XUUTIYIINTA YEMEN OO CAAWA WEERAR DHINACA CIRKA AH KU QAADAY ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-DRONES.
(YEMEN)-Wararka ka imanaayo Isra’iil ayaa sheegaayo in Seeriga duullaanka cirka laga maqlay "goobaha furan" ee koonfurta Israa'iil fiidnimadii Arbacada ka dib markii ey diyaarad aan duuliye lahayn laga soo tuuray Yemen, taasoo ahayd tii labaad ee la soo tuuro wax ka yar saacad. Milateriga Israa’iil ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa X ku yiri: “Ciidanka cirku waxay qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo Yemen laga soo tuuray wax yar ka hor, seeriga cirka ayaa laga hawlgaliyey meelo bannaan ah”. Dhankeeda, wargeyska gaarka ah ee Isra’iil ee Yedioth Ahronoth ayaa soo xigtay ciidanka isagoo sheegay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn lagu qabtay "goobta xuduudka Masar. Wax yar ka hor, milatariga Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ey isla aaggaas ku qabteen diyaarad aan duuliye lahayn, sida uu qoray wargeyska Israel.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda Xuutiyiinta Yemen oo marar badan weeraro ku qaaday goobaha iyo maraakiibta ey Israa’iil leedahay ee ku xiran magaalada Tel Aviv ee Badda Cas. Israa’iil ayaa kaga jawaabtay duqeymo ey ku garaacday goobaha ey Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan. Talaadadii, millatariga Israa’iil ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay in afar diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn laga soo riday Yemen, kuna sii jeeday magaalada Eilat ee koonfurta dalkaasi hal saac gudaheed, waxayna xaqiijiyeen in la qabtay. 24-kii Sebtembar, 50 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay, oo saddex ka mid ah ey halis yihiin, ka dib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo ka soo duushay Yemen ey ku burburtay meel u dhow hoteel ku yaalla Eilat, ka dib markii mileteriga Isra’iil ey ku guul dareysteen iney ka hortagaan.
XIGASHO-AA.