ISRA’II OO SHEEGTAY INEYSAN SII DEYN DOONIN HOGAAMIYE BARGHUUTI.

(SAWIRKA)-MARWAAN AL-BARGHUUTI.

(TEL AVIV)-Iyadoo boqolaal qoys oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Marinka Gaza ey sugayaan in wiilashooda laga sii daayo xabsiyada Isra’iil Isniinta soo socota, iyadoo la fulinayo qorshaha xabad joojinta ee Gaza, waxaa soo baxay khilaaf ka dhex aloosan dowladda Isra’iil oo diiday iney shaaciso magacyada Maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii deynayo. Wariyaha Tv-ga caanka ah ee AL-Carabiya ayaa soo sheegay in khilaaf uu ka dhashay liiska Maxaabiista Falastiiniyiinta, taasoo keentay in daqiiqaddii ugu dambeysay la beddelo liiska Jimcaha maanta ah. Waxaa ka mid ahaa Maxaabiista Ururadda Fatax iyo Xamaas oo xabsi daa’im ku xukunaay. Waxay intaas ku dartay in xubnaha dowladdu ey soo noqdeen oo ey maanta codkooda ku dhiibteen khadka taleefanka ee liiska la cusbooneysiiyay. Dhanka kale, ilo-wareedyo Isra’iil ah ayaa tilmaamay in 11 Maxbuus oo Xamaas ah iyo 11 Maxbuus oo Fatax ah la sii dayn doono, taasoo qayb ka ah heshiiska Gaza, sida ey sheegtay Idaacadda Ciidamada Israa’iil.

BEDELKA 10-MAGAC:

Ilaha Israa’iil ayaa hore u tilmaamay in dawladda Israa’iil ey codsatay in la beddelo ku dhawaad ​​10 Maxbuus oo waa-weyn oo caan ah, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin. Dhanka kale, sarkaal ka tirsan sirdoonka gudaha ee Isra’iil Shin Bet ayaa xaqiijiyay in hay’addu ey baaritaan ku sameysay magac kasta oo Maxbuus Falastiini ah oo la sii deynayo, isagoo yiri, “Waxaan si wanaagsan u fahamnay qiimaha lagu sii daayo la haystayaashayada,” sida ey sheegtay maamulka warbaahinta Israa’iil. Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee lagu kala saxiixday magaalada Sharma EL-Sheekh ee dalka Masar oo daba socday wada-xaajood aan toos ahayn oo dhex maray Israa’iil iyo Xamaas oo ey garwadeen ka ahaayeen dhexdhexaadiyeyaal, ayaa qodob ka mid ah qodobadiisa lagu sheegay in la sii daayo dhammaan Maxaabiista nool ee Israa’iiliyiinta ah ee lagu haysto Gaza, taasoo beddelkeeda lagu sii daayo Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee sida gaarka ah ugu xiran jeelasha Israa’iil 72 saacadood gudahood, marka ey xabbad-joojintu dhaqan gasho. Hawlgalka ayaa la fulin lahaa iyada oo aan si toos ah warbaahintu u tabin, iyada oo kaliya Laanqeyrta Cas ey isha ku hayso habka goobta. Isla mar ahaantaana, Israa'iil waxay bilawday iney sii deyso "Magacyo kooban oo ku xukuman xukuno aad u dheer." Iyadoo Israa'iil ey hore u heshay liiska Maxaabiista Israa'iil ee nool, haddana weli ma eysan bixin liiska Maxaabiista la sii deynayo. Waxaa xusid mudan in afhayeenka xukuumadda Isra’iil Shosh Pedersian uu shalay xaqiijiyay in hoggaamiyaha caanka ah ee Fatax Marwan Barghuuti uusan ka mid noqon doonin dadka la sii daayay. Dhanka kale, ilo-wareedyo Isra’iil ayaa daaha ka qaaday in Meydadka Hoggaamiyihii hore ee Xamaas Yaxya Sinwar iyo walaalkii Maxamed, oo la dilay bishii Meey ee la soo dhaafay, aan lagu dari doonin heshiiska Maxaabiis isdhaafsiga, sida ey sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil. Arrintan ayaa timid ka dib markii Xamaas ey horey u dalbatay in la sii daayo shaqsiyaad muhiim ah oo ey ka mid yihiin Hogaamiyaha Fatax Marwan Barghuuti, Hogaamiyayaasha Xamaas Cabdullah Barghuuti, Ibrahim Xaamed, Xasan Salaamah, iyo Cabbaas AL-Sayyed, iyo Xoghayaha Guud ee Jabhadda caanka ah ee Xoreynta Falastiin Axmed Saadaat.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Next
Next

QAXOOTIGA SURIYA EE KU SUGAN LUBNAAN OO BILAABAY INEY DIB UGU LAABTAAN…