DALKA TURKIGA OO QEYB KA NOQON DOONO BAADI GOOBKA MEYDADKA ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-BURBURKA MARINKA GAZA.

(ISTAMBUL/TURKEY)-Dalka Turkiga ayaa ka qayb qaadan doona hawlgalo caalami ah oo ey weheliyaan Isra’iil, Maraykanka, Masar, iyo Qatar si ey u soo helaan Meydadka Maxaabiista Isra’iil , sida ey xaqiijiyeen saraakiil Turki ah iyo Israa'iil Khamiista maanta ah. Go’aankan ayaa lagu gaaray wada xaajoodkii dhex dhexaadinta ahaa ee ka dhacay magaalada Sharma EL-Sheekh, kaasoo horseeday xabbad-joojin iyo heshiis is-dhaafsi Maxaabiis ah oo uu habeen hore ku dhawaaqay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Hindisaha wadajirka ah ayaa diiradda lagu saari doonaa soo celinta haraadiga Maxaabiista oo aan ilaa hadda la garanayn meelahooda ka dib in ka badan laba sano oo colaad ah. Sarkaal sare oo ka tirsan Turkiga ayaa u sheegay warfidiyeenka kooxda hawsha loo xilsaaray inaey "Ku bixin doonaan kaalmo saadka iyo farsamada, oo ey ku jiraan qalabka culus ee qodista iyo burburinta haddii loo baahdo", si loo hubiyo in "inta ugu badan ee haraaga ah ee suurtogalka ah lagu soo saaro la haystayaasha nool 72 saacadood gudahood".

TARTAN KA DHAN AH 72-SAAC EE KAMA DAMBEYSTA AH.

Sida uu qabo qorshaha Trump ee nabadda Gaza, dhammaan la Haystayaasha Nool iyo kuwa dhintay waa in lagu celiyo Israa’iil 72 saacadood gudahooda marka ey dhaqan gasho xabbad joojinta. Si kastaba ha ahaatee, wada-xaajoodayaashu waxay qireen in Xamaas ey ku wargelisay dhexdhexaadiyeyaasha ineysan garanayn halka ey ku sugan yihiin qaar ka mid ah la-Haystayaasha, howshana ey qaadan karto waqti dheer. Sida laga soo xigtay saraakiisha Israa'iil, 48 la Haystayaal ayaa weli ku sugan Gaza, oo ey ku jiraan ugu yaraan 26 ka mid ah ayaa la xaqiijiyay iney Meyd yihiin. Ilaa 20 ayaa la rumeysan yahay iney nool yihiin, iyadoo labo kalena aan la ogeyn halka ey ku dambeeyeen. Isku duwaha dawladda Israa'iil ee arrimaha la Haystayaasha Gal Hirsch ayaa sheegay in ciidanka wadajirka ah loo sameeyay "si ey uga gudbaan dhibaatooyinka la filayo iyo in la xaqiijiyo soo celinta buuxda ee kuwa nool iyo kuwa dhintayba". "Waxaan u dhaqaaqnay inaan dhisno koox-hawleed caalami ah oo heli doona wax walba oo loo baahan yahay, oo ey ku jiraan macluumaadka iyo agabka, si dib loogu soo celiyo la Haystayaasha Israa'iil," Hirsch ayaa u sheegay Warbaahinta Haaretz . Saraakiisha Israa'iil ayaa Warbaahinta CNN u sheegay in laga yaabo in Xamaas eysan heli karin ilaa 10-15 Mayd, taasoo lagu saleeyay sirdoonkii la wadaagay intii uu socday wadahadalka. "Qiimayntu way socotaa," mid ka mid ah saraakiisha ayaa yiri, isaga oo intaa ku daray in ciidamada Israa'iil ey filayaan in habka soo kabashada uu sii socdo ka dib daaqadda 72-saac. Intii lagu jiray heshiisyadii hore, Xamaas waxay sii daysay inta badan 254-Maxbuus oo Israa'iiliyiin ah oo ey qabsadeen Oktoobar 7 2023. Israa'iil waxay sii daysay ku dhawaad ​​2,000 Maxaabiis Falastiiniyiin ah intii lagu jiray isdhaafsiga.

XIGASHO-AJ.

Previous
Previous

QAXOOTIGA SURIYA EE KU SUGAN LUBNAAN OO BILAABAY INEY DIB UGU LAABTAAN…

Next
Next

ISRA’IIL OO SHEEGTAY INEYSAN SOO DHIIBI DOONIN MEYDKA YAXYE SINWAAR.