MASAR IYO QADAR OO XARAKADA XAMAAS U GUDBIYEY….
(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.
(DOHA/QATAR)-Dalalka Masar iyo Qatar ayaa fiidnimada Isniinta maanta ah wakiillada Xamaas u gudbiyay Qorshaha Nabadeed ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Gaza, waxaana xarakadu ey billowday iney daristo. Inkastoo mas’uuliyiin badan oo Xamaas ka tirsan ey si cad u shaaciyeen ineysan si rasmi ah u helin xogta qorshahan, haddana ilo-wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyay in dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar ey nuqul ka mid ah soo jeedinta Mareykanka u gudbiyeen wakiillada dhaqdhaqaaqa. Hogaamiye Xamaas ka tirsan oo doorbiday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP: "Weli ma aanan helin soo jeedinta Trump, waanu daraasayn doonaa, kana jawaabi doonaa marka aan helno." Dhankiisa, Hogaamiyaha Xamaas Maxamuud Mardaawi ayaa u sheegay TV-ga AL-Aqsa ee Xarakada in Xamaas eysan helin nuqulka rasmiga ah ee qorshahan, iyadoo la tixgelinayo qodobbada ey soo saartay “oo u dhow aragtida Isra’iil”. Wuxuu tixgaliyay qodobbada lagu shaaciyay qorshaha Trump “mid aan caddayn oo aan la hubin,” isagoo intaa ku daray in Xamaas ey dib u eegis ku sameyn doonto soo jeedinta Mareykanka oo ey kala hadli doonto kooxaha Falastiiniyiinta. Dhankeeda, warbaahinta rasmiga ah ee Israel ayaa sheegtay in Masar iyo Qatar ey si rasmi ah u gaarsiiyeen qoraalka qorshaha Trump Xamaas. Ilo amni oo mas'uul ka ah ayaa xaqiijiyay in "Masar iyo Qatar ey gudbiyeen hindisaha xabbad-joojinta Mareykanka ee Xamaas," isagoo raaciyay "dhaqdhaqaaqa wuxuu xaqiijiyay inuu si wanaagsan u daraaseynayo soo jeedinta." Sidoo kale, Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa “Madax aqoon u leh wadahadallada” ayaa sheegtay in Raysal Wasaaraha Qatar iyo Madaxa Sirdoonka Masar ey Xamaas uga warbixiyeen qorshaha Trump. Sargaalka ayaa intaas ku daray in wadahadalada Xamaas ey ku wargeliyeen dhexdhexaadiyayaasha iney "si niyad wanaag ah u daraaseyn doonaan qorshaha jawaabna ka bixin doonaan." Sarkaal u hadlay Wakaaladda Wararka ee France-Presse ayaa warkan u xaqiijiyay, isagoo sheegay in Raysal wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Cabdulrahman AL-Thani iyo Agaasimaha sirdoonka Masar Maxamoud Rashad “mar kaliya ey la kulmeen wada xaajoodayaasha Xamaas, eyna u gudbiyeen qorshaha 20-ka qodob ka kooban.Horaantii Isniintii, Aqalka Cad ayaa soo saaray qorshaha Trump ee lagu joojinayo dagaalka Marinka Gaza, ka dib wadahadal uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu. Trump ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Netanyahu uu oggolaaday qorshahaas, balse ey weli u baahan tahay oggolaanshaha Xamaas. Qorshaha Trump ayaa dhigaya in Madaxweynaha Mareykanka uu guddoomin doono Guddiga kormeeraya Marxaladda ku meel gaarka ah ee Gaza, iyada oo aan qofna ku qasbin dadka deegaanka iney ka baxaan Marinka. Qorshahan ayaa ku baaqaya in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka socday tan iyo 7-dii Oktoobar 2023, iyo in ciidamada Israa’iil si weji ah looga saaro Gaza. Waxa kale oo ey ku baaqaysaa in la sii daayo dhammaan Maxaabiista. Trump ayaa guddoomin doona "guddi nabadda" oo uu ku jiro Raysal Wasaarihii hore ee Britain Tony Blair. Arrimaha Falastiin waxa maamuli doona guddi Falastiini ah oo aan “Siyaasadeed ahayn, Teknooloji ah”, marka laga reebo Xamaas. Marka loo eego qodobbada kale ee qorshaha, Maraykanku wuxuu la shaqayn doonaa "Arab iyo saaxiibada caalamiga ah si loo dhiso ciidan xasilin caalami ah si deg deg ah loo geeyo Gaza." Ciidankan ayaa tababari doona oo taageeri doona "ciidamada booliska falastiiniyiinta ee lagu heshiiyey”iyagoo la tashanaayo Urdun iyo Masar.
XIGASHO-AL-CARABIYAH.