QAXOOTIGA SURIYA EE KU SUGAN LUBNAAN OO BILAABAY INEY DIB UGU LAABTAAN…

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA SURIYA.

(LONDON)-Tirada Qaxootiga Suuriyaanka ah ee ku sugan dalka Lubnaan ee dib ugu laabtay dalkooda hooyo ayaa la filayaa iney gaarto 400,000 dhamaadka sanadkan-2025-ka,sida ey sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR. Ku dhawaad ​​300,000 oo Suuriyaan ah ayaa horay ugu laabtay dalkooda Suriya tan iyo markii la riday nidaamka Bashaar AL-Asad bishii December 2024, ayey raacisay Hayadda UNHCR. Lisa Abu Khalid, oo ah afhayeenka Hay'adda Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in 180,000 oo kale oo Qaxooti ah ey muujiyeen rabitaan ey sidoo kale ku laabanayaan dalkooda, taasoo qayb ka ah barnaamijka dib u celinta Qaramada Midoobay ee la bilaabay bishii Luulyo. Abu Khalid iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Ammaanka Guud ee Lubnaan iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka(IOM) ayaa la socday 163 Qaxooti Suuriyaan ah, kuwaasoo ka mid ahaa kolonyadii Afraad ee uu soo qabanqaabiyay Barnaamijka Qaramada Midoobay, iyagoo ka tallaabay xadka Waqooyiga Tripoli Khamiisti, kuna laabtay dalkooda. Dadka Suuriyaanka ah oo ku xirnaa aagga Idlib iyo Xoms, ayaan wax kharash ah ka bixinayn dhinaca xadka Lubnaan, taas oo muujinaysa sida ey uga go'an tahay waddanku in si ammaan ah oo sharaf leh ey dib ugu noqdaan barakacayaasha, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan. Laanqayrta cas ee Lubnaan iyo Ururada kale ee bini'aadantinimada ayaa Lubnaan ka caawinaya dadaalkeeda ku aaddan fududaynta soo noqoshada Qaxootiga. Malaayiin qof ayaa ka barakacay Suuriya dagaalka sokeeye ee ka socda dalkaas, kaasoo billowday March 2011. Qiyaastii 2.1 milyan oo ka mid ah ayaa ku dhammaaday Lubnaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee Lubnaan.

XIGASHO-AN.

Previous
Previous

ISRA’II OO SHEEGTAY INEYSAN SII DEYN DOONIN HOGAAMIYE BARGHUUTI.

Next
Next

DALKA TURKIGA OO QEYB KA NOQON DOONO BAADI GOOBKA MEYDADKA ISRA’IIL.