ISRA’IIL OO SHEEGTAY INEYSAN SOO DHIIBI DOONIN MEYDKA YAXYE SINWAAR.

(SAWIRKA)-YAXYE SINWAAR.

(ISRAEL)-Wararka ka imaanayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Xukuumadda Israa’iil ey sugayso codayn fiidnimadii caawa oo Khamiis ah, kuna saabsan qodobbadii wejiga koowaad ee xabbad-joojinta Gaza iyo heshiiska is-dhaafsiga Maxaabiista, ayaa wada-tashigu waxa uu ka socday magaalada Sharma EL-Sheekh ee dalka Masar, iyadoo ey ka qayb-galeen dhexdhexaadiyeyaal kala ah (Qatar, Masar, iyo Maraykanka). Inkastoo aan wax faah faahin ah laga bixin liiska Maxaabiista Falastiiniyiinta ah iyo magacyada dadka laga soo deynaayo dhanka Israa’iil, ayaa dhanka kale ciidanka Asluubta Israa’iil waxa ey sheegeen in eysan wali helin magacyada Maxaabiista la sii deynayo.

LAMA SII DEYNAAYO BARGUUTHI:

Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadashay dowladda Israa’iil ayaa xaqiijisay in Hoggaamiyaha caanka ah ee Jbhadda AL-Fatax Marwan Barghuuti uusan ka mid noqon doonin dadka la sii deynayo. Dhinaca kale, ilo-wareedyo Isra’iil ah ayaa xaqiijiyey in Meydka Hoggaamiyihii hore ee Xamaas Yaxya Sinwaar iyo walaalkii Maxamed, oo la dilay bishii Meey ee la soo dhaafay, aan lagu darin doonin heshiiska isdhafsiga, sida ey sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil. Hadda waxaa hubaal ah in Xamaas ey soo wareejin doonto dhammaan Maxaabiista Israa’iil ee nool Isniinta soo socota, ka dib ka bixitaanka Israa’iil ee qeybo ka mid ah Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin uu billaaban doono berri oo Jimco ah.

“BILAWGA KA BIXIDDA MARKA HORE”.

Xamaas ayaa goor sii horeysay maanta oo Khamiis ah sheegtay in Israa’iil ey ku qasban tahay iney ka baxdo magaalooyinka waa-weyn ee Gaza ugu dambeyn Jimcaha. Waxa ey intaa ku dartay in is dhaafsiga la Haystayaasha iyo Maxaabiista eysan bilaaban doonin ilaa laga gaaro xabad joojin iyo in Israa’iiliyiinta ey ka baxaan magaalooyinka ey dadku ku badan yihiin. Waxa ey sidoo kale daaha ka qaaday in “250-Maxbuus oo noool ay sii deyn doonto Israa’iil,” sida uu dhigayo heshiiskii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump habeen hore, Arbacadii. Dhaqdhaqaaqa ayaa sidoo kale xusay in "heshiisku uu dhigayey in la furo shan isgoys si loogu ogolaado gargaarka Marinka Gaza." Waxay xaqiijisay iney heshay "dammaanad ka timid Maraykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha in Israa'iil eysan ku soo laaban doonin hawlgallada dagaalka." Isla mar ahaantaana, ciidamada Israa'iil waxay ku dhawaaqeen bilawga tallaabooyin wax ku ool ah oo dib loogu hawlgelinayo, waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxaa xusid mudan in Trump uu shalay fiidnimadii ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Xamaas ey heshiis ka gaareen wejiga koowaad ee qorshaha Gaza, uu tallaabadaas ku tilmaamay guul weyn. Iyadoo waddamo badan oo reer galbeed ah iyo kuwo Carab ahi ey soo dhaweeyeen heshiiskan, ayaa haddana waxa uu u gogol xaarayaa in la soo afjaro dagaal dhiig badan ku daatay oo socday muddo laba sano ah, kaasoo inta badan Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ka dhigay mid burbursan isla markaasne barakiciyey boqollaal kun oo qof oo degganaa in ka badan hal mar. Dagaalka ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay in ka badan 67,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ey sheegeen qiyaasaha maamulka caafimaadka ee Gaza.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

DALKA TURKIGA OO QEYB KA NOQON DOONO BAADI GOOBKA MEYDADKA ISRA’IIL.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMEN OO CAAWA WEERAR DHINACA CIRKA AH KU QAADAY ISRA’IIL.