggaas. Aspedes waxa uu tilmaamay iney hadda samaynayso qiimayn joogto ah oo ku saabsan xaaladda, iyada oo la kaashanaysa maamullada Yurub iyo gobolka, isaga oo intaa ku daray: "Waxaan diyaar u nahay inaan fududeyno tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah oo ku saabsan markabka iyo shaqaalihiisa." Ciidamada Badda Yurub waxay ku celiyeen sida ey uga go'an tahay iney "ilaaliyaan nolosha bini'aadamka ee badda iyo ka qayb qaadashada xorriyadda socdaalka ee badaha sare." Warbixinadii ugu horeeyay ayaa tilmaamaya in laba shaqaale ah ey wax soo gaareen,waxaane Markabka saarnaa 12,200 tan ey suurtagal tahay iney Gubteen, "laakiin wararkii u dambeeyay ma sheegin wax dhaawac ah ama dhimasho ah," sida laga soo xigtay Hawlgalka Badaha Yurub. Xarunta Warfaafinta, Iskaashiga iyo Wacyigelinta ee Milliteriga Faransiiska ee (MICA Center) ayaa hore u sheegtay in weerarkii Isniintii lagu qaaday Markabka “Minervagracht” ee laga leeyahay dalka Holland uu ahaa kii labaad ee todobaad gudihiis ah. "Xuutiyiintu waxay hore ugu beegsadeen gantaal 23-kii Sebtembar, laakiin Markabka lama garaacin, maadaama uu gantaalku ku soo degay meel ku dhow laba mayl-badeed oo u jirta gacanka Cadmeed." Kooxda Xuutiyiinta ayaan weli sheegan mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Markabka, balse xarunta Mica Center ee Faransiiska ayaa dhacdadan ku macneysay kooxda, iyadoo sheegtay in markabku uusan wax xiriir ah la lahayn Israa’iil, sababta Xuutiyiinta ey labo jeer u beegsadeenna ilaa hadda lama oga. Tan iyo sannadkii 2023-kii, Xuutiyiinta ayaa weerarayay Maraakiib ey u arkaan iney ku xiran yihiin Israa’iil, xilli ey marayeen Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

SOO JEEDINTA MW-TRUMP EE XABAD JOOJINTA GAZA OO LAGA KEENAY SHAN SU’AAL.

Next
Next

MASAR IYO QADAR OO XARAKADA XAMAAS U GUDBIYEY….